Mahiiga oo soo dhaweeyay Qorsha IGAD Maamulka ugu samaynayso Jubooyinka Iyo Gedo

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso qorshaha ay dowladaha IGAD ay ku doonyaan inay maamul ugu sameynayaan gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

War uu shalay ka soo saaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Dr Mahiga  ayaa waxa uu kusheegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweynayso doorka ay dalalka IGAD ka qaadanayaan maamul u sameynta goboladii lagala wareegay Xarakada Al-shabaab, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyo qorshaha siyaasadda ee Midowga Afrika uu ku lugyeelanayo marka ay timaado maamul u sameynta gobolada.

Hadalka Mahiga ayaa yimid iyadoo urur goboleedka IGAD oo dhowr maalmood shir uga socday magaalada Addis Ababa uu soo saaray doraad qodobo ku saasan maamul u sameynta gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya iyo qorshaha xasilinta ee gobolada Soomaaliya gaar ahaan kuwa koonfureed, waxayna sheegeen xubnihii shirka yeeshay in maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo lagu soo daray dowladda Soomaaliya, halkii ay horay u aheyd Itoobiya iyo Kenya oo qur ah.

Shirkaas ayaa la sheegay inay ka qeybgaleen 4-xubnood oo mataleysay dowladda Soomaaliya kuwaas oo la sheegay inay ka soo jeedaan gobolada Jubboyinka iyo Gedo, waxaana la sheegay in lagu heshiyey in la sameeyo Guddiga wada-jirka ah ee maamul u sameynta Jubboyinka iyo Gedo oo horay uga koobnaa Kenya iyo Itobiya in hadda lagu soo daro Soomaaliya sidaasina ay ku noqdaan 3-dal.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin warkan ka soo yeeray urur goboleedka IGAD iyo in xubnaha la sheegay inay iyada ka socdeen ay iyadu dirtay, iyadoo ay xusid mudantahay in qorshaha xasilinta iyo maamul u sameynta gobolada dalka ay isku koobeen oo keliya dalalka Kenya iyo Itoobiya, iyadoo aan la ogeyn sababta looga reebay dalalka kale ee IGAD ku jira, inkastoo hadda lagu daray dowladda Soomaaliya oo iyadu goboladeeda lagu gorgortamayo sidii maamul aysan ogeyn iyada loogu sameyn lahaa.


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

1240 Dhagayso:- Ugaaska Carab Somali “Sharciga ma qabo Sadex nin oo Daarood ah in la isku xijiyo, kaan soo wadno Majeerteen baan ka dhigaynaa”
- May 22, 2013
Ugaas C/qaadir Mubaarak Faarax Ugaaska Beesha Carab Soomaali ee deeganada Jubbooyinka oo isagoo ku ...
Xaadd Dhagayso:- Odayaasha Beelaha Hawiye oo Mooshinka Xukuumadda mar kale ka digay
- May 22, 2013
Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed  Xasan Xaad ayaa ka digay ...
Gandhi-Madoobe Dhagayso:- Xabiibo oo kamid ahayd Maamulkii Azania ee Prof Gandi oo sheegtay inay ku dhawaaqayaan Xisbiga dib u xoraynta Jubbaland.
- May 22, 2013
Xabiibo Xasan  Warsame  oo Xubin ka ahayd Baarlamankii Maamulkii Azania ee uu Madaxwaynaha ka ...
Hilowle (2) Dhagayso:- Hilowle oo Faah faahin ka bixiyay Wafdigii Kismaayo gaaray iyo Kulamadii ay Maamulka la qaateen.
- May 22, 2013
Siyaasiga Hilowle Aadan Maxamuud oo kamid ah Aas-aasayaashii Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ...
baarlamaankaFederaalka-fadhi12 Dhagayso:- Xildhibaan Xiis Muuse oo ka digay Mooshinka Xukuumadda
- May 22, 2013
Xildhibaan Xiis Muuse oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay Mooshinka Xukuumadda ...
Ciidamada-Dowlada-Gedo Dhagayso:- Ciidamadda dowladda ee gobolka Gedo oo Heegan la galiyay.
- May 22, 2013
Sida uu Saadaal media u sheegay Sheekh Isxaaq Mursal Geesdheere oo ka tirsan Saraakiisha ...
sommaliya1 Dhagayso:- Xildhibaanadii Mooshin ka keenay Xukuumadda Saacid oo Shi Jaraa’id qabtay, Madaxwayne Xasan Sheekhna eedayn u jeediyay
- May 21, 2013
Xildhibaano fara badan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ee mooshinka ka keenay Xukuumada ...
Doorka_haweenka3 Dhagayso+Sawiro:- Kulan Ku Adan Doorka ay Haweenka Puntland ka Qaadan Karaan Dorashooyinka oo Garowe kadhacay
- May 21, 2013
Waxaa Maanta lagu Qabtay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland kulan Balaaran Kaas oo lagu ...