Dhagayso:- Madaxwayne ku xigeenka Gal-mudug garabka Timo-kalajeex oo si Kulul u Weeraray Maamulka Cabdi Qaybdiid

Cali C/lle Axmed (Cali Tooyo) oo ah madaxweyne ku xigenka Maamulka Gal-mudug State garabka Timo-kala-jeex oo uu xilka wareejiyay Max,ed Axmed Caalin Madaxwaynihii hore ee maamulkaasi,  ayaa waxaa uu sheegay in maamulka rasmiga ah ee xiligan ka taliya deegaanada Gal-mudug uu yahay midka iyaga ay madxda ka yihiin sida uu sheegay.

Cali Tooyo oo Waraysi  gaar ah siinayay Saadaal Media  ayaa ku eedeeyay General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid in uu qas iyo fowdo uu ka wado deegaanadaasi islamarkaana kala geynayo bulshada deegaanadaasi ku nool uusan rabin deganaanshaha deegaanada galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Gal-mudug garabka Timo kala jeex ayaa sheegay in Cabdi Qeybdiid uu gacanta ku hayo warqad been abuur ah oo sida uu sheegay Cali Tooyo uu Cabdi Qeybdiid ka helay Wazaarada arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka taasoo lagu aqoonsanayo maamulkaasi inuu madaxweyne ka yahay Cabdi Qeybdiid.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay arimaha bani,aadanimada ee ka jira deegaanadaasi wuxuuna baaq u diray hay,adaha gargaarka isagoona ugu baaqay hadii ay gargaar keenayaan degaanadaasi in ay maamulkiisa ay kusoo wargeliyaan hadii kalena wixii ka imaada aanu iyaga mas,uul ka aheyn.

Ugu dambeyntii waxaa uu ugu baaqay bulshada deegaanadaasi ku nool in ay la shaqeeyaan maamulkiisa oo sida uu sheegay ah maamulka rasmiga ee degaanada Gal-mudug.

Hadalkani ka soo baxay Cali Tooyo ayaa imaanaya xili weli uu taaganyahay muran la xiriira cida ah madaxweynaha rasmiga ee maamulkaasi.

Hoos ka dhagayso

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

IGAD Halkan ka Akhriso Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirka IGAD.
- May 25, 2013
Waxaa kasoo baxay Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban shirkii ay Urur goboleedka IGAD ku ...
images Dhagayso:- Eng Yarisow “Dowladu Kama Leexan Doonto Hirgalinta Qodabadii ay so Sareen IGAD
- May 25, 2013
Dowlada Somaliya oo Sheegtay In ay In ay Ka Leexayan Hirgalin doontana Qodobadii ay ...
IMG_0684 Dhagayso+Sawiro:- Madaxweyne faroole oo Maanta si Rasmi ah u Furay imtixaanaaadka Shahaadiga
- May 25, 2013
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta si rasmi ah u furey imtixaanaaadka ...
flag Dhagayso:- Maamulka Jubbaland oo ka Hadlay War Murtiyeedkii IGAD Kaso Baxay
- May 25, 2013
Maamulka Jubbaland oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Qodobadii Dowladu ay Shaacisay Sheegayna In ...
IMG_0676 Dhagayso:- Madaxweynaha Puntland oo DFS uga Digay Burburinta Dhismaha Jubbaland
- May 25, 2013
Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa ka Hadlay Dhismaha Jubaland iyo dhowrista dastuurka DFS ayuu soo ...
Ciidamada-dowladda-Bay-300x201 (2) Dhagayso:- Maamulka gobolka Bakool oo ka Warbixiyay Howlgalo ay deeganadaasi ka wadeen
- May 25, 2013
Masuuliyiinta gobolka Bakool oo maalmihii ugu danbeeyay Howlgalo ka waday deegaano ka tirsan gobolkaasi ...
Ciidamada-Dowlada-Gedo Dhagayso:- Dowlada oo guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay gobolka Gedo.
- May 25, 2013
Dagaal qaraar oo u dhexeeya Ciidamadda Maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca, Ciimadda Dowladda oo kaabaya, iyo ...
DSC00128 Dhagayso+Sawiro:- Arday Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Caabudwaaq.
- May 25, 2013
Waxaa lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud Munaasibad balaran oo shahaadooyin lagu ...