Dhagayso:- Wasaarada diinta iyo Awqaafta oo ka hadashay Xariga Wariye C/casiis Koronto

Wasiirka Wasaarada diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Mudane C/laahi Ebyan Nuur oo Waraysi siinayya Idaacada BBC-da ayaa ka hadlay Xariga Wariye Koronto iyo sidoo kale arimaha loo haysto.

Cabdullaahi Nuur Abyan Wasiirka ayaa sheegay in dhaamnaba ay soo dhamaadeen Baaritaanadii lagu hayay Wariyaha isla markaana ay harsan tahay oo keliya sidii loo hor gayn lahaa maalmaha soo socda Maxkamadda.

Wasiirka ayaa sheegay in wariyuhu ku eedeysan yahay abaabul falal Been abuur ah isla markaana Kiiskiisu uu haatan hor yaalo  Maxkamadda Sare ee Dalka  iyadana laga sugayo in ay qaaddo dacwaddaas.

Abyan ayaa intaa ku daray in la hayo Marqaatiyaal ku filan Dacwadda Wariyaha iyo qoraalo kale oo muujinaya sida uu wariyuhu ugu lug lahaa buun buuninta Falkii Kufsi ee Been abuukra ahaa ee laga faafiyay Ciidamada dawladda.

Wasiirka cadaaladda oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay  inaysan jirin wax xad gudub ah oo loo gaystay wariyahaas ama loo gaysanayo isagoona hoosta ka xarriiqay in wariyaha loo qabtay laba Qareen oo ka difaacaysa Kiiska loo haysto

Wasiirka Garsoorka ayaa meesha ka saaray in wariyaha oo in mudda ah xirnaa in mudadaas uu iska xirnaa iyadoo sharciguna uu oggolaanayay in sided iyo afartan saac ka badan aan la iska hayn Karin Muwaadinka isagoona sheegay in mudadii ay hayeen Wariyaha ay warqad ogolaansho ah uga soo qaateen Xeer Ilaalinta oo xalaalisey haynta wariyaha inta ay baaritaanadu ku soconayaan.

Hoos ka dhagayso

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA Dhagayso:- C/naasir Seeraar oo Shir Jara’aid Kismaayo ku qabtay, si kululna u Weeraray Siyaasada Dowladda ee Jubboyinka.
- May 25, 2013
Maamulka Jubaland garabka Axmed Madoobe ayaa uga digay dowladda federaalka Soomaaliya in ay isku ...
OLYMPUS DIGITAL CAMERA Dhagayso+Sawiro:- Kulan Xasaasi ah oo Maanta ka dhacday Kismaayo, iyo Dowladda oo edayn loo jeediyay.
- May 25, 2013
Shir maanta ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo islamarkaasina ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah ...
DSC02544-125x90 Dhagayso Dabaal Dagyo kasocda Magaalada Adis Ababa kaas oo ku aadan 50 Sano guradii kasoo Wareegtay Aas asaskii Midowga Afrika
- May 25, 2013
Waxaa ku sugan Maagaalada Adiss Ababa Axmed Maxamed Cali Caano geel oo katirsan Codka ...
images Dhagayso Maamulka Degmada Awdiinle oo ka Hadlay Amaanka Degaankaas
- May 25, 2013
Maamulka Degmada Awdiinle ee gobalka Bay ayaa ka Hadlay Xaalada Amaan ee Degmadaas Gudoomiyaha ...
8_28 Dhagayso+Sawiro Wariyaasha Puntland oo lo Tababarayo tebinta Doorashooyinka Puntland
- May 25, 2013
Waxaa Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland ka Furmay Tababar lasiinayo Wariyaasha Puntland kuwaas ...
SONY DSC Dhagayso+Sawiro Nabadoonada Gobalka Karkaar iyo Bari oo Baaq Kasoo Saaray Xaalada Puntland
- May 25, 2013
Shir Balaran ayaa ka Furmay Magaalada Qardho ee Xarunta gobalka Karkaar kaas oo ay ...
Sheikh Madobe speaks to journalists at Kismayo International Airport Dhagayso:- Axmed Madoobe “DFS Waxaay Kismaayo ka Abaabulaysa Dagaal sokeeye
- May 25, 2013
Maamulka Jubbaland ayaa DFS Ku edeyeey In ay kawado Magaalada Kismaayo Abaabul Dagaal sida ...
images (1) Dhagayso Dabaylo Khasaaro gestay oo ku Habsaday Magaalada Xingalool ee gobalka haylaan
- May 25, 2013
Gudoomiyaha gobalka sanaag ee Maamulka Puntland ayaa Caawa Saadaal Media uga Warbixiyeey Dufaano khasaare ...