Dowlladda Frenca-ka oo Ku Boorisay Dowlladdaha Galbeedka Africa Inay Soo Kordhiyaan Ciidammadda Kaqayb Qaadanaya Howlgalka Maali.
Dowlladda Frenca-ka ayaa Shaacisay in lagaaray xiligii ciidamadda dowlladaha African-ka lawareegi lahayeen howl galka gadaal ee lagu jiro wadaada falaagadda ah ee dalka Maali.
Wasiirka arimaha dibadda ee dowlladda Frenca Laurent Fabius, oo kaqayl galay shir looga hadlaayey howl dagaal ee dalka Maali oo lagu abtay Magaaladda Abiijaan ee dalka Ivory Coast ayaa sheegay ina weli laga hayn dolladdaha Africa-dda galbeed ciidamadii looga baahnaa.
Dowlladda galbeedka Africa ayaa Waxaa laga sugayaa ciidamo howl-galka dagaal ee dalka maali kaqayb galay oo tiradoodu dhantahay2000 oo askari Phase-ka Koowaad, waxaana larabaa inay kusoo dhamaystiraan ugu damayn 26 bishaan Jan.
Illaa iyohada cidamadaasi waxaa lageeyey 100 askari oo kasocda dalalka Togo iyo Niger, waxaan ciidamadaasi lageeye magaalada Bamako oo dhawaan ciidamadda isbahaysigu lawareegeen.
Dhanka kal e wararka imanaya dalka Maraykan ayaa sheegaya in aqalka cad iyo iyo wasaaradda gaashan dhiggu ee (Pentagon) ay ku kala aragti duwanyihiin ururadda alqaacida ee dalalka kalbeedka iyo waqooyiga Africa.
wargeeska Los Angeles Times ayaa sheegay in muran xoogani kadhextaaganyaha aqalka cad iyo Pentagon. Wexeyna ku muran sanyihiin khatarta ee kuyeelan karto ururadda alqaacidda ee dalalka waqooyiga iyo galbeedka Africa dalka Maraykanka.
Masuuliyiinta Pentagon ayaa kacabsi qaba kamaqnaanshaha dowllaadda maraykanku ay kamaqantahay goobaha ururadaasi inay khatar ku keeni karto dalka, halka Masuuliyiinta aqalka cadi ku doodayaan inan lahubin falaagadda maali in dad alqaacido rasmiyi kujiraan.








