Ciidamada Ammaanka Dalka Kenya Oo Qarxiyay Bam Lagu aasay Xaafadda Islii
War hadda si deg deg ah inooga soo gaaraya xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Kenya ay qarxiyeen waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasanaa.
Haweenay kamid ah dadka deegaanka xaafadda Islii ayaa ciidamada kusoo wargelisay in waxyaabaha qarxa lagu aasay meel aan ka dheereyn gurigeeda.
Ciidamada ayaa gaaray goobta ay walxahaas qarxa ku jireen kadibna ay qarxiyeen ,mana jiran wax dhibaato ah oo qaraxaas ka dhashay.
Howlgallo ballaaran ayay ciidamada ka wadaan halka waxyaabahaas qarxa laga helay ee xaafadda Islii dhanka Juja Road, iyadoo la arkayo ciidamo badan oo guryaha galaya.
Xaafadda Islii ayaa waxaa wali ka soconaya howlgallo ballaaran oo ay ciidamadu ku bartilmaameedsanayaan dadka sida sharci darrada ah Kenya ku jooga.








