Dhagayso: Taliyaha Amaanka Dhuusa-mareeb Farxaan Macalin Cali “Farabadan” oo dhaawac soo gaaray
Taliyaha Amaanka Ahlusunna ee degmada Dhuusa-mareeb ayaa dhaawac soo gaaray kadib howl galo ay Ciidamadda Ahlusunna ka fulinayeen Degmadaasi maanta..
Farxaan Macallin Cali ayaa la toogtay xilli ciidankiisa ay magaalada ka sameynayeen howlgal lagu sugayay ammaanka.
Farxaan ayaa dhaawac fudud wuxuu ka soo gaaray madaxa iyo daanka, wuxuuna Saadaal.com u sheegay inay xaaladdiisu wanaagsan tahay.
Wuxuu sheegay in askariga dhaawaca u geystay uu ka mid yahay ciidanka Ahlusunna , kaasoo uu sheegay inuu ka soo horjeeday howlgalka.
Askariga oo lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada ayaa lagu wadaa in si deg deg ah maxkamad loo soo taago.
Taliyaha dhaawacmay ayaa ballan-qaaday in la sii wadayo howlgalka si loo adkeeyo xaaladda ammaan ee degmada Dhuusamarreeb.
Taliyaha Ayaa Saadaal Media oga Warbixiyay Xaaladiisa Caafimaad Hoos ka dhagayso
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.









dhuusamareeb soo mareexaan ma degi jirin maxay tahay hawiyaha is laheysiinaya dhuusamareeb soo tii uu ku dhashay faarax shirdoonkan ma aha allow anaa tol beelay dhulki waa laga qaatay xitaa ma dhihi karaan anaga ayaa deganeyn
waxabaa si kaa ah Majeerteen yare ninka dhaawacmay soo mareexaan ma ahan,yaad moodaysaa