Dhagayso+Sawiro+Warsaxaafadeed:- Kulankii Gollaha Wasiirada
Muqdisho, 02 Feb, 2013…. Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa looga hadlay sharciga maamul-u-samaynta Gobollada, Sarifka Lacagaha Qalaad iyo Warbixin kooban oo laga dhageystay Wasiirka Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim.
Ugu horreyntii Goluhu wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirka Hormarinta Adeegga Bulshada, Drs Maryam Qaasim, waxayna tafaasiil ka bixisay shir caalami ah oo ay dhawaan kaga soo qeybgashay dalka Imaaraadka Carabta oo looga hadlayay arrimaha bedbaadinta Hooyada iyo Dhallaanka, waxana ay sgheegtay in shirkaasi ay ka soo baxeen qaddobo muhiim ah. Drs Maryam Qaasim waxa sidoo kale xustay in dowladda Imaaraatka Carabta ay ka wada hadleen sidii loo hormarin arrimaha adeegga bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan waxbarashada.
Sidoo kale, Golaha ayaa ka dooday Isbedelka ku yimid Sarifka lacagta dollar-ka ah, wuxuuna Ra’iisul Wasaare “Saacid” sheegay inuu aad uga xun yahay halka uu marayo sarifka lacagaha qalaad, Isagoona guddi uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda iyo Xubno ka tirsan Ganacsatada u saaray sidii ay u soo diyaarin lahaayeen warbixin ku saabsan hoos u dhaca ku yimid doolarka iyo saameynta ay ku yeelatay shacabka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in Xukuumadda Soomaaliya ay tillaabooyin deg deg ah ka qaadan doonto xasilinta sarifka lacagaha qalaad, Iyadoo Xukuumaddu la kaashaneysa ganacsatada iyo hay’adaha arrintaan wax-ka qabashadeeda gacan ka geysan kara.
Ugu danbayntii Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay hindise-sharciyeedka dhismaha maamul u samaynta gobollada dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka. Hindise-Sharciyeedka ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka Soomaaliya is ay u ansixiyaan.
—-DHAMAAD—-



















BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM,ammaa bacda: waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa,kuna noolaa dibedda 21kii sano ee dagaalka sokeeye dalka ka socday.Muddadaa 21 sano ah ee nin waliba ama qof waliba uu wuxuu doono ku hadlayey ama wuxuu doono dalka iyo dadkaba ku samaynayey weligay af,uur iyo addinba midna ugama qayb qaadan waxyaalihii foosha xumaa ee ka dhacayey waddanka.21kaa sano waxaan ahaa shakhsi u ooyayey in rabbi nolol igu gaarsiiyo dawlad rasmi ah oo adduunku aqoonsanyahi an arko iyo calanka soomaliyeed oo adduunka daafihiisa ka babanaya mar uun aan arko.Rabbi waa I gaarsiiyey oo dawladi waa noo dhalatay,adduunkuna na aqoonsay,Waxaase weli jira dhibaatooyin badan oo na haysta.Waad ogtihiin in dalku 21 sano burbursanaa Soomaalina is laynaysay(total caos)ayaa dalku ku sugnaa.Waxaan jeclahay inaan ummadda Soomaaliyeed arrin ay illowsantahay xusuusiyo:21 sano ka hor waxaa dalku soo maray 2 dawladood:dawlad shiciba iyo mid milleteri ah.Su`aashu waxaa weeye dawladnimadii Soomali hanatay 1dii Luulyo 1960 maxaa loo soo maray sideebaase lagu helay?.Haddaan isku dayo inaan ka sheekeeyo wixii loo soo maray waxaan ku khasbanahay inaan dib u noqdo anigoo si gaaban uga hadlaya an ka soo bilaabo 1945 dhalashadii xisbigii SYL ee leegada iyo halgankeedii gobannimo doon.Dalka Soomaaliyeed waxaa muddadaa 1945 ah iyo ka horba dalkeenna ku diriri jiray Ingiriis iyo Talyaani iyo Itoobiya oo weligeedba gumeystayaasha ku daba dhuumata,waayo waan ognahay in Itoobiya 1884 shirkii Berlin ee Afrika lagu qaybsanayey ka qaybgashay ee ay ku Afrika qaybtayda ha la I siiyo,dhabcan waxay u jeedday waxay ahayd Soomaliya.Markaan dib uGu noqdo wixii gobannimadii naga luntay loo soo maray,ee an isku dayo inaan wax sheego,bil kuma dhammayn kari doono balse si kooban an uga hadlo.Laga soo bilaabo 1945 xisbigii SYL halgankiisii gobannimo doon iyo guud ahaan shicibka soomaaliyeed waxay soo mareen dagaalloo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen 3dii dagaal ee la magac baxay soomaali ha noolaato,dagaalladaas oo Soomali laga dhigay wax la laayo iyo wax xabsiga la dhigo.Wax kasta oo Soomaali lagu sameeyaba,soomaali gobannimo doonka kama ay joogsane halkeeda ayey ka waddey waxaa hal ku dhaggeedu ahaa:AXYAA WADDANII AXYAA WADDANII YAA SOOMAALI EHEY AXYAA WADDANII,rag iyo haween looma kala hari jirin dagaalka:raggu dagaalkuu gali jiray haweenkuna raga ayey daba taagnaayeen oo ay ku geesinnimo gelinayeen ayagoo weer cad xiran biyo iyo barax la daba taagnaayeen ayagoo ku heesaya:Soomaali diidow silic u dhimo waa kaa samreynaaye silic u dhimo,waayo daba dhilif badan ayaa jirey.Mar kasta oo dagaal dhaco SYL ayaa guuleysan jirtay waayo ummdda soomaliyeed aad iyo aad ayey isu jecleyd isuna hiillin jirtay,mar kasta wax dhacaan waxaa af-garasho ahayd:HA NOOLAATO,rag iyo haween qof walba meesha uu markaa taaganyahay ayuu dhagaxiisa qaadan jiray kana ordi jiray oo uu dagaalka geli jiray.Ma soo koobi karo dhacdooyinkii gobannimadoonka balse an soo qaato keli asayle:waa keligii Talyaani raga soomaalieed ayagoo nool nool uu inta seex-seexiyey keligii ku gudbay raggiina weli wey ku maqanyihiin:KELI ASAYLE waxaa loogu bixiyey raggii kaliga talyaani ku aasay xaasaskoodii ayaa assay wada qaaday.Haddaan dib uGu noqdo jabkii iyo halaaggii gobannimada loo soo maray,waxaan is weydiiyaa:Soomaalidii noocaas ahayd meedey,xaggey aadday soomaalidii is jecleyd oo isu hiillin jirtey.An soo qaato xisbigii SYL hoggaamiyhii allaha u naxariistee marxuum CABDULLAHI CIISE MAXAMUUD,maanta qof soomaali ah oo ad afkiisa ka maqleyso ma jiro oo waaba la illooba.Ma mudnayn in la illoobo.Gobannimadii intaas oo halaag ah loo soo maray ayaa soomaali 30 sano ka dib cagta marisay oo baabiisay calankiina ciidda ku jiidday,qarannimadiina la tuuray.Dagaal sokeeye oo ba’an la isku qaaday welina wuu socdaa inkasta oo uusan sidii hore ahayn.Su’aasha labaad waxaa weeye:MAXAAN KA DHAXALNAY?Waxaan ka dhaxalnay haddaan idiin sheegi:Waannaan maqleyne ciiddeennii baa ooyeysa oo waxay na leedahay:Maxaan ahay?,Xaggeen dhacaa ama ku aal?,Yaa I leh?,Maxaa I helay?,Mee dadkaygii?Mee calankii?,Yaa I sita?,Xaggee la’ii wadaa?,Maxaan ku dambayn?.Sagaalkaas su’aalood jawaabtooda soomaali ayaa laga rabaa ee ha lagasoo jawaabo………Haddaan intaa ka gudbo,waxaan rabaa inaan yara tibaaxo anigoo aad iyo aad u faraxsan dawladda noo dhalatay iyo qaranka noo soo noqday:Laba ayaan u kala qaadayaa:1-Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay;dil iyo xabbad dhaxalkeedii iyo cawaaqibkeedii aragnaye kuwa welixabbadda la ordayow iska dhiga qoriga,ninka doonaya inuu dad xukumo isla markaana laynaya yuu xukumi dadkiiba laaye?.Dawladdeenna an raacno oo an garab iyo gaashaanba u noqonno.2-DAWLADDA WAXAAN LEEYAHAY:Ugu horreyn rabbi ha idin ku garab galo hawsha adag oo ad xilkeeda u dhaarateen fulinteeda waayo soomaali haddaan ku qiyaasno 10 millyan oo ruux dawladda waxaan u sheegayaa in aanay uGu talo gelin 10 millyan oo bani aadam ahe ha uGu talo gasho 10 millyan oo dhurwaa oo ka dooneysa dawladda inay dawladdu ku celiso baniaadamkay ahaan jireen.Hawl sahlan ma ay ahane rabbi dawladda ha u fududeeyo waana inaan garab ku siinnaa.Waxaan kale oo an dawladda ku adkeynayaa,waa in shicibka an anigu ku jiro in dawlad iyo sharci jiro si dhab ah loo dareensiiyo.Waxaa kale oo dawladda xusuusinayaa in gabadha soomaaliyeed ee miyiga colaadda iyo abaarta u dhexeeya ariga kula joogta ay ka sugayso in dawladdu meesheeda nabadgelyo iyo nolol uGu geyso.Shacabka Soomaaliyeed inta dawladda ku faraxsan oo raacsan ayaa badane waan idin hareera soconnaaye socda ilaahayna ha idin garab galo.Haddaan caawa intaa ku hakiyo waxaan ka cudur-daaranayaa wixii khalad qoraal-ahaan soo baxa in la’ii saxo.Waxaa igu ballam ilaah ah inaan dawladda shuruudlaan la shaqayn doono:Waxaan ahay INJINEER JAAMICI AH 29 SANOka shaqaynayey Somali airlines.Waxaan ballan qaadayaa inaan dawladdayda dalkayga iyo dadkayga an iskaa wax u qabso uGu shaqeeyo inta dawladdaydu cagaheeda ku istaageyso.WAA BILLAAHI TAWFIIQ.