Dilalka Qorshaysan ee Malayshiyaadka Raaskambooni ay la eeganayaan Hal doorka Kismaayo oo soo badanaya (Warbixin)

magaalada-KismaayoMagaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa kusoo badanaya Maalmihii ugu danbeeyay dilalka qorshaysan ee ay Malayshiyaadka Raaskambooni la eeganayaan dadka wax tarka uleh bulshada.

Todobaadkaan gudihiisa ayaa waxaa ka dhacay Magaalada Kismaayo dilal qorshaysan iyo kuwa si ula kac ah loogu bartilmaameed saday dad shacab ah iyo waliba ganacsatada ku dhaqan Magaalada Kismaayo, waxaana ay arintaasi cabsi xoogan ku abuurtay bulshada Soomaaliyed ee halkaasi ku nool.

Mid kamid ah Nabadoonada Beesha Sade ee ku sugan Magaalada Kismaayo kana gaabsaday Magaciisa in lagu Xuso Boggan ayaa u sheegay Saadaal Media dilal iyo hanjabaadyo inay kala kulmaan Ciidamadda Raaskambooni, waxaana uu sheegay Nabadoonku inay arintaasi keeni karto isku dhacyo dhinaca qabaa’ilka ah hadii aan laga waantoobin.

Nabadoonka ayaaa ugu baaqay Ciidamadda Raaskambooni inay ka daayaan dadka shacabka ah dhibaatada iyo Cagajuglaynta ay ku hayaan.

Masuul ka tirsan guddiga  farsamada maamul u samaynta  Jubooyinka oo lagu magacaabo Maxamed Daa’uud Codwayne oo Todobaadkii tagay isagoo ku sugan Magaalada Nairobi la hadlay Warbaahinta Saadaal ayaa waxaa uu Axmed Madoobe ku eedeeyay Magaalada Kismaayo inuu ka sameeyay kooxo Amniyaad ah oo sida Al-shabaab u howlgala, waxaana uu sheegay Codwayne arintaasi inay khatar xoogan ku keeni karto Arimaha Maamul u samaynta iyo sidoo kale in xal laga gaaro arimaha Kismaayo ee sii daba dheeraanaya.

Codwayne ayaa intaasi ku daray in badan inay kala hadleen Sheekh Axmed Madoobe inuu ka foojignaado arimaha Xasaasiga ah ee isku dhaca qabiilka keenaya ee Kismaayo ka wadaan Ciidamadiisa.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamadda Dowladda, Raaskambooni, iyo Kenya waxaana ka dhacay Magaladaasi intii ay ku sugnaayeen dilal iyo tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda aadamaha.

 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. Wiil sade says:

    salaan

    Arinta kismaayo waxaan moodayay in beesha hawiye ee mooryaanimada u bartay inay maskaxdooda ka baxday.
    beesha darood arinta jubbaland daarood way ku heshiiyeen lagama yaabo in hawiye uu beerlaxawsado beesha mareexan. nabadoon magaciisa ka gaabsaday in la sheego arimahaas way dhammaatay kkk. Beesha sade waa beesha ugu qadiyada fiican beesha daarood.

  2. Ddsi nfd jubaland says:

    Xaqiiqada waad ka fogtihiin ee kismaanyo ha ka been sheegina xitaa hadii alshabab ka ku dhuumalaysanayo ladilo waa shacab baad dhahaysaan haduuwaxdila oo baxsadana wa alshabaaab adeeer kismaanyo waxaa kasocota riwaayadii QABYO ee DAAWADA

    • somali says:

      ahmed madoobe hadii uu qori dhul ku boobi karo waa la ogaan donaa sanweynta hala isku haleeyo markii aan taangi islameyd inta haadka lagu soo dhago hala dhaho mamul ayan sameyneynaa kismayo dadkeedi ayaa u tashan doona aakhirka ninkii gumeysga inta ka so cararay hadna keenay dhulkii u ku soo qaxay meeshii dambe oo aad u qixi laheyd adiga yaqana kuwaana subax dhow aya la kicin insha alaah

  3. S. Y. L. says:

    Ninkan la baxay somaliyoow waad ka dhacsan tahay adeer waxaan u malayen waxaad ka mid tahay HAWIYAHA UU SHEEGAY WIIl SADE adeer jubbland waa magaalo darood oo aan marnaba laga yeelaynin hawiye iyo qadhmuun kiisa darood kismaayo way ku heshiiyeen wayna ku barwaaqoobi doonaan. Adigoo kale na waan aqaan waxaad tahay stupid xun oo ka yimid xamartii somali oo dhan ka dhaxaysay ee aad is mood sii seen in la idiin dayay

  4. salad sheekh ibraahiim says:

    waxaan salaamayaa dhamaan dadka isticmaala aalada interneyka salaan kadib waxaa usheegayaa dadka kufikirayay in ay kismaayo xool kuqaataan masuura galeyso kismaayo dad auey leedahay haye waxey leeyihiin muqdisho hadii ay isku dayaa kismaayo waxey lakulmi doonaa ciqaab kismaayo waxa is leh dadka hada jooga goobaale iyo indhacada guruceel ayey leeyihiin haku ekaadeene (kablalax)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

DSC03160 Daawo Sawirada Boosaaso oo lagu qabtay Kulan kadhan ah Tahriibka
- Jun 19, 2013
Caasimadda Ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa maanta lagu qabtay kulan balaaran kaas oo ay ...
Elman-FC-2 Dhageyso:- Ciyaartoyda Soomaaliya oo guul daro kala kulmay ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika
- Jun 19, 2013
Kooxda Soomaalida ee ka qaybgalaysa ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka socda wadanka ...
ll_3 Dhagayso:-Dadweynaha Boosaaso qarkood oo Biyo La”aan ka Cabanaya
- Jun 19, 2013
Wararka ka imaanaya magaalo Ganacsiga Boosaaso ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xaafadaha magaladaas ...
a_9828 Dhagayso:- Barlamaanka Puntland oo Ansixiyeey Gobal Cusub
- Jun 19, 2013
  Kadib kala Fadhigii 30-aad ee golaha barlamanaka Puntland ayaa maanta loga dooday gobalk Cusub ...
Raysal wasaaraha iyo Qaramada midoobay Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Ergaga Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo Kulmay // Maxay ka hadleen
- Jun 19, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u ...
kay- Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta UNDP
- Jun 19, 2013
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan soomaaliya UNSOM Nicholas Kay,ayaa ...
Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay weerarkii Muqdisho ee maanta
- Jun 19, 2013
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga tacsiyadeeyey QM ...
Wasiirka Adeega Dhageyso:- Wasiiro maanata dhagax dhigay goobo waxbarasho oo la dhisayo
- Jun 19, 2013
Mashruuc ururka iskaashiga islaamka ee OIC uu ku dhisayo sodon iyo sadax iskuul muda ...