Qorshe lagu doonayo in lagu magacaabo wasiiro ku xigeenada iyo wasiiru-dowlayaasha oo ka socda xarunta Madaxtooyada

Warar ku dhowdhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ay wada tashiyo ka leeyihiin  dhameystirada Golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana lasheegay in dhawaan  la soo magacaabi doono  Wasiiru-dowlayaal iyo wasiir ku xigeeno.

Sida warku sheegayo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shirar ay ka lahaayeen dhameystirida Golaha Wasiirada soo gaba gabeeyay, iyadoo ay diyaarsanyihiin inta badan xubnaha noqon lahaa Wasiir kuxigeenada iyo wasiiru dowlayaasha.

Inkastoo Xukuumadda cusubi ay tahay mid yar, ayaa hadana la ogeyn in Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenada ay ka badan doonaan wasiiradii horay la magacaabay iyo in kale, ha yeeshee waxaa soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in min shan wasiiru dowlayaal iyo wasiir ku xigeeno la magacaabi doono.

Sidoo kale waxaa la hadal hayaa in wasiiru dowlayaasha laga dhigay 6-xubnood, halka wasiir ku xigeenada laga dhigayo afar, iyadoo wali aanay jirin tilmaamo cad oo muujinaya tirada loo kala qoondeeyay wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada, balse waxaa la sheegay inaysan ka badnaan doonin 10-xuxbnood ee ay hadda ka koobanyihiin Golaha wasiirada, sidoo kale waxaa kaloo jira warar sheegaya in la iska dhaafay gebi ahaan wasiiru-dowlayaal lagu waday in lamagacaabo mase jirto cid xaqiijineysa arrinkan dambe.

Sida warku sheegayo xubnaha cusub ayaa u badan beelihii aan lagu soo darin golaha wasiirada cusub, waxaa kaloo jira warar aan la xaqiijin oo iyana sheegaya in xubnaha cusub ee la magacaabayo ay ku jiraan qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka iyo xubno la sheegayo, inay ahaayeen musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha inkastoo aan iyana si rasmi ah loo xaqiijin lama shaacin illaa hadda waqtiga rasmi ahaan lagu dhawaaqayo xabnaha ka dhiman dhismaha golaha wasiirada waxaase la sheegayaa inuu dhamaadyahay  wadatashiyadii ku aadanaa arrintaasi lagana yaabo in maalmaha iyo saacadaha soosocda lagu dhawaaqo.


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Qaasim bay iyo bakol says:

    Bahasha sidan ayey ku fcntahay ee waxba yaan lagu so darin




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Sequence-06.Still007 Dhagayso+Sawiro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maanta Muqdisho Odayaal Dhaqmeed Kulan kula qaatay
- Jun 18, 2013
Kulanka uu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed la qaatay ...
2 (2) Dhagayso+Sawiro MCH Cusub oo maanta laga Furay Caabudwaaq
- Jun 18, 2013
Waa munaasibad maanta lagu furayay MCH-cusub Kaasi oo Loogu magacdaray Mid kamid ah xafadaha Magaaladda ...
images Dhagayso +Warbixin :-Dhaawacii Coll Yaasin Radeer Kadib Caawa waa Side Kismaayo
- Jun 18, 2013
  Kadib markii maanta ay Dhawaceen Maleshiyaad Hubaysan oo isbaaro Dhigtay Gudaha magaalada Kisamaayo Coll ...
IMG_429011-300x200 Dhagayso:-Dhamaan Khudbadihii laga Jediyeey Shirweynihii Dib u Habaynta Waxbarashada Dalka soomaliya
- Jun 18, 2013
  Warbaahinta Caalamiga ah ee Saadaal Media waxay Idiinso gudbinaysa Dhamaan Khudbadihii laga Jediyeey shirweynihii ...
muqdisho_4 Dhageyso:- Kulan looga arinsanayay amaanka Gobalka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay
- Jun 18, 2013
Kulan looga hadlayay amaanka gobalka Banaadir ayaa maanta wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ...
Baladweyne-300x199 Dhageyso:- Maxaa dhacay maanta oo kale 2009-kii
- Jun 18, 2013
18-kii June maanta oo kale sanadii 2009-kii ayay ahayd markii weerar ismiidaamin ah Al-Shabaab ...
breaking_news--300x159 DEG DEG:- Madaxda Jubaland iyo Ethiopia oo ku kulmaya magaalada Addis Ababa
- Jun 18, 2013
Magaalada Adis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia waxaa  ka socda kulamo u dhaxeeya madaxda ...
1_59 Dhageyso:- Suldaan Deeq Macalin “Jubaland waxaa ka danbaysa Kenya oo doonayso inay qabsato Soomaaliya”
- Jun 18, 2013
Suldaan Deeq Suldaan Macalin Sanbul oo ka mid ahaa hogaamiyaashii ururkii NFD ee u ...