DHAGAYSo: Kudbaddii uu Maanta Madaxwaynaha u jeediyay Jaaliyadda Soomaalida ah ee Nairobi
Madaxwaynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud oo shalay soogaaray magaalada Nairobi ayaa maanta kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya.
Xasan Sh. Maxamuud oo ay maanta u go’day 100 maalmood ayaa ka warbixiyay wax-qabadkiisii tan iyo markii uu kursiga madaxwayne nimada ku fariistay.
Dadkii Soomaalida ahaa ee maanta ka qayb galay kulankii madaxwaynaha ayaa intooda badan waxay ka dhursugayeen in madaxwaynuhu uu ka hadlo arrimaha ku aaddan qoxootiga Somalida ah ee ay dowladda Kenya dib u celinayso balse arrinkaa madaxwaynuhu kamuusan hadal.
Sidoo kale madaxwaynuhu wuxuu ka hadlay arrimaha jubbooyinka oo noqday kuwo maalmihii u dambaysay ay dadklu si aad ah u hadal hayeen.
HALKAAN KA DHAGAYSO KHUDBADDII MADAXWAYNAHA EE UU U JEEDIYAY JAALIYADDA SOOMAALIDA EE NAIROBI








