Dhagayso:- War Culus Gollaha Samatabixinta Puntland oo ka Digay Imaatinka R,W, Saacid ee Garoowe (Top News)

Gollaha Samatabixinta Puntland ayaa ku hanjabay hadii lagu kalifo inay dagaal galaan inay u diyaarsanyihiin Ciidamo tababaran isla markaasina waxay xuseen Ciidamadoodu inay joogaan deegaano ka tirsan Gobolka Bari gaar ahaan Magaalada Boosaaso iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland.

Maxamed Cilmi Cabdalla Gudoomiyaha gudiga Samatabixinta Puntland oo Caawa oo Isniin ah 28-Janaayo-2013 Waraysi gaar ah siinayay Warbaahinta Saadaal Media Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Xukuumadda uu hormuudka u yahay Madaxwayn Faroole inay fiirin wayday danaha Puntland, wuxuuna ku goodiyay dhawaan inay go’aan cad ka qaadan doonaan arinta Puntland. Faroole iyo Saacid

Wuxuu sheegay Maxamed Cilmi Ciidamadda gollaha Samatabixinta Puntland inay ku suganyihiin deegaanada Puntland oo dhan isla markaasina ay kaliya fiirinayaan danaha Shacabka reer Puntland, wuxuuna intaasi raaciyay Ciidamadoodu inay awood u leeyihiin iska dhifaacidda culays walba oo kaga yimaada dhinaca Maamulka Faroole, isla markaasina wuxuu ku baaqay in sharciga la ilaaliyo hadii howshu sidaan ku socotana gacmaha la iskula tagi doono.

Maxamed Cilmi Cabdalla ayaa Dhanka kale  ka digay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu Arbacada soo gaaro deegaanadaPuntland wuxuuna xusay arintaasi inay Muraalka u toosinayso Xukuumadda Faroole oo uu sheegay Shircigii u yaalay Puntland inay  ku tumatay.

“Ra’iisul Wasaare Wadanku waa kala qayb sanyahay Puntland waa kala qaybsantahay Dimuquradiyadna kama jirto marka ceebay kugu tahay adigoo qarankii Soomaaliyed Matalaya meel aysan dimuwuraadiyad ka jirin oo saxaafadii xor ahayn inaad wafdi ku timaadid arintaasi wa arin Ceeb ah” Ayuu yiri Gudoomiyaha gudiga Samatabixinta Puntland oo la hadlayay Saadaal Media isgaoo ku sugan Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Hoos ka dhagayso Waraysiga uu Saadaal Siiyay

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. jubhaland state says:

    waan soo dhawaynaynaa R/wasaare saacid in uu tago puntlad anaga ayaa gobanimada ka xigsanayna hadii reer puntland markii ay xilalka sare qabtaan ayan garan dadkiina u dhexeeya oo dadka wax idinla leh soo booqda oo tusa in aad matashaan
    hada anaga ayaa barayna in xilkaas R/wasaaraha ama madaxwaynaha uu dadka ka dhexeeyo
    hadaan usoo noqdo reer puntland dhexdooda dhibka ka jira waxaa weeye faroole ayaa masuul ka ah balse Saacid arimahaas ma galayo mana fiicna in uu faraha lagalo haduu tagana faroole uma tagayee reer puntland oo dhan ayuu utagayaa waxaana filayaa in uu booqan doono Galdobob oo runtii qolyahaan mj aysan tixgalin siin waayo dad walaala aynu nahay oo aan ladhayalsan karin ayaa tagan
    iyo garoowe oo xorun u ah puntland

  2. wil marehan says:

    sxb adi jubaland state bad wadata hadad tahay rer jubalandraisal wasaraha isagaba kasoo jeeda jubaland sxb waxan ku malayn adi magaca wad wadata ookali ee rer puntlland bad tahay

  3. kamaal says:

    Ku:wiil marehan

    walaal adigoo magacanaga wata dadka afka halagalin adoo kibir dadka ku doonanaya wiilkaan jubaland, la baxay maxaad hada ku maagtay?

    bal muxuu kaa sheegay? yuu aflageedeeyay? bal waxa uu kuu dhimay soo qor teeda kale ma jubaland ayaad ka xigtaa? walaalow markaad magaca reerka soo qaadato si sharaf leh dadka ula hadal hadii kale ali qaawane soo qaado oo dadka kibir afka ula gal…




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Taliska Ciidamadda Xogga dalka by saadaal Dhagayso:- Saraakiisha ugu saraysa Ciidamadda XDS oo Maalintii labaad ku Xayiran Garoonka Kismaayo.
- May 26, 2013
Waxaa malintii labaad ku xayiran Garoonka Axmed Gurrey ee Magaalada Kismaayo Taliyaha Ciidamadda Xogga ...
Caabudwaaq (O Dhagayso:- Ciidamadda Amaanka Caabudwaaq oo gacanta ku dhigay rag dad kusoo laayay Kilil5aad
- May 26, 2013
Ciidamadda Amaanka degmada Caabudwaaq ayaa gacanta kusoo dhigay rag kasoo baxsaday Xuduuda Ismaamulka Somalida ...
Kismaayo-32 Dhagayso:- Kulan lagu Taageerayay Warmurtiyeedkii IGAD oo Kismaayo ka dhacay.
- May 26, 2013
Kulan ay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ku yeesheen qaar kamid ah ...
OLYMPUS DIGITAL CAMERA Dhagayso:- C/naasir Seeraar oo Shir Jara’aid Kismaayo ku qabtay, si kululna u Weeraray Siyaasada Dowladda ee Jubboyinka.
- May 25, 2013
Maamulka Jubaland garabka Axmed Madoobe ayaa uga digay dowladda federaalka Soomaaliya in ay isku ...
OLYMPUS DIGITAL CAMERA Dhagayso+Sawiro:- Kulan Xasaasi ah oo Maanta ka dhacday Kismaayo, iyo Dowladda oo edayn loo jeediyay.
- May 25, 2013
Shir maanta ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah ...
DSC02544-125x90 Dhagayso Dabaal Dagyo kasocda Magaalada Adis Ababa kaas oo ku aadan 50 Sano guradii kasoo Wareegtay Aas asaskii Midowga Afrika
- May 25, 2013
Waxaa ku sugan Maagaalada Adiss Ababa Axmed Maxamed Cali Caano geel oo katirsan Codka ...
images Dhagayso Maamulka Degmada Awdiinle oo ka Hadlay Amaanka Degaankaas
- May 25, 2013
Maamulka Degmada Awdiinle ee gobalka Bay ayaa ka Hadlay Xaalada Amaan ee Degmadaas Gudoomiyaha ...
8_28 Dhagayso+Sawiro Wariyaasha Puntland oo lo Tababarayo tebinta Doorashooyinka Puntland
- May 25, 2013
Waxaa Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland ka Furmay Tababar lasiinayo Wariyaasha Puntland kuwaas ...