20ka Bishan oo la filayo Kismaayo in uu ka furmo Shirka Maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo

Waxaa wali ka soconaya Magaalada Kismayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose shirar balaran oo looga arin sanayo Maamulka lo samaynayo deegaanada Jubooyinka kaasoo siwayn qaban qaabadiisa looga dareemayo gudaha Magaalada Kismaayo.

Shirar isdaba Jooga oo yeelanayaan gudiga Farsamada Maamul u samaynta deegaanada Jubooyinka iyo Gedo iyo qaar kamid ah wax garadka Magaalada Kismaayo iyo deegaanada u dhow dhow ayaa saacadihii ugu danbeya si xowli ah oga soconaya gudaha Magaalada Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Ururka Raaskambooni oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in meel gabo gabaa uu marayo la tashayadii lala samaynayay Beelaha Soomaaliyeed ee daga Jubooyinka dhawaana uu furmi doono shirkii .

Mid kamid ah gudiga Farsamada Maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo oo la hadlay Saadaal Media ayaa sheegay 20 bishan aynu ku jirno in uu furmi doono shirku isla markaasina ay hada inta badan beelaha la kulmeen kana dhaadhiciyeen qaabka maamulka loo samaynayo iyo sida awoodiisa loo qayb sanayo.

Warar hoose oo helayno ayaa sheegaya beelaha qaar in ay ku doodanayaan dhamaanba marka laga xoreeyo deegaanada Jubooyinka iyo Gedo  Al-shabaab in maamulka la sameeyo, waxaana suura gal ah arintaasi inaysan dhicin oo maamulka loo sameeyo degaanada iminka gacanta ugu jira  Huwanta.

Isku soo wada duuboo dhaq dhaqaaqyada Maamulka loogu samaynayo Jubooyinka iyo Gedo ayaa siwayn looga dareemayaa guud ahaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana saacadihii ugu danbeeyay gaarayay Magaalada Kismayo Wufuud ka socota IGAD iyo gudiga Farsamada.

Wiixi kusoo siyaada kala soco Wararkeena danb Insha allah


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (11)

  1. Aadan says:

    Aad ayaan ugu faraxsanahay shirka kismaayo ka furmayo magaaladayda, waad ku mahadsantihiin bahda saadaal soo gudbinta xogta dhabta ah ee kismaayo iyo maamulka loo samaynayo

  2. beesha sade says:

    Kkkkkkk shirkaan waxa kasoo baxa waan sugaynaa

  3. maxamuud says:

    Shirka kismaayo ka socda guul baan u rajaynaynaa mid mira dhala allaha ka dhigo

  4. jaamac says:

    Mareexaan aayahiisa haka tashto ayaan leeyahay ogaden waxxba uma hayee

  5. magan says:

    Mashaalah waanu tageersanahay dhisida maamul gobaleedka jubbaland

  6. maryam says:

    Jubbalnd dhisideeda waa muqdas awalba dowlada Xamar fadhida ayaa loo xanibnaa iyadana waa ogolaatay marka waa in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgaliyaa

  7. Ali says:

    Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Warbaahinta Saadaal oo naga haqabtirtay wararka dalka gaarahaan jubooyinka ,waad mahadsantihiin

  8. caabudwaaq says:

    Mareexaan dadkii Gedo iyo caabudwaaq ka dhigey lama dagaanka 21 sano ay jirtey dowlada soomaaliya ee dhexe oo kala dagaaley horumarka gabolkooda. xamarna maal galeyey oo dadkoodii lumiyey. Maanta yenya mareexaan iska horkeenin. oo aan jifo laysku dilin. Dadka aqoonyahana ah, wax garadka ah waxey taageersan yihiin Jubbaland si aan kala har lahayn. maanta weydhamaatey warlord ama qabqable dagaal oo meel ka qaylinaya. Horumrka sade waxuu ku jiraa Jubabaland.

  9. Yaabow says:

    Waxaa cajiib ah in Hal beel ku hamiso inay xukunto Beelaha kale ee la degan Gobolada Labada Jubba iyo Gedo. War isku xishooda. Jubbaland wax la dhaho majiraan. Waayo qabaailka degan badankooda ma taagersana.
    Gedo markaan kahadlo waxay u qeybsantaa 7 Degmo, sidaan ayaana loogu kala badan yahay: Baardheere oo ugu weyn waxaa u badan Digil Mirifle, Luuq oo soo raacda waxaa u badan Digil mirifle, Ceelwaaq Digil Mirifle, Buurdhuubo Digilmirifle. Baladxaawo waxaa u badan Darood, Doolow Daarood iyo Garbahaarey Daarood.
    Jubbada Dhexe: Sidaan ayaan la iskula degan yahay: Jilib oo aha tan ugu Weyn waxaa u badan Jareerweyne, Sheegaal iyo Digilmirifle, Bu’aale waxaa u badan Digil Mirifle, Saakow Digil Mirifle, Dajuuma Digil Mirifle.

    Jubbada Hoose: Kismaayo waxaa u badan Giir Giir ( oo ka kooban Soomali oo dhan), Jamaame waxaa u badan Jarerweyne, Afmadow Darood, badhaadhe Daarood.

    Marka waxaa wax lagu qoslo ah in Hal beel keli ay sheegato xaqa Maamul dhisida Goboladaan. War isku Xishooda Umadda Dagaal kale ha u horseedina. Maamul loo wada dhanyahay aan sameysano, caasimada Dalkana aan isku imaano. Hadii kale qof walba Dagmaduu u bato ha maamusho. Kismaanyana Soomaali oo dhan haka dhaxeyso. Waayo Baajun ma hubeysana. Asal dadkaasa iska lahaa. Waa hadii Rabbi laga baqo.

  10. Jubbalnder says:

    To Yaabow,waad ka dhacsantahay oo taariikh been ah ayaad meesha la timid,dhulka aad sheegaysid.eaa dhul Darood lakiin raxaweyn inay dagan yihiin oo ay minority ku yihiin dagmooyinka laisuma diidin marka xisiibtaada si fiican uga soo shaqeey

  11. Yaabow says:

    To Jubbalander: Waxaan ku go’aa tirakoob nadiif ah in loo sameeyo dadka degan goboladaan. Laakin iswaalka dhaafa. Hadii la iga bato waxaan raaci meeshi loo bato. Diyaar ma u tihiin Daaroodow Xisaab? Mise dagaalaa rabtiin? Walee Soomali waxay isku heysteen hada unbaan si wacan u fahmey. Nin asagiiba qirtay inuu mardhow soo degey Koonfurta haduu sheegto kawaran lahaanshaheeda?
    Hadii Kismanyo laga Yeelo Daarood inuu ku badan yahay Boosaasana Digilmirifle ayaa u badan halaga yeelo??? Teyda anaa iska leh taadana kula lihi Caqlu ma ahan. Ee Caqligu ha shaqeeyo.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

images Dadkii ku Dhaawacmay Dagaaladii Magaaladda Kismaayo Kadhacay oo Dhawcyadooda la keenayo Puntland
- Jun 20, 2013
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaaladii todobaadyo ka hor ka dhacay magaalada ...
1 Daawo Sawirada Madaxweyne Axmed Madoobe oo Booqday Dhaawaca Coll Yaasin Raadeer
- Jun 20, 2013
Madaxweynaaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa Cisbitaal kuyaal kenya kula kulmay Coll Yaasin Nuur ...
934970_584672508233363_1249516098_n Dhagayso:-Xildhibaan Maxamuud Cabdicasiis”Xukumadda soomaliya Waa Naseeb Daro in Amaanka Muqdisho ay sugi waydo
- Jun 20, 2013
Xildhibaan Maxamuud Cabdicasiis Cadooyo oo kamid ah Xildhibaanada Maamulka Puntland oo Saxaafada la hadlayeey ...
kismaayo Dhagayso:-Odayaasha Gal-Mudug oo Kadigay Dagaalo Kadhaca Kismaayo
- Jun 19, 2013
Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka Tirsan Nabadoona Dowlad Gobaleedka Gal-mudug Ahna Gudoomiyaha Gudiga ...
images Dhagayso:-Axmed Madoobe iyo Waftigiisi oo Kenya ku sugan lana Filayo in ay Kismaayo yimadaan Bari
- Jun 19, 2013
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa kasoo anba Baxay Dalka Itoobiya iyagoo so ...
download (2) Dhagayso:-Al-Shabaab oo Sheegatay Weeraarkii UNDP Muqdisho
- Jun 19, 2013
Xarakadda Al-Shabaab ayaa Shegtay Weeraarkii Maanta lagu qaaday Xarunta Qaramadda Midoobay ee UNDP Sheekh ...
Qaraxa (19) Daawo Sawiro kale oo Dheraad ah Qaraxii Maanta UNDP
- Jun 19, 2013
Saadaal Media waxay idiinso Gudbinaysa sawiro kale oo Dheeri ah oo ku aadan Qaraxii ...
images (2) Dhagayso:-Guddiga kormeerka doorashooyinka Puntland oo Manta lamagacaabay
- Jun 19, 2013
Hayada PDRC ayaa maanta magaalada Garowe kulan wada Tashi ah kula qaadatay uddiga doorashooyinka ...