Daawo Sawirada Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo Maanta lagu aasay Magaalada Kismaayo
Waxaa Maanta lagu aasay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose allaha u naxariistee Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo kamid ahaa Nabadoonada sida wayn looga yaqaano Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose oo shalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Aaska loo sameeyay Marxuumka ayaa waxaa soo qayb galay Wasiiro Xildhibaano Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo Oday Dhaqmeed Ugaasyo iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Kismaayo, waxaana ay si isku wada mid ah u sagootiyeen Marxuumka,
Magaalada Kismaayo ayaa Waxaa Maanta kasoo dagay 3 diyaaradood oo wada dadkii ka qayb galayay Aaska Marxuumka, waxaana lagu aasay Marxuumka Maanta Mid kamid ah Qabuuraha ku yaala Magaalada Kismaayo.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi oo halkaasi ka hadlay ayaa ka tacsiyadeeyay gaarida Marxuumka wuxuuna alle oga baryay Marxuumka inuu Janadii ka waraabiyo eheladiisana uu samar ka siiyo,
Hoos ka daawo Sawirada















