Dhagayso:-Shir weynihii ugu horreeyey ee ururka Midnimo oo Garoowe ka furmay,

Urur Siyuaasadeedka Mucaaradka ah ee Midnimo ayaa Maanta Jaamacada PSU ee Magaalada  Garoowe waxaa uga furmay shirkoodii ay ku dooranayeen hogaanka Ururka iyo golaha dhexe iyo sidoo kale in ergooyinkii ka socday Gobolada ee taageersanaa ururka ay ansixiyaan xeer hoosaadka ururka ayaa Kulankaasi waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha KMG ee Ururka Midnimo Dr Saadiq Eenow iyo Madax kale oo ka tirsan Midnimo oo rag iyo Dumarba isugu jira.

Kulankaasi  oo ay kasoo qayb galeen Ergooyin ka kala socday 8da Gobol ee Puntland ayaa u muuqday mid si xoogan taageero loogu muujinayo dhalinyarada iyo haweenka oo codka ugu badan ee madasha lagu casumay taasoo micneheedu ahayd in ururku muujiyo sida uu uga dhisan yahay xaga aqoonta oo dhan walba  oo loo arko in bulshada reer Puntland uu wax kusoo kordhinayo aan laga qadin ka mid noqoshada Ururka iyadoo madaxda Ururku u arkayeen in muhiim ay tahay in dadka talada iyo fikirka ku duugan ee cid la wadaagta waayay laga dhuuxo Xigmada kadibna dib dalka loogu celsho si looga gun gaaro hadafka ururka sida ay sheegeen Xubno ka tirsan Ururka oo madasha ka hadlay.

Gudoomiyaha KMG ee Midnimo Dr Saadiq Eenow oo Madasha hadalo muhiim ah  kasoo jeediyay ayaa sheegay in ficilka  iyo Aragtida midnimo ay wada socdaan qorshuhuna yahay in is bedel muuqda laga hirgeliyo Deegaanada Puntand waxwalbana laga hormariyo Cadaalada iyo alle ka cabsiga oo uu sheegay in uu yahay wadada kaliya oo uu ku taagan yahay Urursiyaasdeedka Mucaaradka ah ee Midnimo.

“ Ururkaan waxaa dhistay Aqoonyahano ganacsato Culamo Dhaqaatiir Masuuliyiin iyo inta aqoonta iyo garashada u saaxiibka ah, aragti Diin maleh Qabiiil kama socdaan mana ahan in Ururka lagu micneeyo wax aan waxba ka jirin,waxaan ka shaqeyneenaa isku xirka midnimada iyo isu soo dhawaaan shaha umada Puntland iyo Soomaaliyaba waxaana doonaynaa in Siyaasada iyo maamulkaba uusan u gaar noqon Qolo ama Qoys ee waa  in uu noqdaa mid ay Bulshadu u siman yihiin ayuu yiri Dr Saadiq Eenow.

Gudoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata ayaa yiri.

“Waxaan ugu baaqayaa ururada ka dhisan Puntland siiba Ururka Horseed ee Talada dalka iminka haya inay ilaaliyaan amaanada iyo Xilka dusha ka saran,waxaana leeyahay dib haloo eego hanaanka siyaasadeed dhaqan dhaqaale si haykal Dowladnimo loo helo ayuu yiri Dr Eenow.

Drku wuxuu kaloo xusay in ururku uu leeyahay qolo qabta fikirka iyo hadafka ururka mid ka duwan kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay u madaxbanaan yihiin fikirkooda, wuxuu kaloo ka dahwaajiyay in ay jiraan qolo dano gaar ah uga soo horjeeda ururka oo diidan in uu ka gun gaaro ujeedkiisa ah in dalka iyo dadka dib udhaca haysta laga bad baadiyo Qoladaasna waxaan leenahay waa dhamaaday dano gaar ah in la fushado Midnimaa timid hada hadaan awood kale la isticmaalayn ayuu Drku yiri, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa in ay jiraan qolo kale oo  ku kacsan ururka hadana aan ka warqabin waxa ay kula dirireen sida uu hadalka u dhigay Gudoomiyuhu isagoo Cadeeyey  in intaasoo isbaaro ay si fudud uga gudbi doonaan ayagoo kaashanaya Taageerayaashooda.

