SHARIIF SAKIIN OO KAASHANAYO SIYAASIYIIN U DHALATAY GOBALKA GEDO OO FASHILINAYO JUBBALAND
Waxaa wali ku sugan Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Shariif Xassan Sheekh “Sakiin” iyo xubno siyaasiyiin dhowro oo kasoo jeeda qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,kuwaasoo Magaalada Nairobi ka wada olole balaaran oo ay ku doonayaan in Maamul ugu sameeyaan afar gobol oo kamid ah koonfur galbeed Soomaaliya.
Illo lagu kalsoonyahay oo la hadashay Saadaal Media ayaa xaqiijiyay Maalmihii ugu danbeeyay Wafdigii uu hogaaminayay Shariif Xassan Sheekh Aadan ee ku sugnaa Magaalada Nairobi in ay kulamo la yeelanayeen qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Bay,Bakool,Shabellaha Hoose iyo Gedo.
Siyaasiyiinta ay la kulmeen Wafdiga Shariif Xasan ayaa la sheegay in ay isku soo qaadeen Maamul dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo kaasoo uu madax u noqon doono Shariif Xassan Sheekh Aadan.
Masuuliyiinta ay la kulmeen ayaa lagu soo waramayaa in ay ka wada hadleen sidii loo midayn lahaa gobolada afarta ah ee xuduuda wadaaga, waxaana la sheegayaa in ay inta badan siyaasiyiintaasi kasoo horjeesteen in ay maamul uu madax ka yahay Shariif Xassan la midoobaan sidoo kalana ay wax ku darsadaan gobolo aan is qaadan karin.
Maalmaha fooda nagu soo haya aya la filayaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo wafdi kale oo la socda.
Geesta kale waxaa ka soconaya Gobolka Gedo olole balaaran oo ay wadaan qaar kamid ah siyaasiyiin ay isku hadaf yihiin Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo sidoo kale qurba-joog u dhalatay deeganadaasi, kuwaasoo wada qorshe ay ku doonayaan in ay kula midoobaan Shariif Xassan,
Shirar iyo kulamo ay wax garadka goboladaasi kasoo horjeesteen ayaa ka soconaya Gobolka Gedo, waxaana in badan oo kamid ah wax garadka ay ku talinayaan in dib loo dhigo qorshaha lagu midaynayo degmooyinka Bay Bakool Gedo iyo Shabellada Hoose, taasoo ay u arkaan in aysan xiligani haboonayn, maadaama gobolka Gedo uu kamid yahay deegaanada la isku yiraahdo Jubbaland.
Warar lagu kalsoonyahay oo heshay Saadaal Media ayaa xaqiijinaya siyaasiyiinta iyo sidoo kale ay howshaan kaalin xooggan ku leeyihiin qaar kamid ah siyaasiyiin iyo hogaamiye kooxeedyo horay ugu fashilmay siyaasada isla markaasina iska dhex arki waayay wadatashiyada Maamul loogu samaynayo Deegaanada Jubooyinka iyo Gedo ee ka socda Magaalada Kismaayo iyo Nairobi.
Siyaasiyiinta sida wayn ugu ololaynaya Maamulka uu madaxka noqonayo Sharif Xassan ayaa la sheegayaa in ay wadaan da’daaladii ugu danbeeyay ee howshaasi ay ug fuli lahayd, ayagoo kaashanaya qurba-joog deeganadaasi u dhalatay oo in mudaa ku wareersanaa wadamada Qurbaha isla markaasina doonaya in ay xiligani siyaasada kasoo galaan deegaanada ay u dhasheen maadaama wadamada Qurbaha dhawaanahaan ay ka jiren Dhaqala yari.









SAADAAL WAXBA HA QARININA MAXAMUUD SAYID,COL.BARRE HIRAALE,GUDDOOMIYE KU XIGEENKA GOBALKA GEDO KALIIL AYAA AAMINSAN FIKIR SHARIIF SAKIIN SIDAA MAAD HADAL U DHIGTAAN,MAAXD U MALDAHAYSAAN
Maxaa gobalka Gedo iyo Jubooyinka daba dhigay hogaamiye kooxeeyda iyo shariif sakiin,yaa qashinkaan dadaka dhaafiyo.hawiye oo hogaamiye koxeedyada dhalay waa ka gudbeene waxaa daroodka ibtiladaan u soo arkay oo loo wareerinayaan dumarka iyo dhalinyarada qurbajoogta!!!
asc walal jimcale waad salmaan tahay waxad no shegtay in laga codsaday wadashaqeyn hadaba aad ayan ugu farxeyna in ey dhacdo wadashaqeynta webkena iyo lanta socdalka sweden hase ahate waxa jira lanta socdalka waxa u shaqeya dad badan o jensiyado kala duwan kaso kala jeeda sidan filayona somali ka mid mahan dadka ka shaqeya xafisyada lanta socdalka lakin waxa jira dadka ka mid ah shaqalaha lanta socdalka o neceb somalida iyo mideyntoda ama jogitankoda sweden ok waxey sameyan marka dacwadihi mideynta ayey hoos iska dhigan mana soo jawabayan mudo dheer haddi lawaco waxey ku leyihin kaliga laguma shaqeyo waaba hadey teelka ka qabtane marka waxa kale o jira dad marka eyso gaarto dacwada sidey aheet ugu kala socodsiya wana ku mahadsan yihin balse waa in lanta socdalka lo sheego in ey shaqalaha ka mid yihin qoladi ajanibka necbed siba medebka madowga ah wad mahadsan tahay wabilahi towfiqU codee: 2 1
kkkkkkkkkk raxxanweyn iyo shariif sakiin aa damiirkii ayaa lumay dadkii waa la iibsaday!!!!!
Gedo halaga jaro Jubooyinka.hadiib danta hogaamiye kooxeyada iyo shariif askiin ka weyntahay danta guud oo dad fikirkaas aaminsan sanay ay jiraan labada gobal ee jubooyinka hala fasaxo gedo bay iyo bakool halagu daro
War maa maxay gedo bay iyo bakool isma raaci karaan,haddii siyaasiyiin ku sheegtaan la gatay maa loo qaaramo oo lacgta lagu gatay ka badan maa la siiyo
sharif sakiin oo wax walba deeqi waayeen miyaa dadka gedo laga iibinayaa kuwa sade sheeganaya oo hawshaan wada waxaan leeyahay doora fuudkeed damac yuu idinka galin taarikh madow iyo dacfaruur waxba ku noqonmaysaan xaniinyihiina fuula oo sumadiina raaca inta gooru gortahay
shariif xasan waxaan kugu taageereynaa qorshaha aad ku sameyneyso maamulka koonfurta galbeed lkn waxaa kaa codsaneynaa inaad kusoo darto labada gobol ee aadan soo hadal qaadin ee kismaayo iyo bu,aale ala hakula garab galo
kkkkkkkkkkkkkkk Warkaan meel lagu hayo oo aan ahayn saadaal ma jirto halkee laga keenay waa cajiib?
Waxaa laga hadlaayay in maamulka jubooyinka dib loo dhigo inta degaanka la xoreynaayo meesha maba taal baay ayaa la raacayaa kkkkkkkkkk fikir qaldan caqli qaldan iyo maqaal qaldan mise saadaal baaloo maraay in dadka laga iibiyo wax aan jirin
Soomajeesta adaan xogagaal ahayne dad beesha sade ah oo xitaa idaacadaha la hadlay sida Maxamuud sayid ADAN ayaa koonfurgalbeed aaminsan oo shariif sakiin ku hadaf ah
Waaan yaabanayn oon is lahayn xagee salaadu iska qaban ladahay,sabti kasta taleefano ayaa nalagu wareeriyay oo xitaa aad moodid dadka wada inay dad aan,muusliiyiin ahayn ay yihiin waxaan aad ula yaabay Gureey Xaaji Faarax oo seedigiis gacantiisa ku dilay ayaa lagu leeyahay kismaayo arrinaheeda alla dad muxuu wareeray waaba wanted de
Tan waa qiyaano cad oo lagu lugooynayo beesha sade.bay bakool iyo Gedo. Hadii doorasho lagalo yaa ku guuleysanaya. bay iyo Bakool. waa halagaa dhego minority group.waa 4.5 kale. warlodka caadi qaale hataageerin hadii aad u aad doo neysid in aad badbaadisid ubadkaagga soo socda. fiiri mustaqbalka madow ee lal damacanyahay sade gedo.
