Dhagayso+Sawiro:- Munaasibad Shahaadooyin lagu gudoon siinayay Arday oo Caabudwaaq ka dhacday
Waxaa lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka galgaduud Munaasibad balaaran oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday dhamaysatay barashada Caafimaadka.
Ardaydani oo gaaraysa ilaa 60 Arday ayaa iskugu jiray Wiilal iyo Gabdho waxaana ay mudo sanad ah dhiganayeen barashada Caafimaadka waxaana maanta shahaadooyin lagu gudoonsiiyay gudaha degmada Caabudwaaq.
Macalin Nuur Xuseen oo ah Maamulaha Schoolka Caafimadka ee Midnimo oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu qabto Machadka Midnimo Tababaro kala duwan oo kor loogu qaadayo aqoonta dadka ku dhaqan degmada Caabudwaaq,
Wuxuu sheegay Macalin Nuur inay tahay Dafcadani Maanta ka qalinjabisay Schoolka Midnimo inaysan ahayn tii ugu horaysay ee intii uu jiray Schoolka qalin jabisa wuxuuna xusay horay inay uga qalin jabiyeen arday, isla markaasina haatan bulshada u adeega.
Dhinaca kale Dr Ismaaciil Soomane oo kamid ah Dhakhaatiirka ka howlgasha degmada Caabudwaaq oo hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa ugu Hambalyeeyay Ardayda iyo Waalidiintood barashada Caafimaadka wuxuuna kula dar daarmay inay buslahdooda u adeegaan.
Hoos ka dhagayso kana daawo Sawirada
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.





















maashaa alah noqda kuwii waara waxay barteena dadkooda oo ga faa iideeya,kuna dhiiri galiya dhalin yarada aan waqtigooda kafaaiidaysan inay idinkookale noqdaan”"Aqoon la aan waa iftiin la aan”"noolaada,noolaada,noolaada,cadowgiin hajabo