Dhagayso: Wasiirka Garsoor Xukuumadda Somalia oo maata si rasmi ah xilkiisa ula wareegay
Munaasabadan oo ay ka qeybgaleen wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaliya C/llaahi Abyan Nuur iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay wasiirka garsoorka iyo Cadaaladda C/llaahi Abyan Nuur oo sheegay in mudo hal sano ah uu socday aqoon kororsigan islamarkaana hadafkiisu ahaa sidii kor loogu qaadilahaa aqoonta garsoorka wadankeena si ay Bulshada uga kaafiyaan adeega Cadaaladda.
Waxaana munaasibada intii ay socotay xilalka kula kala wareegay Wasiirada Garsoorka iyo Cadaalada, waxaana si toosa xilkiisa ula wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaaradaasi C/laahi Ebyan Nuur, wuxuuna xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradasi Ugaas Bille.
Wuxuu sheegay Wasiirku in uu howl wanagsan ka qaban doono inta uu hayo xilka Wasarada, waxaana shaqaala uu ka codsaday wadashaqayn buuxda in ay yeesheen.
Gudoomiyaha Maxakamad Sare Caydiid ilka Xanaf oo ka hadlay Munaasibada ayaa sheegay in uu si wanaagsan ula shaqayndoono.
Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadda sare Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay hay’adda horumarinta Mashaariicda ee UNDP kaalinta ay ka geysatay tababarkan iyo jaamacadda Muqdisho oo Wasaaadda Garsoorka Ku Gacan siisay sidii loo kordhin lahaa aqoonta shaqaalaha.
Gebagabadii Munaasabadda Tababarka loogu xirayay qaar ka mid ah Howl wadeenada garsoorka Soomaaliya ayaa waxaa shahaadooyin katurjumaya Cilmiga ay kororsadeen la Gudoonsiiyay inkabadan 90 Howlwadeen oo uu mudada sanadka kabadan tababarku usocday.
Halkaan ka dahgayso wasiiradda Cusub ee Ebyan
Halkaan ka dhagayso Wasiirka Garsoorka Ee Somalia








