Dhagayso Khudbado+Sawiro:- Kulan Xasaasi oo Madaxwayne Ducaale la qaatay Siyaasiyiin Caan ah oo kasoo jeeda Jubooyinka

Waxaa Shalay galinkii danbe kulan Xasaasi ah oo looga hadlayay arimaha Maamulka Jubbaland lagu qabtay Hotel-ka Aaran ee Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qayb galay siyaasiyiinta ugu miisaanka Culus Beelwaynta Sade iyo dadwayne kale.

Kulankani oo soo agaasimay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland State Dr Axmed Faarax Ducaale ayaa waxaa kasoo qayb galay Siyaasiyiin uu kamid yahay Col Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) Gen Axmed Warsame iyo Siyaasiyiin kale oo miisaan iyo Magac ku dhex leh bulsho waynta Soomaaliyeed gaar ahaan Beesha Sade.

Furitaankii kulanka ayaa waxaa Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland State Dr Axmed Faarax Ducaale, wuxuuna ku dheeraaday ka sheekaynta Marxaladihii kala duwanaa ee soo maray Maamulka, wuxuuna sheegay dhisida iyo sidoo kale aqoonsiga Maamulka Jubbaland inuu galiyay waqti badan isla markaasina guul iminka lagu faani karo uu gaaray Maamulka Jubbaland.

Madaxwayne Ducaale sheegay Maamulka Jubbaland intuu uu gacanta ku hayay howlo Muhim ah inay u hirgaleen isla markaasina uu xiligani Joogo  markii uu gacanta oga baahnaa dadka reer Jubbaland…Halkan ka dhagayso Khudbada Ducaale

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Sidoo kale waxaa isna goobta hadal ka jeediyay Aadan Cilmi oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Jubooyinka, wuxuuna ku dheeraaday baahida ay u qabaan maamul ka shaqeeya danahooda deegaanada ay dagaan beelaha Sade, sida Galgaduud iyo deegaanada Jubbaland, wuxuna xusay inay iminka jirto baahi wayn oo loo qabo in la helo Maamul…

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Suldaan Bashiir oo isna hadlay ayaa waxaa uu teegeero u muujiyay Maamulka Jubbaland, wuxuuna xusay inay garab taaganyihiin Maamulka Jubbaland, isla markaasina ay ku garab siin doonaan siduu u noqon lahaa Maamul gaara dadka uu matalo… Halkan ka dhagayso hadalkii Suldaanka

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Intii uu socday kulanka wada tashiga ah  ayaa waxaa hadalo taageero iyo Guubaabo iskugu jira halkaasi ka jeediyay haweenkii kasoo qayb galay. Waxaana ay sheegeen xiligani in baahi wayn loo qabo helista Maamul goboleed ka shaqeeya danaha deegaanada Jubbland.

Sikastaba  kulankani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Siyaasiyiin Miisaan ku leh  gobolada Jubooyinka ay kasoo qayb galeen ee ka dhaca Magaalada Muqdisho tan iyo dhamaadkii sanadkii tagay markii ay bilowdeen Shirarka looga tashanayo Maamul u samaynta deegaanada Jubooyinka.

Waxaa Diyaarshay Axmednuur Maxamed DSCN1767 DSCN1768 DSCN1769 DSCN1772 DSCN1773 DSCN1774 DSCN1775 DSCN1776 DSCN1778 DSCN1779 DSCN1783

 

 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. Shire says:

    Absame diyaar ayuu u yahay inuu iska difaaco mooryaanta Sade marka ama shira ama qadeeya waa hoowlihiina asx

  2. WE ARE IRIRSAMALE DEMOCRATIC REPUBLIC says:

    Sade ana abti uah ano ah belweynta hawiye qasatan besha sade ee layirahdo bah hawiye marka cid sade u hanjabikarto majiran wilashaysa ayaaka iskaga filan cadowgada aama kablaxlax isu urrusada ama waxa harti loguyero isku urrusada jale sade. Kaligis aya kufilan ana tagero. Iyo garab aya lagarabtaganahay isha allah cadowga sade wabatay lkn cagtu in marinaya besha sade wa gesiyada darood wlh ragoda wa 3 xaniyod ader wil an dhalnay fulay ma nqodo tas ogada sida dhabayaco nago ma ahan sade marka ogada kismayo inu sade katalin hadikale anan aqbali donin taas

  3. raasade says:

    Anigu Absame oo dhan jaaifayn maayo, doqonyohow, balse mooryaan ciddii ah oo kabaha ka cararta la’arki doonee!!

    kiikuuyadu markay isaga kaaya dhex baxdo, heedhe xaggee baad aadi illeen Sade iskama dhicin kartid oo waad ogtahaye???

