DHAGAYSO: Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Lo Doortay Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Horseed

Xarunta Jaamacada PSU ayaa galabta waxa maalinkii saddexaad galay Shirweynaha Urur ISiyaasadeed Horseed oo ay ka qaybgalayso Ergo 500 kor u dhaafaysa oo ka kala timid dhamaan gobollada Puntland.

Gudoomiyaha Ururka Horseed ayaa dhamaan ergadu u codeysey inuu noqdo Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole halka ku xigeen kowaad noqdey Gen.Cabdisamad Cali Shire ,ku xigeenka labaadna Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,waxana Xoghaynta guud la isku raacey Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac ‘Ilkojiir’.

Salaad Xareed Cali oo ka mida hogaanka sare ee Ururka Horseed ayaa shirweynaha hortiisa ka akhriyey magacyada cod gacan taag loo qaadey ,islamarkaasina dhamaan la isku raacey ,iyadoona aysan jirin cid ka aaamustey ama diidey toona.

Halkan ka daawo: Sawiradda Ururka Horseed Qaybta 1aad

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Horseed Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa hadal kooban ka soo jeedshey shirweynaha ,waxana uu ka codsadey in tirada golaha dhexe ee ururka laga dhigo 250 xubnood halka horey 185 ay qorsheysneyd.

Go’aanka badinta tirada golaha dhexe ayaa mar labaad loo qaadey cod aqlabiyad lagu ansixiyey ,iyadoona GO ilo wareedyo u xaqiijiyeen in Ururka Horseed Dhalinyarada iyo Haweenku ay si weyn uga dhex muuqdaan golaha dhexe ee la dhisayo.

Halkan ka daawo: Sawiradda Ururka Horseed Qaybta 2aad

Shirkan oo lagu wadey in la soo gabogabeeyo maanta ayaa laba maalmood dib u dhacay oo uu shegeey gudoomiyaha ururka in wada tashi dib la iskugu laaban doono kadibna Isniinta Shirweynaha dib la isku iman doono.

Hoos kadhagayso Codka
Dhagayso Codka Munaasabada Ururka horseed


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

kay- Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta UNDP
- Jun 19, 2013
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan soomaaliya UNSOM Nicholas Kay,ayaa ...
Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay weerarkii Muqdisho ee maanta
- Jun 19, 2013
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga tacsiyadeeyey QM ...
Wasiirka Adeega Dhageyso:- Wasiiro maanata dhagax dhigay goobo waxbarasho oo la dhisayo
- Jun 19, 2013
Mashruuc ururka iskaashiga islaamka ee OIC uu ku dhisayo sodon iyo sadax iskuul muda ...
a_9824 Madaxweynihii Hore Puntland cade Muuse Xirsi oo Boosaaso gaaray
- Jun 19, 2013
Waxaa manta si weyn loguso dhawayeey magaaladda Boosaaso ee Caasimada ganacsiga Puntland Madaxweynihii Hore ...
IMG_4284 Raysal Wasaare Saacid muxuu ka yiri weerarkii maanta Muqdisho
- Jun 19, 2013
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii ...
2_55-300x225 Dhageyso:- Suldaan Deeq Macalin ” Axmed Madoobe wuxuu soo wadaa in Kenya ay gumaysato Shacabka Soomaaliyeed”
- Jun 19, 2013
Suldaan Deeq Suldaan Macalin Sanbul oo ka mid ahaa hogaamiyaashii ururkii NFD ee u ...
qarax_undp_1 Dhageyso:- Maxaa kala socotaa tirada Shacabka ee ku geeriyootay weerarka ka dhacay Muqdisho
- Jun 19, 2013
Waxaa soo baxaysa tirade dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaartay dadka shacabka ah, taasi ...
qarax_undp_4 Daawo Sawirada weerarkii ka dhacay xarunta UNDP
- Jun 19, 2013