Dowlada Federaalka oo sii lumineysa mid ka mid Astaamaheedii Qaranka (Maqaal Xiiso badan )

shillin1Dadka Soomaaliyeed waxay yiraahdan “ Dhar Aaddan lahayn Dhaxan Kaama Celiyo , waxaana Murtidaan u soo qaatey markii ay ii soo baxdey  arrimo aan is dhihi karo  Khatarteeda ayey leedahay oo Halis gelin kara Jiritaankeennii , iyadoo taasi ay jirto ayaa Dal marka uu ka mid noqonayo Qaramada Midoobey waxaa uu Diwaangeliyaa Dhowr Arimood mid waa Astaanta Calanka oo uu Dalkaasi leeyahay gaar ahaan Midabkiisa si uusan u qaadan Dal kale oo Xoriyad qaadanayo, sidoo kale waxay Diwaangelisaa,Tirada Dadka ku nool Wadankaasi (Population),waxaa kale oo Qaramada Midoobeey ay Diwaangelisaa Xuduudaha uu Wadankaasi la leeyahay Wadamada Deriska la ah  ha noqoto dhinaca Dhulka iyo  Badda, waxaa kale oo iyana ay Qaramada Midoobey ay Diwaangelisaa Nooca lacagta uu isticmaalyo Wadankaasi, waxayna Dhamaan Astaamahaasi ay noqonayaan kuwa lagu garto Qaran qaatey Xornimo

somalilandshillin shillin2 shillinboqol shillinlabaatan shillintoban shllinshanHadaba aan soo qaadano Astaana Lacagta oo ah Middda ugu muhiimsan ee uu Qaran leeyahay waxaan Soomaaliya Qaramada Midoobey uga Diwaangashan lacag  lagu Magacaabo SHILIN oo weliba lagu Xardhaa hadba waxaa uu dalka Taariikh u leeyahay,,hadaba lacagtaasi waxaa lagu jaan gooyaa wax kasta oo uu Wadankaasi leeyahay gaar ahaan marka ay timaado wax kala iibsiga iyadoo Lacagta Shilin Soomaaliga  au soo marey heerar kala duwan , markii aan qaadaney Xoriyada waxaa Qarankii markaasi jirey ay isku qabsadeen magaca ay qaadanayso lacagtaasi, hase yeeshee, waxaa markii dambe la go’aamiyey in aan qaadano magaca lacagta SHILIN-ka,waxaana Xiligi Xoriyadda la daabaxay Lacag shilin Soomaali ah oo dadka qaar ay noo sheegeen waxaa ugu weynaa Labaatan Shilin , kadib ayaa waxaa la soo daabacay Boqol Shilin .hase yeeshee dadka waxay si aad ah wax ugu iibsan jireen , Taanno, Kumi ,  Nushilin, Shilin,Shan shilin, Toban Shilin  ilaa…

Markii ay Dhalatey Dowladii Miltariga waxay damacdey in ay wax ka badesho Qaabka lacagta Tiradadooda  iyo Naqshadeeda , waxaana Dowladu  ay dhowr jeer soo Dabaacdey noocyo lacago kala duwan , waxaana ugu dambeeyey lacagtii Kun Shilin iyo Shan Boqol  , balse waxba kama badelin Nooca lacagta ee Shilinka , Dagaaladii Sokeeyey ayaa  waxaa Dalka la soo geliyey lacag N20, N50,N100 balse waa uu sii jirey Magacii Shilinka .

Maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa isaga soo daabacdey lacag gaar ah hase yee Shiilin-ka ma lumin, waxaana markaad tagtid Hargeysa maqleysaa lacagtooda oo la raacinayo Magaca SOMAALILAND SHILIN , xitaa Miisaaniyadooda kuma Sargoooyaan Doolar ee waxay ku Gooyaan lacagta Shilinka , waxaan dadka qaar ay ii sheegeen in Maamulkaasi uu damcay in uu Magaca Shilin bedelo balse loo diidey oo loo sheegey in  Magaca Shilin uu Soomaaliya oo dhan uu ka dhaxeeyey waana midaas in ay gadaal ka raaciyaan SOMALILAND SHILIN .

