Dhagayso: Ciidamadda Amaanka Puntland iyo Kooxo burcad badeed ah oo dagaal ku dhex maray Degmada Jariiban ee g/ Mudug
Wararka naga soo gaaraya degmada Jariiban ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in Hal askari oo ka mid ah ciidamada bada ee Puntland uu ku dhintay Sadex kiska horimaad ka dhacay degmada ka dib markii ay halkaasi gaareen ciidamada oo u socday inay soo furtaan markab ay afduubeen koox burcad badeeda ah.
Burcad badeeda iyagu heystay markabka ayaa la sheegay inay weli heystaan markabkii, iyadoo lagu guuleysan waayey in burcad badeeda laga dejiyo markabkaasi, waxaana kooxda burcad badeeda la sheegay inay jidgooyo dhanka beriga ah u dhigeen ciidamada soo gaaray meel Waqooyiga ka xigta magaalada Jariiban una jirta 30-km, halkaasi oo la sheegay in ciidamada iska caabin kala kulmeen kooxda markabkaasi heysta.
Gudoomiyaha Degmada Jariiban oo la hadlay Warbaahinta Saadaal Ayaa sheegay howlgalo ay Ciidamadoodu fuliyeen in ay kusoo qab qabteen Kooxo ka tirsan Burcad badeeda, wuxuuna xusay Gudoomiyuhu in la dilay qaar kamid ah kooxihii burcada ahaa.
Hoos ka dhagayso
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