    Kolley iyada uunbaad kabaha iyo biyaha u qaadi sidaadii!!!

  4. garaad yusuf says:

    asc waxay ila tahay waa mahad san yahay madax weynaha maamul goboleedka jubaland state of somaliya dr axmed faarax ducaale waxaan leeyahay hawshaada hakadaalin wixii dhib loomaraa guul laga gaaraa ee guntiga giiji wax yar baa haraye beesha sade waxaan leeyahay udiyaar garooba sidii gedo looga xoreeyay booran iyo guji in kismaanyana looga xoreeyo cadaw geena

  5. Maxamuud Faarax Ducaale says:

    Doqonkii ogadeen ahaa doollo laga qaadye loo diid dannood iyo hadduu degi lahaa ciide ee maxaan kaala doodi dameer qaaq yiraa tahaye.doqonyahow dharbaaxadayda waad taqaan ee ha ku dukhuuleen sawaaxili iyo kikuyu iyo ciddii doontaba.EDEB YEELO EEY BAAD KU WEEL TAHAYE.

  6. Maxamuud Faarax Ducaale says:

    Aniga oo ku hadlaya magaca dadka reer jubbaland waxaan dawladda federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed u sheegayaa in madaxweynaha jubbaland state Dr Axmed Farax Ducaale lagu taageero dhismaha iyo maamul u samaynta jubbaland.

  7. Mahdi says:

    Madaxweynaha Jubbaland DR Axmed Faarax Ducaale wuxuu ku kalsoon yahay ilaahiisa, wuxuuna kaashanayaa Somali Maxamed.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

download (1) Dhagayso:- Askari ka tirsan Ciidanka Puntland Caawa Lagu Dilay Boosaaso
- May 23, 2013
Wararka ka Imaanay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland ayaa sheegaya In Caawa ...
IMG_8600 Dhagayso:- M/wayne Xasan Sheikh oo Qado Sharaf u sameeyay Baarlamanka Somaliya
- May 23, 2013
Kulanka qadada ah ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya u sameeyay mudanayaasha ...
madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambala Dhagayso:- Madaxwaynaha Soomaaliya oo Addis Ababa u dhoofay
- May 23, 2013
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, ...
caadi8 Dhagayso+Sawiro:- Wasaarada Beeraha Puntland oo kadigtay Sunta cayayaanka ee Beeraha lagu buufiyo
- May 23, 2013
Kadib Markii uu Booqasho ku Tagay Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland d Eng.Maxamuud ...
100_8167 Dhagayso:- Nabadoon Xarago “DFS Haka shaqayso Midnimada Soomaaliweyn
- May 23, 2013
Afhayeenka Nabadoonada Gobalka Bari oo ka Hadlayeey Maalinkii shalay ahaa Kulan Balaaran ll Lagu ...
images Dhagayso:- Maamulka Gobalka Karkaar Puntland oo ka Hadlay Ciidamo Gadood sameyeey
- May 23, 2013
Iyadoo Maalmihii ugu danbeeyay Cidamadda Puntland ka cabanayeen Mushaar La'aan lasoo darista ayaa hadana ...
images-112-180x145 Dhagayso:- U diyaar garowga 50 guuradii Aas-aaska Midowga Africa oo Addis Ababa ka socota
- May 23, 2013
Waxaa lagu wadaa dhawaan inay ka dhacdo Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ...
Kismaayo (3) Dhagayso:- Wafti ka socda Hay’adda ICRC oo maanta gaaray kismaayo.
- May 23, 2013
Wafdi ka socda hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee ...