Xaflad soo dhaweyne ah oo loo sameeyey Duuliyasare Abdi Xaaji Guuleed Mahamed+Mashruuca Airport ga Garbahareey

cabdiguleedXafladdan lagu soo dhaweynayay duuliya sare Abdi Mahamed Guuleed(fargayax) ayaa lagu qabtay Magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska.
cabdiguleed2Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen dad aad u faro badan oo isaga kala yimid gobollada dalka Ingiriiska sida Gudoomiyaha Jaaliyada Gal-jubba Mr SiciidMmaxamed Mirre,Shariif Mahamed Tahaliil (Bixi) Cabdi-sayid oo ka socday jaaliyada magaalada Multkens iyo jaaliyada magaalada Leicester oo ay ka socdeen Faarax Diiriye Awal iyo rag kaloo badan.

Waxaa Kulankaan  soo agaasimey jaaliyada wadanka ingiriiska gaar ahaana reer Birmingham oo ay hogaaminayeen Gudiga Kacdoonka shacabka ee magaaladaas, waxaa soo dhaweyntaa ka hadlay qaar ka mid ah kasooqeybgalayaashii oo ay kamid ahaayeen dadbadan oo magac ku leh wadanka Soomaliya .Waxaa shirka furay Ugaas mahamed Daahir (dhuudhi) kadibna waxaa makarafoonka(mic) lawareegey agaasimaha kacdoonka shacabka Mr Waayeel hadalqiima leh kadib waxa uu mic kuwareejiyey ,sheikh Mahamed Adam oo halkaas kazoo jeediyey wacdi qiima leh, kadibna waxaa war koobin buuxda soo jeediyey Dr maxamuud hirsi oo ah godoomiyaha kacdoonka shacabka kana mid ahaa qabanqaabiyaasha ayaa waxa uu Microfoonka kusoo dhaweeyey Duula sare ahna Ex wasiirkii Duulista iyo hawada sare dawladii carta oo aheyd dawladii ku meelgaarka aheyd ee ugu horeysey intii dawlada dhexe ay bur burtey ee soomalia.

cabdiguleed3Duuliyaha ayaa waxa uu u mahad caliyey kasoo qeybgalayaashii kadibna waxa uu guda kaley arintii uu u socdey oo lagu casuumey in uu kawar bixiyo oo aheyd dhisida airporka gobalka Gedo, duuliyaha waxa uu faah faahin buuxda uu ka bixiyey xaalada airporka meesha uu marayo iyo wixii u qabsoomey, duuliyaha aad buu ufaah faahiyey xaalada airporka dadkana aad iyo aad bey uga qanceen warbixintii uu bixiyey duuliyaha, mugdiyo horey ujireyna faahfaahin buuxda buu kabixeyey si aad iyo aad baana loogu qancey.

Waxaa la isku raacey in airporka Gedo ladhiso sida ugu dhaqsaha badan Jaaliyadana qeyb weyn kaqaadato, waxaa kaloo codsi loo jeediyey dawlada soomaliya in ay qeyb buuxda kaqaadato dhisida airporka iyo hormarka gobalka oo dhan.

 

 

 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. farxaan Gedo says:

    runti wa arin lagu farxo. Waxaaba la modaa inan hada uso jeesanay inan wax qabsano. Reer sadow gacmaha is qabsada oo wax qabsada.

  2. mahdi says:

    Dowlad ma jirtee caalamka gargaar ka codsada




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

100_8149 Dhagayso:-Banaanbax Lagu Tagerayeey Jubbaland oo Gobalka Sanaag Kadhacay
- May 22, 2013
Waxaa Maanta Magaalada Badhan ee Xarunta Gobalka sanaag ee Maamulka Puntland Kadhacay Banaanbax Balaaran ...
100_8171 Dhagayso+Sawiro Kulan Lagu Tagerayeey Jubbaland oo Boosaaso Kadhacay
- May 22, 2013
Waxaa Maanta Kadhacay Caasimada Ganacsiga Maamulka Puntland ee Boosaaso Munaasabad Balaaran Taas oo Lagu ...
Ciidamada1 Dhagayso:- Ciidamadda DFS ee degmada B/xaawo oo Gadood sameeyay, iyo Taliyihii Ciidamadda DFS ee g/ Gedo oo la badalay
- May 22, 2013
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta ka sameeyay degmada Baladxaawo ee ...
DSC06605 Dhagayso:- Xildhibaanadii Mooshinka keenay oo sheegay Awoodii R,W Saacid in uu la wareegay Xasan Sheekh
- May 22, 2013
Kadib markii Maanta dib loo dhigay Mooshinkii ay qaar kamid ah Xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ...
xoosh-300x168 Dhagayso:- Xildhibaan C/rixman Xoosh Jabriil oo ka digay Madaxwaynayaasha Faraha badan ee Kismaayo inay Al-shabaab ku biiraan
- May 22, 2013
Xildhibaan C/rixmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka Federaalka Soomaaliya, xubina ka ah ...
images (1) Dhagayso:- Shir Loga Hadlayo Amaanka Saxafiyiinta Somaliyeed oo Ka furmay Addis Ababa
- May 22, 2013
Shir Looga Hadlayo Amaanka Suxufiyinta Somaliyed ayaa ka Furmay Magaalada Adis Ababa ee Xarunta ...
Baarlama Dhagayso:- Xildhibaan Cabdi Barre oo kamid ahaa Xildhibaanadii Mooshinka waday oo si kulul u eedeeyay Madaxda Dowladda
- May 22, 2013
Mid kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka ka waday Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Saacid oo Saxaafadda kula ...
IMG_2055 Dhagayso:-Baarlamanka Somaliya oo Laalay Mooshinkii laga keenay Saacid
- May 22, 2013
Kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta gollaha shacabka Magaalada Muqdisho Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa ...