Dhagayso: Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somalia oo Maanta hortagay Baarlamanka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa hortagay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya kuwaasi oo su’aalo lagu weydiinaye halkaasi.
Kulanka oo ahaa mid su’aalo lagu weydiinaye wasiirada kala ah wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxu ka dhacay aqalka Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay weydiiyeen su’aalo la xiriira sababta maxkamada ciidamada qalabka sida ay uxirtay wariyaha Bbc-da ee Muqdisho.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa uga jawaabay in sababta maxkamada ciidamada qalabka sida ay uxirtay wariyaha Bbc-da ay aheyd in wariyaha uu sameeyay warbixin dhaawacaysa sharafta Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay su’aalo weydiiyeen Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan,iyadoo su’aalaha la weydiinaye ay la xiriireen sababta ka dambeysay in la kireeyo safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga iyo hantida qaranka ee dalka dibadiisa ku maqan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaliya ayaa ku jawaabtay inay kadaba tagi doonaan dhamaan hantida qaranka ee ku maqan dalka dibadiisa iyadoona sheegtay inay baaritaano ku wadaan sababta ka dambeysay in la kireesto safaarada Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa umahadceliyay labada wasiir sida ay maanta usoo xaadireen kulanka Baarlamaanka iyo sida wanaagsan ee ay kaga jawaabeen su’aalaha la weydiiyay.

Dhagayso Sida wasiirrada Su’aalaha loo waydiiyay 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

DSC02338 Dhagasyo:Barakacayaasha Puntland oo Ka qayb Galaya Dorashooyinka D/Hoose ee Puntland
- May 21, 2013
Barakacayasha Puntland oo Sheegay In ay ka qeyb galayaan Doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland Xili ...
Kismaayo-32 Dhagayso:- Wafti ka socda Beesha Caalamka oo Kismaayo gaaray
- May 21, 2013
Wararka ka imaanaya Magaalada kismaayo ayaa sheegaya halkaasi maanta inay gaareen Wafti ka socda ...
odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada Dhagayso:- Odayaashii soo dhisay DFS oo ka digay Mooshinka Xukuumadda.
- May 21, 2013
Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ayaa ugu baaqay mudanayaasha mowshika ka keenay ...
IMG_0559 Dhagayso+Sawiro:- M/weynaha Puntland iyo Safiirka Australia u qaabilsan Kenya iyo Somalia oo Shir Jaraa’ad Garowe ku Qabtay
- May 21, 2013
Kadib Markii Maalintii shalay ahayd u soo gaaray Magaalada Garowe Safiirka  Safiirka  Australia u ...
Cali Xaamud Dhagayso:- Afhayeenka AMISOM oo Shir Jaraa’id Muqdisho ku qabtay kana hadlay Howlgalada ay Kismaayo ka wadaan iyo arimo kale
- May 21, 2013
Afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xumud oo Maanta shir Jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ...
44 Dhagayso:- Baarlamanka Somaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho, iyo Digniin loo diray Xubnaha ka maqan Fadhiyada Baarlamanka.
- May 21, 2013
Kulan ay maanta ku yeesheen  Mudanayaasha baarlamanka Federaalka Soomaaliya Xarunta Gollaha shacabka oo shir ...
DSC005611 Dhagayso+Sawiro:- Banaanbax looga soo horjeedo Mooshinka Xukuumadda laga keenay oo Muqdisho ka dhacay
- May 21, 2013
Bannaanbax looga soo horjeedo Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Soomaaliya laguna taageerayo dadaalada iyo ...
axmead-madowbe Dhagayso:- Diyaad Cabdi Kaliil oo soo dhaweeyay Maamulka Axmed Madoobe
- May 21, 2013
Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka ...