Dhagayso: Xeefow ” Al-shabaab xagayagay usoo carareen anaguna abaabul baan ku jirnaa”

Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow Gudoomiyaha gudiga fulinta Maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca ee ka arimiya qaybo kamid ah gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ka hadlay ka bixitaanka Al-shabaab ee magaalada Jowhar.

Xeefow ayaa ugu horayntii soo dhaweeyay guulaha ay ciidamadda dowladdu ka gaareen Dagaaladii ay kula jireen Xarakada Al-shababa, wuxuuna hambalyo u diray Ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ee la wareegay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabellada Dhexe.

Gudoomiye Xeefow ayaa sheegay Kooxihii Al-shabaab ee laga soo saaray Magaalada Jowhar in ay usoo baxsadeen dhinaca gobolka Galgaduud, waxaana uu sheegay abaabulo ay arintaasi oga hortagayaan in ay wadaan.

Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa xusay Ciidamadda Maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca diyaar garow xoogan oo iskaga difaacayaan Al-shabaab in ay ku jiraan, isla markaasina ay dhawaan weeraro ku qaadi doonaan Fariisimaha ay ku leyihiin gobolka galgaduud Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab oo in mudaa ka ariminaysay qaybo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid awoodeedii Millatari ay si wiiqmayso, waxaana laga wareegay deegaano badan oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, oo ay ku sugnaayeen mudo 4sano ka badan sida Magaalada Jowhar Kismaayo Baydhabo Baladwayn Marka Afgooye iyo goobo kale oo istiraatiiji ahaa oo qaarkood ay ku tiirsanaayeen dhaqaalaha kasoo gala.

Halkaan ka dhagayso hadalka Xeefoow


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

barre_hiiraale Dhagayso:-Afhayeenka Coll. Barre Hiiraale oo Faah faahin ka bixiyay Kulankii uu la qatay IGAD.
- May 20, 2013
Barre Hiiraale oo kamid ah raga sheegtay madaxwaynaha Maamulka Jubbaland State ayaa kulan la ...
Kismaayo jubb Dhagayso:- Salaadiinta Puntland oo Xasan Sheekh ku dhaliilay inuu iska indha tirayo Rabitanka Shacabka Jubbaland
- May 20, 2013
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ku sugan 5 Madaxwayne oo dhamaantood ...
banaanbax-farmaajo Dhagayso:- Odayaashii Dhawaan lagu jirdilay Garoonka Kismaayo oo hor boodayay Banaanbixii Kismaayo ka dhacay,edayna u jeediyay Absame iyo Harti
- May 20, 2013
Waxaa Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Isku soo bax ...
65618_487616734645217_416064850_n Dhagayso:- Munaasibad lagu taageerayay Barre Hirale oo ka dhacday UK, iyo Barre oo Telefonka oga qayb galay
- May 20, 2013
Kulan balaaran oo kasoo qayb galeen qaar kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan ...
Axmed-Madoobe11-342x228 Dhagayso:- Odayaashii Axmed Madoobe doortay oo u Xusul duubaya sidii ay u dhamaystiri lahaayeen Maamulka.
- May 20, 2013
Qaar kamid ah odayaashii Kismaayo ku dhisay Maamulka Jubbaland gaar ahaan garabka Axmed Madoobe ...
Cabdulaahi Dhagayso:- Mid kamid ah Xisbiyada ka jira Muqdisho oo Dhulka ku jiiday Siyaasada Xasan Sheekh ee Jubbooyinka.
- May 20, 2013
Guddoomiyaha xisbiga nabada iyo dimuqraadiyada C/llaahi Sheekh Xassan oo warbaahinta la hadllayay ayaa si ...
JUBBALAND-SWEDEN-300x168 Daawo:- Xaflad lagu Taageerayay Maamulka Axmed Madoobe oo Swedan ka dhacday
- May 20, 2013
Waxaa  lagu qabtay dalka Swedan Munaasabad balaaran oo lagu taagerayay Maamulka Jubbaland gaar ahaan ...
alshabaab-training-somalia Dhagayso:- Al-shabaab “Barnaamijka Kismaayo ka socda Maahan mid uu ku qanacsanyahay Xasan Murtad”
- May 19, 2013
Cabdi Raxmaan Xudeyfa oo sheegta inuu yahay Guddoomiyaha Kooxda Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka oo ...