Dhagayso: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay arimaha ammaanka,Ajaanibta Shabaab iyo Maamulka Jubbooyinka loo samaynayo
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arimaha ammaanka Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Ururka Al-Shabaab ee Dowladda Soomaaliya dagaalka xoogan kala soo horjeeda.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in kooxaha ajaanibta ah ee ka dagaalama dalka Soomaaliya ee ka barbar dagaalama Al-Shabaab aysan marnaba Dowladda Soomaaliya wadahadal la galeyn islamarkaana uu ujeedinayo inay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaalida ah ee ku jira Shabaab ay la galayaan wadahdal ayna soo dhaweynayaan marwaliba balse arinta ay go’aanka adag ka taagan yihiin ay tahay inay wadahadal la galaan ajaanibata ka barbar dagaalama Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay wadaan weli dagaalka Dowladda ay kala soo horjeedaan balse xilligan uu soo foodsaaray itaal dari dhanka milateriga ah oo Dowladda Soomaaliya ay ka saartay meelo badan oo ka tirsan Gobalada dalka Soomaaliya.
Isaga oo ka hadlaye dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho ayuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu tilmaamay in ammaanka MAgaalada Muqdisho uu yahay mid wanaagsan isalmarkaana ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameeyeen tallaabooyin ay ammaanka ku sugayaan.
Isaga oo ka hadlaye Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Gobalada Jubbooyinka ayaa wuxuu sheegay in Jubbooyinka ay kamid yihiin dalka Soomaaliya Dowladda Kenyana ay door ku leedahay arimaha Soomaliya
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Kenya ay door muuqato ku leedahay siyaasadaha iminka ka taagaan Gobalada Jubbooyinka.








