Dhagayso: Gudoomiyaha Baarlamanka Jabuti oo Muqdisho soo gaaray

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Garoonka Muqdisho ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti ee howlgalka ujooga dalka Soomaaliya.Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Idiris Arnaa’ud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka maanta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho ay tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Jabuuti iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.

Maxamed Cusmaan Sheekh Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta Magaalada Muqdisho uu soo gaaro Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Intaasi kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti waxaa loo galbiyay Aqalka Baarlamaanka dalka Soomaaliya halkaasi oo uu kula hadlay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in Xildhibaanada ay yihiin wakiilo matalaya shacabka Soomaaliyeed loona baahan yahay mar waliba inay ka fekeraan shacabkooda Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay ee Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti uu soo gaaro Magaalada Muqdisho islamarkaana uu hortago Baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdigii ka socday dowladda Jabuuti ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho  ayaa ka qeyb galay kulankii maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho waxaana kulanka baarlamanka soo xaadiray 182 mudane, iyadoona ajandaha kulanka uu ahaa sidii loo soo dhaweyn lahaa mas’uuliyiinta ka socotay dowladda Jabuuti.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay afhayeenka baarlamanka Soomaaliya ayaa hadal uu jeediyay uga mahad celiyay shacabka iyo dowladda Jabuuti garab istaaga ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin.

halkaan ka dhagayso Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti

Sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka  jabuuti Idiris Arnaa’uud Cali ayaa isaguna u jeediyay mudanayasha hadallo u badan guubaabo iyo mahadcelin waxa uunu ku baraarujiyay xubnaha golaha shcabka in ay ka shaqeeyaan wax walba oo lagu hormarinayo dalka Soomaaliya.

Khudbadi afhayeen barlamanka kadib waxaa ay xildhibanadii kasocday dowladda Jabuuti hadiyado  ay ugu talageen gudoonsiiyeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamanka jabuuti iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maalmaha soo socda joogi doono magaalada Muqdisho si ay ugu kuur galaan xaalada wadanka Soomaaliya waana wafdiga ugu horeeyay ee baarlaman Afrikaan ah ka socda oo yimaado Muqdisho islamarkana lakulmo baarlamanka dhigooda ah ee Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo ku howlgala magaca AMISOM kuwaasi oo ku sugan Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan iyo Magaalada Muqdisho.


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

igad Dhagayso:- Odayaashii la kulmay IGAD oo Saadaal media oga Warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen
- May 19, 2013
Kadib markii ay Magaalada Kismaayo gaaren Wafti balaaran oo ka socday Urur goboleedka IGAD ...
top-news Dhagayso:- Nabadoon Dhangad “Beesha Hawiye ayay u adeegayaan Barre Hiiraale iyo Maxamed Amiin, waad ogayden wixii ay Ogaden ku dhigeen”
- May 19, 2013
Nabadoon Aadan Daahir Dhangad"Maxamed Amiin iyo  Bare Hiraale Tariikhdooda ana Haya waxa ahaan Jireen ...
Axmed Madoobe Dhagayso:- Muqdisho oo laga taageeray Maamulka Axmed Madobe.eedayna loo Jeediyay Madaxwayne Xasan Sheekh
- May 19, 2013
Kadib markii Maalmo ka hor Magaalada Kismaayo lagu doortay Madaxwaynaha maamulka Jubbaland ayaa waxaa ...
RW-Shirdoon-The-New-Deal Daawo:- Xildhibaanadii Mooshinka kawaday Ra’iisul Wasaare Saacid oo Kulan ay lahaayeen laga hor istaagay.
- May 18, 2013
Kulan ay maanta ku lahaayeen Mid kamid ah Hotelada Muqdisho Xildhibaanadii kasoo horjeeday Ra'iisul ...
Hilowle Dhagayso:- Hilowle Aadan oo Cadiifad Qabiil mid hawan ku Tilmaamay Mowqifka Dowladda ee Jubboyinka
- May 18, 2013
Siyaasiga Hilowle Aadan Maxamuud oo kamid ahaa ragii gacanta ku hayay Shirkii Kismaayo ee ...
Barre-Hiiraale Dhagayso:- Balanbale oo Barre Hiiraale laga taageeray
- May 18, 2013
Kadib markii Magaalada Kismaayo looga dhawaaqay Madaxwaynayaal farabadan oo yeelanayaan maamulka Jubbaland ayaa waxaa ...
UDAD-Party Dhagayso:- Ururka UDAD oo dhaliilay Maamulka Faroole
- May 18, 2013
Urur Siyaasadeedka UDAD oo kamid ah Ururada ka jira deeganada Puntland ayaa ku dhaliilay ...
Kismaayo-37 Dhagayso:- Mid kamid ah Siyaasiyiinta Jubboyinka oo Shir Jara’id Muqdisho ku qabtay, kana hadlay Iska hor imaadkii Kismaayo ka dhacay.
- May 18, 2013
Shir Jaraa'id oo Maanta ku qabtay Magaalada Kismaayo Ex Xildhibaan Maxamed Cumar Geddi ayuu ...