DHAGAYSO:Xilibaanad Sacdiyo Carays Ciise oo si weyn loguso dhaweyey Boosaaso
Shalay waxaa gaaray magaaladda Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland Xilibaanad Sacdiyo Carays Ciise oo kamid ah Xilbaanada dowladda Fadaraalka somaliya
Waxa kusoo dhaweyeey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso masulyinta Puntland Sida gudomiyaha Gobalka Bari kan Degmadda iyo sidoo Kale Wasiirka Wasaarada amniga ee Puntland oo Qayb Ka ahaa So dhawaynta Xilibaanada
Safarka kadib ayaa kulan is waraysi ah lagu qabtay gudaha wasaarada amniga ee Bosaaso waxana ka hadlay Wasiirka amniga ee mamulka puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan wuxuu shegay inay aad ugu faraxsanyihin imaanshaha Bosaaso ee xilibaanada sido kale kale waxa u Tilmaamay inu farxad galinayo imaanshahaha Sacdiyo Carays Ciise
Dhinaca kale waxa ka hadashay halkaas Sacdiyo carays ciise oo katirsan Baarlamaanka somaliya ayaa waxay shegtay inay aad ugu mahad celinayso masuliyinta waxayna shegtay in si wanaagsan losoo dhaweyeey laguna so dhaweyeey magaaladda Boosaaso ee xarunta gobalka bari
Waa markii ugu Horeysay oo ay xilibaanad Sacdiyo Carays Ciise ay Safar ku Timaado tan iyo Inta ay kamid noqotay Baarlamaanka Soomaliya Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari
Hoo kadhagayso Codka Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise mudan
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Hoos kadhagayso Codka Xilibaanad Sacdiyo carays Ciise
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Maxamed Laki
Saadaal.com
Gaalkcyo”Puntland”Soomaliya








