Dhagayso:- Safiirka Somaliya ee dalka South Africa oo Kulan la qaatay Jaaliyada Somaliyed ee dalkaasi

Ka dib kulan caalami ah oo markii ugu horeysay tan iyo markii la aqoonsaday uu la qaatay Safiirka Soomaalida ku nool dalkani Koonfur Afrika ayuu ku dhawaaqay arimo muhiim ah oo ay in badan sugayeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulankan oo ka dhacay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Mayfair ee ku taalla Magaalada faca weyn ee Johannesberg ayaa waxaa kasoo qeybgalay Safiirka dhawaan ay Dowladda federalka ee Soomaaliya u soo magacowday dalka Koonfur Afrika, Culumaa’udiin  Waxgarad, ganacsato, Haween iyo dhalinyaro aad ugu wada riyaaqay kalmadaha uu ka dhawaajiyey Danjiraha.

Ujeedada kulankan ayaa aheyd inuu Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika Zayid Xasan Shariif Cabdullaahi oo maalmihii ugu dambeyay kulamo isdabajoog ah la yeelanayay Dowladda Koonfur Afrika inuu u sheego waxyabahii u qabsoomay isagoo qudbad uu ka jeediyay kulankaasi kaga hadlay arimo muhiim u ah Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika kuwaasoo ay ka mid yihiin Socdaalka,in la diiwaangaliyo ganacsi walbo ay Sooomaalida ku leedahay dalkani iyo in hadda wixii ka dambeeyo in boob loo geysto ganacsatada Soomaalida kadiibna laga aamuso.

Mar uu ka hadlayay Safiirku arimaha bixitaanka Soomaaliya ee ay Waaxda Socdaalka Dowladda Koonfur Afrika gabi ahaanba joojisay ayuu sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay arintaasi kala hadleen ayna dhawaan bilaaban doonaan bixintaanaddi Soomaaliya lagu aadi jiray iyadoo ay
jiraan Soomaali badan oo ku xiran Magaalada Johansseburg .

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika ayaa ugu digay dad horay u sameyn jiray warqado been abuur ah kuwaasoo matalayey Dowlada Soomaaliya in ay ka waatoobaan wixii hada ka dambeeya, sida uu safiirku xusay.

Dhanka kale Dadkii dhamaantood halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Safiirka iyo Gudddiga Safaaradda iyagoo kula dardaarmay inuu Safiirku calaad ku maalmo dadkii loo soo doortay iyadoo guddiga Safaarada halkaasi ku wareejiyey xisaabdkii ay u hayeen Safaaradda,

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Hadalheynta ugu badneyn dalka Koonfur Afrika ayay sida uu Safiirka oo dhawaan warqadihiisa aqoonsiga uu ka gudoomay Madaxweyne Jocob Zuma wax ugu qaban karo dhibaatooyinka Soomaalida ay kala kulmaan Koonfur Afrika.


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

ahlu suna Dhagayso:- Ururka Ahlusunna oo ku baaqay arinta Kismaayo wada hadal in lagu dhameeyo
- May 25, 2013
Ururka Ahlusunna Wal-jamaaca ee ka dagaalama deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka  Soomaaliya ...
SONY DSC Dhagayso:- Gollaha Samatabixinta Puntland oo kulan ku yeeshay Qardho.
- May 25, 2013
Kulan ay ku yeesheen Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar gollaha Samatabixinta Puntland iyo ...
Dagaal beeleed Dhaagayso:- Aanooyinka Qabiilka oo kusoo badanaya gobolka Shabellaha dhexe.
- May 25, 2013
Tan iyo markii Kooxda Al-shabaab lagala wareegay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabellaha ...
21_igad_summit Daawo Sawirada:- Shirkii Madaxda IGAD oo lagu heshiiyey in Dowladda Soomaaliya ay qabato shir lagu dhisayo maamulada Jubooyinka
- May 25, 2013
(Addis Ababa, 24 May 2013 )Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud oo ...
IMG_0287 Akhriso Warqad Furan oo ku Socota Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole
- May 24, 2013
Warbaahinta Saadaal Media Waxa ay Idiin so Gudbinaysa Warqad Furan oo ku socota Madaxweynaha ...
Kismaayo (4) Dhagayso:- Jaaliyada Beesha Sheekhaal ee Jarmalka oo Taageeray Mid kamid ah M/waynayaasha Jubbaland
- May 24, 2013
Jaaliyada kasoo jeeda Beesha Sheekhaal oo ku nool dalka Jarmalka ayaa taageerayay Xasan Xaaji ...
guryo-burburin-003 Dhagayso:- Howlgal laga sameeyay degmada Luuq ee gobolka Gedo
- May 24, 2013
Ciidamada amaanka oo ay horkacayaan masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo  ...
mud.. Dhagayso+Sawiro:- Banaanbax looga soo horjeedo M/Wayne Ismaaciil Cumar Gelle oo Maanta ka dhacay Jabuti
- May 24, 2013
Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo Madaxwaynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa maanta ka ...