Daawo Sawirada Dameer laga keenay Soomaaliya oo la geeyay Qaaramada Yurub
27. Dezember 2012 ayaa dameer soomaaliya horey looga keeney oo ka mid ah xawayaanka dhifka ku ah dunida uu ilmo ku dhalay meel xadiiqada xayawaanka ee waddanka Swizerland magaalada Basel.
Dameerkaan ilmaha ah waa dhegdig waxaana loo bixiyey magaca Jana. waxay lugaha uga eg tahay dameer farowga. Noocaan Dameerka ah ee lugaha uga eg dameer farowga wuxuu dhan yahay inta lag tiriyey ee dunida ku nool ilaa 200 dameer. Dameerkaan yar waa dameer aad iyo aad u raxmad badan, sidaasna waxaa yiri dhaqaaleeyaha dameerka. Daawashada dameerkaan dadka u soo daawasho tagaya aad iyo aad ayey u korortay.
Xadiiqadaan xawayaan waxay isku dayeysaa inay dhaqaalo uga hesho ururka midowga yurub, dabadeedna u badiso dhalmada dameerahaa iyo xanaanadooda.
Talow ninkii Soomaaliga ahaa ee markii hore lahaa Dameerkaan yaa tusa ama Mucaaradka Puntland siiya Dameerkaan iyo hooyadiis..
Source Puntland