Beesha sade waa beesha kaliya oo aad moodid inay ku wareersan yihiin siyaasada soomaaliya waana sababta ay raxaweyn iyo ogadeen u kala qaybsadeen.kaba daran dadkaan qurbaha ku wareeray ayaa dadka gudaha qasayo cabdudwaaq bal fiiriye dadka waxa isku dirayo oo kala dilaya waa dadkaan gudaha tagi karin sida qaatilkaan seedigiis soo dilay oo la sheegayo,waxaas oo kale ayaa dad dhagysanayaan ninkaad kabaha ka tolanaysid kabahiisa ayaa la fiiriye.dadka dumarka iyo dhalinyarada u badan oo wanaaga jecel ee qurbajoogta arrimaha soomaaliya iyo waxa socda waxba kama qaban kartaa waqtigiina haku luminina waxaan waxba kasoo baxayn ee danahiina ka raacda inaad iska dhaaftaan kadhi ku dirirkaan loo rakay in taleefano dad laisugu keeno dad lacag doon ah.gudaha laga soo xiro
Kkkkkkkkk gedo haddii lagu darro bay & bakool maxaa Reer gedo u soo kordhaya,arrintaa ma fahmine hala ii bidhaansha
Walaal sheekadaan waxaa wata niman xanar iska fadhiya iyo dhawr nin ii uu sheekhaalka horboodo marka waxay u muuqataa ninan shilimaad yar shariif sakiin ka qaatay lakiin cid ay barnaamijkaan ka gadi karaan ma irta marka niman fashiliin ah waqti haku lumin
Waxaan aad ula yaabay hogaamiye kooxeedyadaan siyaasada ku fashilmay oo markii talada hayeen ku guuldaraystay in xitaa degmooyinka ay joogeen maamul ka samayn waayay inay hadda yiraahdan dib haloo dhigo xitaa wax faraha ugu jiro ma jiraan waxa qarsoon oo la watana ay tahay shariif iyo maamulka uu madaxweynaha raba inuu ka noqda koonfurgalbeed soomaaliya
Ma heer waxaan maraynaa in shariif sakiin eebsado dad u dhashay.waligay kuma fakirin ismana lahayn ragga qaarkii ayaa heerkaa gaarayo walee waa la jabay
Sheekadaan shariif sakiin xagee ka timid
Viva jubbaland cadowgeeda ka dhaco
Qolyahaan jubbaland diidan maxay rabaan? SABABO SOLID AH OO AY WAX KU DIIDAAN MA HAYAAN.MARKAAN DOODAHOODA DHAGAYSTAY XUJO CAD MA HAYAAN OO LA CUSKAN KARO
KKKKKKKK Dhamaantiina waad riyooneysaan. Gedo weligeed Dhul Digilmirifle ayay aheyd, saaseyn ahaane insha Allah. Ninkii dood ka qaba banaanka iskeen. Daaroodka Qaxootinimada kusoo dagey Koonfurta waxaan leenahay Minority ayaad kutiin. Intii xaq u leedihin waad Heleysaan ee Dhulka cagaha dhiga. Hadii kale Qaxootinimo ayaa idin danbeysa.
Waqtigii masaakinta Dulmi jirteen Dhamaadey. Waa un labo midood: Inaad Galgaduud iyo Itoobiya kulaabataan ama Tartiib dalka u joogtaan. Waqtigana waa ordayaa ee Go’aan kama danbeys ah Gaara.
Koonfur Galbeed way dhismeysaa Insha Allah. Diid ama raac. Waxayna ka koobantahay 6 Gobol, Labada Jubbo, Shabeelaha Hoose, Baay, Gedo iyo Bakool. Waxaana lagu xukuma Qaacidada ah “Majority leads Minority”.
To Maryam: Jubbaland waxaan kuu diidanahay hadaan nahay Soomalida Koonfur degta Asal ahaan Waxaa wata dad Qaxooti ku ah Koonfur. Nin saas ahna inuu dhulkeena nagu Dulmiyo oo noogu teliyo diidni. Ee idinku ma ii sheegi kartaan waxaan ku diidan tihiin Koonfur Galbeed?
Kuusow Koonfur Galbeed waxaan ku diidanahay waa iskz cadahay waa marka kowaade dadkaan daga inta uu Mara wabiga Jubbz oo jubbaland laisku yiraahdo dadka daga waa dad wada dhashay isku lahjadna ah isdhaqan yaqaan marka xigtana lixdaan gobal oo l leeyahay Koonfur galbeed ayay ka koobantahay ma ahan goballo is qaadan karo
To Maryam: Markii horeba marti ayaad ku ehedeen. Hadaad diideen in aan nabad ku joogtaan Kakuma iyo Efo way idin qaadi kartaan u maleynaa. Isku lahjad hadaad tihiin xeryaha qaxootiga ku sheekeysta lahjadiina ama Asal dhulkaad kasoo hayaanteen ku laabta. Doo dhamaadi.
Barre Huraale ma dad wareysta ayaa jira,sheekhaalkaan Maxamuud Sayid la leeyahay yuu mataalaa