Hogaamiyaha Al-Shabaab oo so saaray Cajalad Maqal ah.

Hogaamiyaha Guud ee Malayshiyaadka Al-shabaab Sheekh Mukhtaar  Abu Zuber oo loo yaqaan Axmed Cabdi Awgudane oo Cajalad Cod ah soo diray ayaa ka hadlay xaaladaha Soomaaliya iyo dagaalada ay Kooxdiisu kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Africa ee Amisom.

Cajaladani uu soo diray Ina godane oo luuqada Carabiga ku hadlaya ayaa ahayd mid uu dhinacyo badan oga hadlayo, waxaana kamid ah arimaha uu sida wayn usoo qaatay dagaalada ay kula jiraan Ciidamadda wadamada Dariska ah iyo sidoo kale wadamada Caalamka oo usheegay in ay Soomaaliya ku hayaan dhibaato iyo hagar daamo.

Abu Zuber ayaa sidoo kale soo hadal qaatay Muslimiinta wadamada Kenya iyo Itoobiya, oo sheegay in lagu hayo dhobaatooyin, wuxuna si kulul u weeraray Xukuumadda Addis Ababa oo usheegay caburis in ay ku hayso Muslimiinta.

“Si waliba oo xamlada caskariga ee cadowgu ay ugu muuqato mid buuran, hadane waxey tahay mid guul darro ay u qoran tahay, sababtoo ah waa laga soo gudbay xilligii wadamada inta lagu duulo, gumeysi Milatari lagu qabsan jiray, Mujaahidintana la leyn jiray..tusaalaha arrinkaas ee ugu wanaagsana waxaad ka arki kartaan sida uu ku dhamaaday duulaankii koowaad ee Mareykanku ku soo galay Soomaaliya, iyo duulaanada Ciraq iyo Afghanistan” ayuu yiri

Calooshood u shaqeystayaasha Afrikaanka ah ee lagu soo xaaqay Soomaaliya iyo ciidamada Afrikaanka ee la sheegayo in loo dirayo dalka Maali waxey tusaale cad u tahay taagdarrida ku dhacday Mareykanka iyo xulifadiisa reer Yurub, markii ay awoodi waayeen in ay ka hor imaadaan Mujaahidiinta oo ay is hortaagaan shucuubta Muslimka ah ee ay ka go’an tahay in ay isku maamulaan Shareecada Islaamka.. ka dib markii ay socon weyday demoqoraadiyadoodii la sheegi jiray” ayuu yiri  Abu Zubeyr.

“Haddaba si loo sii kordhiyo dhibaatada dhaqaale ee heysata dalalka Sahyo-Saliibka [Yuhuud iyo Nasaaro],  ahdaafta ugu muhimsan ee marxaladdaan waa in Saliibiyiinta laga hor istaago boobka kheyraadka ay hodonka ku tahay qaaraddan..iyadoo kheyraadkaasi ay dhuranayaan sharikaadkooda..halka kuwii sirdoonka iyo Kirishtaameyntuna ay hooy ka dhigteen” ayuu yiri  Abu Zubeyr.

 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (1)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Axmed Madoobe Dhagayso:- Sarkaal ka tirsan Raas-kambooni “Madaxwaynaha Jubbaland waa Axmed Madoobe, waxa kale waa Been abur”
- May 23, 2013
Deeq Mahad Cabdinuur oo kamid ah Saraakiisha Raaskambooni hadana sheegay inay ku biireen Ciidanka ...
Baydhabo27 Dhagayso:- Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Baydhabo oo Ansixiyay Miisaaniyada degmada
- May 23, 2013
Maamulka dowladda Hoose ee degmada Baydhabo ayaa markii ugu horeeysay shaaciyay habka loo Maamulayo ...
Dagaal Dhagayso:- Dagaal ay ka qayb qaateen Ciidamadda Kilil5 aad oo ka dhacay Xuduuda Ethiopia la wadaagto Hiiraan.
- May 23, 2013
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Hiiraan Coll Isaaq Cali Cabdulle ayaa faah faahin dheeraad ah ...
dagal1 Dhagayso:- Ciidamo ka socda Siriliyoon oo Taabta gaaray, iyo Mushaaraad la siiyay Ciidamadda dowladda ee Kismaayo ku sugan.
- May 23, 2013
Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala Magaalada kismaayo ayaa lasoo sheegayaa in la ...
Dagaal-Gedo Dhagayso:- Dagaal Culus oo ka dhacay Gobolka Gedo
- May 23, 2013
Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya dagaal u dhexeeya Ciidamadda ...
Fiqi-300x201 Dhagayso:- Dowladda Soomaaliya oo ka Mamnuucday Garoomada muqdisho iyo Nairobi Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad sugida Eng Fiqi.
- May 23, 2013
War kasoo baxay Wasaarada arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa hakad lagu ...
100_8149 Dhagayso:-Banaanbax Lagu Tagerayeey Jubbaland oo Gobalka Sanaag Kadhacay
- May 22, 2013
Waxaa Maanta Magaalada Badhan ee Xarunta Gobalka sanaag ee Maamulka Puntland Kadhacay Banaanbax Balaaran ...
100_8171 Dhagayso+Sawiro Kulan Lagu Tagerayeey Jubbaland oo Boosaaso Kadhacay
- May 22, 2013
Waxaa Maanta Kadhacay Caasimada Ganacsiga Maamulka Puntland ee Boosaaso Munaasabad Balaaran Taas oo Lagu ...