Mar uu arimaha Jubbaland ka hadlayay ayuu sheegay Dr Saadiq Eenow in ay soo dhaweynayaan maamul Madax banana  oo  ay yeeshaan dadka deegaankaasi kuwaasi oo hab xor ah usoo doorta cida ay doonaan,dhanka federaaliisimka ayuu sheegay in ay soo dhaweynayaan iyadoo hal meel wax lagu wada qaybsanayo sida in soomaalidu ay is cafiso hantidii lakala haystay laysku celsho lays cafiyo Mashaariicaha la wada qaybsado  Nabada laga wada shaqeeyo ayuu sheegay in ay xalka ku jirto.

Dr Saadiq Eenow ayaa mar uu ka hadlayay Gobolada Maqan ee Puntland ku tilmaamay taasi in ay Masuul ka tahay  habacsanaanta ka jirta Maamulada Puntland kuwii soo maray iyo midka hada jiraba oo uu sheegay in ay dayaceen soo celinta Goboladaasi balse Mdinimo hadii ay talada dalka ku guuleysato ayuu sheegay in arimahaasi ay wax badan ka qaban doonto, isagoo sheegay in lagama maarmaan ay tahay sidoo kale in Bulshada Dariska la ah Deegaanada Puntland lagala shaqeeyaa sugida amniga 2da dhinac.

Gudoomiyaha KMG ah ee Midnimo wuxuu sheegay in uu aad u boorinayo in dhalinyarada reer puntland ay taageero xoogan ka heli doonaan Ururka mid nimo sidoo kalena haweenku uu ururku siindoono mudnaanta 1aad isagoo sheegay  in 3 qof oo uu awood u leeyahay in uu ku daro Golaha dhexe ee Ururka uu haween ka dhigi doono wuxuuna ugu dambayn Saadiq Eenow Mahadcelin balaaran usoo jeediyay Isimada Puntland oo tixgelin gaar ah ku leh Ururkiisa iyo Sidoo kale Ciidanka Puntland oo amniga suga kana qayb qaadan Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay kuwaasi oo uu ku sheegay in ay Wax barsho u furidoonaan  Mushaar ku filannah ay siin doonaan hadii ay talada Dalka la wareegaan sida uu yiri Gudoomiyuhu.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

100_8149 Dhagayso:-Banaanbax Lagu Tagerayeey Jubbaland oo Gobalka Sanaag Kadhacay
- May 22, 2013
Waxaa Maanta Magaalada Badhan ee Xarunta Gobalka sanaag ee Maamulka Puntland Kadhacay Banaanbax Balaaran ...
100_8171 Dhagayso+Sawiro Kulan Lagu Tagerayeey Jubbaland oo Boosaaso Kadhacay
- May 22, 2013
Waxaa Maanta Kadhacay Caasimada Ganacsiga Maamulka Puntland ee Boosaaso Munaasabad Balaaran Taas oo Lagu ...
Ciidamada1 Dhagayso:- Ciidamadda DFS ee degmada B/xaawo oo Gadood sameeyay, iyo Taliyihii Ciidamadda DFS ee g/ Gedo oo la badalay
- May 22, 2013
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta ka sameeyay degmada Baladxaawo ee ...
DSC06605 Dhagayso:- Xildhibaanadii Mooshinka keenay oo sheegay Awoodii R,W Saacid in uu la wareegay Xasan Sheekh
- May 22, 2013
Kadib markii Maanta dib loo dhigay Mooshinkii ay qaar kamid ah Xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ...
xoosh-300x168 Dhagayso:- Xildhibaan C/rixman Xoosh Jabriil oo ka digay Madaxwaynayaasha Faraha badan ee Kismaayo inay Al-shabaab ku biiraan
- May 22, 2013
Xildhibaan C/rixmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Mudanayaasha baarlamanka Federaalka Soomaaliya, xubina ka ah ...
images (1) Dhagayso:- Shir Loga Hadlayo Amaanka Saxafiyiinta Somaliyeed oo Ka furmay Addis Ababa
- May 22, 2013
Shir Looga Hadlayo Amaanka Suxufiyinta Somaliyed ayaa ka Furmay Magaalada Adis Ababa ee Xarunta ...
Baarlama Dhagayso:- Xildhibaan Cabdi Barre oo kamid ahaa Xildhibaanadii Mooshinka waday oo si kulul u eedeeyay Madaxda Dowladda
- May 22, 2013
Mid kamid ah Xildhibaanadii Mooshinka ka waday Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Saacid oo Saxaafadda kula ...
IMG_2055 Dhagayso:-Baarlamanka Somaliya oo Laalay Mooshinkii laga keenay Saacid
- May 22, 2013
Kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta gollaha shacabka Magaalada Muqdisho Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa ...