Qaban Qaabada Aaska Nabadoon Caan ah oo ka Socota Magaalada Kismaayo
Waxaa lagu wadaa Saacadaha soo socda in lagu aaso Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose allaha u naxariistee mid kamid ah Sudaan kasoo jeeda deegaanada Jubooyinka oo dhawan ku geeriyooda Magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Allaha u naraxariistee Nabadoon Cabdi Cali Sokor ayaa waxaa aaskiisa siwayn looga diyaar garoobayaa Magaalada Kismaayo,waxaana kasoo qayb galay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka KMG ah ee Magalaada Kismayo.
Mas’uuliyiinta dawladda Federaalka Soomaaliya ee Aaska marxuumka ka qayb galaysa ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Wasaaradda war faafinta , wasiirka wasaaradda wax Barashada iyo waliba Agaasimaha Wasaaradda war faafinta.
Sulddaanka oo muddo dheer xilkaas soo hayay ayaa Taariikh Nololeedkiisa waxaa ka hadlay rag fara badan oo la soo shaqeeyay waayihiisa iyagoona sheegay waxyaabaha lagu xasuusto Sulddaanka in ay ka mid ahaayeen ka waabasho la’aanta Runta Kaftanka iyo Wadaniyad Jacaylka.
Suldaan cabdi Cali Sokor ayaa muddooyinkii danbe waxa uu ku Xanuunsanaa magaalada Nayroobi halkaasoo markii danbana uu ku Geeryooday iyadoona la filayo in isla manta lagu Aaso Gobolka Jubada Hoose.
U diyaar garowga aaska Suldaan ayaa waxaa siwayn looga dareemayaa qaban qaabadiisa Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.









Allaha u naxariisto suldaanka besha absame