DHAGAYSO:Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Faroole Oo katacsiyeey Geeridii Suldaan Muse Faarax ‘Muse
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alaha u naxariistee Suldaan Muse Faarax ‘Muse Onkod” oo maanta koox hubeysani ku dishey magaalada Bossaso.
Dr.Farole oo Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa Eheladi ,Qaraabadii iyo Umadda Reer Puntland uu ka dhintey Suldaan tacsi uga direy isagoona Alle uga baryey in Samir iyo Iimaan ka siiyo dadkii uu ka tagay Janadii Fardowsana ka waraabiyo.
”Waxa diley Nabadiidka Puntland” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo u direy fariin qoyskii uu ka dhashay ee Muuse Saleebaan ”Ugaar Saleebaan” oo ahayd in ay naftooda xakameeyaan.
Ciidamada Amaanka Puntland ayuu sheegey madaxweynuhu inay hayaan raad ku saabsan cida ka danbeysey dilka Marxuumka,dhowaana laamaha cadaalada la horkeeni doono.
Hoos kadhagayso codka Madaxweynaha Puntland
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
DHAGAYSO Madaxweynaha Puntland Oo Tacsi Diraya








