DHAGAYSO:Wasiirka Hore Amniga Ee Puntland Oo Shegay In Faroole U Wakhtigiisi Dhamaaday
Gen. Samatar ayaa sheegay in wixii kadameeya iminka aysan ahayn mucaarad balse ay yihiin gole dhisan oo badbaadinaya Puntland, isagoona raaciyay in xiligani mucaarad lagu sheegi karo cida sida sharcidarada ah uhaysa xukunka Puntland.
Samatar ayaa mar lawaydiiyay sida ay ulamuuqato ururada siyaasadeed ee kahanaqaday Puntland waxa uu kujawaabay in xiligani ay umuuqan dariiq Puntland loogu hagi karo nidaam dimuqraadiyadeed isagoona usababeeyay inay kahorayso samaynta axsaabta in latirakoobo dadweynaha, lasugo xuudadaha, la ilaaliyo xuquuqda hadalka waxana uu sheegay intaasoo dhan inaysan kajirin Puntland .
Dhinaca Gen. Samatar ayaa soo hadal qaday shir ay yeesheen isaga iyo madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Mxamuud Muuse Xirsi, waxana uu sheegay inay kawada hadleen arimo khuseeya siyasada Puntland, waxana uu sheegay inuu faray inay layimaadan deganan si aan loo waxyeelayn ammaanka Puntland ayna kasugayan jawaab ku aadan dowrka uu kuleeyahay nabadynta Puntland.
Halkan kadhagayso ama Riix Codka