Dhinaca koofurta , Markii ay sii dhaceysey Dowladii Milatariga ay soo daabacdey  Lacagta Shanta Boqol iyo Kunka Shilin , balse Dagaaladii Sokeeye waxay lacagtii noqotey ama ku soo ururtey Kun Shillin , waxayna arrintii noqotey “ Lacag Kunaa u weyn Kunaa u yar” ,hase yeeshee waxaa moodaa in Waqtiyadaan dambe in uu meesha uu ka sii baxayo Kunkii Shllin oo isugu u taagnaa Astaanta Qaranka, waxaana wax weliba lagu Sargooyey DOOLAR oo ah lacag uu leeyahay Wadan kale oo uga Diwaangashan Qaramada Midbbey ,  wuxuuna Doolarkii uu noqdey mid wax lagu kala iisado .

In aan Maqaalkaan Qoro waxaa iigu dhaliyey markii aan maqley Miisaaniyadii Dowlada Federaalka ee Sannadka 2013 waxaa lagu Sargooyey Doolar iyadoo Baarlamaankii Ansaxiyey laga waayey Qof keliya oo yiraahda “Ma Ansaxineyno  Miisaaniyada lagu Sargooyey Lacagta Doolar ,ee lacagteenna ha lagu Sargooyo haba badnaatee si ay u sii jirto Astaanteennii Qaranka  , maadaama  aan leenahay lacag noo gaar ah iyadoo Mas’uulkii Wasaarada Maaliyada ay afkiisa ka dhaamaan weydey “”Qolo heblo Miisaaniyadeedi waa intaas Milyan oo Doolar, “ waxay ahayd in ay yiraahdaan “War ma adigaa Doolarka iska leh marka aad wax weliba ku Sargoonysid aawey lacagteennii waxaa ka sii yaab badan markii aan Boor ku yaala Wadooyinka Muqdisho aan ku arkey “Cashuurta Bixi”, waxaana Boorka ku sawiran Doolar sidoo kale Darbiyada Dukaaamada Waxaa ku sawiran Doolar waxayna  Soomaalida mararka qaar Doolarka yiraahdaan   ”Abuu Bidaarl” mar haddii lagu Salaaxo Madaxa waa Fahmeysaa  ”Waa Doolar Ma haysaa”waa Astaan ay isku yaqaanaan dadka ay marka ay Doolar  Qarinayaan Doolarka  .

Mar aan tagay Wadanka Marooko Hotelkii aan degeneyn ayaa waxaa  noloo sheegey in Ciddi wadata Doolar aysan kala bixi Karin Hotelka , marka waxaan ku qasbanaaney in uu hotelka noo Sarifo si oo aan Magaalada uga soo Dukaameysano lacagta wadankaasi ,sidoo kale Wadanka Suudaan oo aan tagey Xitaa waxaan weyney Cid noo Sarifta  anagoo ka baanhan Doolarkii aan haysaney ayaa dib ugala soo laabaney Magaalada Muqdisho ,waa yaab anagana wax weliba ayaa lagu kala iibsadaa , waxaana in Doolar uu magac yeesho u sabab ah Shirkada Lacagaha ku Xawili Mobile-ka (Mobile  Money Transfer )  oo  Xitaa waxa uu gaarey in Koob Shaah lagu kala iibsado Doolar,waxayna Islaanta Shaaha iibisa  aad Mobile -ka ugu Tuureysaa 10 Cent oo   Doolar ah oo u dhiganta Saddex Kun Shillin Soomaali  , marka waxay ahayd in Shirkadaha  in ay Isticmaalaan Lacagta Shilin Somaaliga ah si ay u taagnaato Astaantii Qaranka Soomaaliyeed.

Uguntii iyo Gabagabdii haddii Dowladii Miisaaniyadeedii uu noqdey Doolar, Xildhibaanadii Mushaarkoodii uu noqdey Doolar , Ciidamadii  Mushaarkoodii uu noqdey Doolar , Canshuurtii Dekeda iyo Garoonka uu noqdey Doolar , Ganacsatadii iyana ay doonayaan Doolar, Baasaboorlii uu noqdey Doolar  ,oo Shirkadihii Mobilada iyana  wax aan hayn Doolar wax ku dooneyn halkee loo socdaa ,waxaa iigu yaab badneyd markii aan damcay in aan  50 Doolar wax ku iibsado ayaa ninkii aan wax ka iibsanayey igu soo celiyey oo i yiri “Saaxiib lacagtaan  meel yar bay Garaafo ku leedahay” “ ee mid kale ma haysaa,markaas baan iri “Adiga miyaa leh Doolarka aad igu soo celineysid “Arrin aan ugu Garaabey ayuu ii sheegey  ah “ Saaxiib Cid iga qaadanmayso” waa hoos iska iri  “Lacagtaan sidaan loogu Waashey sow Dal kale ma laha oo Hadhow uu oran karo “ Lacagaheygii Doolarka waan bedeley  ama Cid isticmaali karta ma jirto “ marka Dowlada Federaalka ayaa laga doonayaa in ay Dhiirigeliso Shillinka maadaama uu u yahay Astaanteedii Qaranka, waxaana u Mahadcelinayaa Maamulka Soomaaliland sida uu ugu weli ugu  dhegan yahay SHILLN-ka ,sidoo kale Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa iyana waxaa laga doonayaa in Dhulka ka qaadan Shillinka Soomaaliga oo ay joojiyaan Xayeysiinta ay u sameynayaan DOOLARKA

amiinkhasaaroW/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

diyaaradoAMISOM Dhagayso:- Guddoomiyaha Taabta oo Saadaal Media oga Waramay Ciidamo ka socda Sierra Leone oo Fariisimo ka samaystay deegaankaasi.
- May 24, 2013
Waxaa shalay gaaray deegaanka Taabta ee gobolka Jubbada Hoose Ciidamo ka socda dowlada Sierra ...
kis (2) Dhagayso:- Beesha Sheekhaal oo Madaxwaynihii 6aad oga dhawaaqay Kismaayo.
- May 24, 2013
Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay Magaalada Kismaayo looga dhawaaqayay Madaxwaynayaal farabadan oo mid walba sheeganayo ...
images Dhagayso:- Kulan looga hadlayay Amaanka gobolka Waqooyi bari oo Gaarisa ka dhacay
- May 24, 2013
Shir looga hadlayay wax ka qabashada amaanka Magaalada Gaarisa ee Gobolka woqooyi-bari Kenya ayaa ...
Barre hiiraale (4) Dhagayso:- Labo kamid ah M/waynayaasha Kismaayo oo kulan la qaatay Coll Barre Hiiraale.
- May 24, 2013
Sida uu Saadaal Media u sheegay Cumar Burale Axmed oo isagu sheegta inuu yahay ...
Tiiceeey-1 Dhagayso:- Gollaha Guurtida M/mulka Ximin iyo Xeeb oo eedayn u jeediyay M/Wayne Tiiceey.
- May 24, 2013
Qaar kamid ah Salaadiinta Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa dhaliil u jeediyay Madaxwaynaha Maamulka ...
Fartaag Dhagayso:- M/wayne ku Xigeenka Jubbaland Gen Fartaag oo Xasan Sheekh ugu Baaqay inuu ka fiirsado Hadalada uu sheegayo.
- May 24, 2013
Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Jubbaland State General C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Warbaahinta la ...
Amb Sayid Sharif Dhagayso:- Safiirka Somaliya u Fadhiya S/Africa oo sheegay in uu hoos u dhacay dhibkii Somalida ku nool S/Africa lagu hayay.
- May 24, 2013
Safiirka Soomaaliya u fadhiya South Afirica Amb Sayid Shariif oo Waraysi siiyay Saadaal Media ...
Ciidamada-Dowlada-Gedo Dhagayso:- Xaalad daganaansho oo laga dareemayo deegaano ka u dhow xuduuda Ethiopia iyo Somaliya oo dagaalo ka dhaceen
- May 24, 2013
Xaalad daganaansho ayaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo ...