Dhagayso: Gal-mudug oo Madaxwayne Qaybdiid ku eedaysay dilalka ka dhacay Gaalkacyo
Xili maalmihii ugu danbeeyay ay deegaanada Gal-mudug ka jireen is marin waa siyaasaded oo u dhexeeya madaxda ugu saraysa maamulkaasi, ayaa waxaa eedayn kulul loosoo jeediyay Madaxwaynaha Xilkiisa lagu muransanyahay ee maamulka Gal-mudug Cabdi xassan Cawaale Qaybdiid.
Mr Cawaale ayaa lagu eedeeyay in uu ka danbeeyo dilalka iyo falalka amaanka lidiga ku ah ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale ee maamulkaasi ka arimiyo
Wasiir Ka tirsan Maamulka Gal-mudug qaybta uu madaxwaynaha ka yahay Tima-kalajeex Mahad Maxamed Saalax ayaa eedaymo kulul usoo jeediyay Cabdiqaybdiid.








