Dhagayso:Baaq Nabadeed oo Puntland ku socda.
Marka ugu horraysa mahad oo dhan allay u sugnaatay, marka xigta waxaan rabaa inaan halkaan baaq ugu soo jeediyo ummadda reer puntland, reer puntlanow ha gafina kaalintii la idinku bartay ee ahayd nabad jacaylka iyo isu tanaasulka, meeshii aad ka soo ambaqaadeen dhismaha dawladdan waad garanaysaan, maskax la shiilay iyo aqoon waaya arag ayay ku dhabowday inay dhidibadu utaagmaan, maantana maysan dhammaan waxgaradkii, issimadii iyo aqoon-yahankii markii hore jiritaankaas suurageliyay.
Madaxweyne C/raxmaan.
Mudane madaxweyne waxaad timid waqti laguu baahnaa, kaalintaadii iyo waxqabadkaagiina way muuqdaan ee maaha kuwo dahsoon, isku duubnida bulshada ayaa kuu saamaxday inaad soo hoggaamiso waqti cayiman oo dastuur qeexay, himilooyinka aad hiigsanaysaa waa badan yihiin dhammaantoodna waxay ku salaysan yihiin sidii puntland ula saanqaadi lahayd dunida hore umartay, afar sano iyo hal sano farqiga u dhexeeya waad garan kartaa, maamul jira oo is-haysta iyo ummadoo nabad iyo barwaaqo ku sugan inaad ka tagto ayaa kaaga khayr badan hal sano oo dagaal iyo iska hor-imaad dhaliya inaad hayso xukunka, taariikhdu waa kaydiyaha dhacdooyinka ee yaysan kaa qorin puntland faroolaa dumiyay.
Mucaaradka.
Mucaaradku waa laba qaybood, mid wax dumiya iyo mucaarad wax dhisa oo saxa maamulka markaas jira, dhaliilahana farta ugu fiiqa si wax looga qabto, dagaal ficil ah kuma dhaqaaqaan ee dagaal af ah ayay adeegsadaan mucaaradka fiicani, dabadeedna miiska wadahadalka ayay soo fariistaan iyagoo ay jeebka kore ugu jirto inay u tanaasulaan wax walba oo danaha ummaddu ku jirto.
maamulka hadda jira adinkaa doortay, nabadda ay bulshadu haysato iyo hal sano oo berriba dhamaanaysa inaad is bar-bardhigtaan ma sheegayso mucaaradnimada fiicani, haddii mucaaradnimadiinu ay tahay tii wanaagsanayd ee wax sixidda ha fiirinina halka sano ee fiiriya ammaanka Puntland iyo isku duubnida ummadda, mucaarad shacabkiisa jeceli sannad ma eego ee wuxuu eegaa danta guud iyo ummadda daneheeda.
Shacabka.
Shacabow adiga maxay tahay dantaadu?, ma niman xukun isku haystaa mise waa nabad aad heshay?, jawaabtu waa midda dambe, haddaba see baad ku heli kartaan?, waxaad ku hali kartaan idinkoo gacmaha isqabsada una istaaga nabadda oo aan lakala safan mucaarad iyo muxaafid toona, maxaa yeelay kursigu waa hal, hal qof baana ku fariisanaya, laakiin nabaddu waa wax dhammaan dadka wada deeqda oo wada gaarta, iyada difaacda ee ha difaacina nin aad qabiil isku raacdaan, ogaadana haddii puntland xabbad dhexdeeda ah ay qaraxdo in ay ka faa’iidaysanayaan in badan oo ulo booca ugu soo tukubaysay, wada jirka iyo isku duubnida ilaaliya, hal sano idinma deeqdee nabaddaa idin deeqda, weliba waxaad awooddaan inaad miis isugu keentaan kuwa is haysta maxaa yeelay awooddu waa bulshada, waa inaad isku soo jiidaan madaxdiinna muranka yari dhex galay.
Issimada.
waxaad tihiin madaxda ugu sarraysa ee puntland, waxaa tihiin tiirarka ugu adag ee lama dhaqaajiyaanka ah, adinkaa dhisay markii hore idinkaana kor ka ilaalinaya, waxaa tihiin salka ay ku fadhido puntland iyo marjaca kama dambaysta ah ee xallinta khilaafyada.
Amarkiinu waa socon jiray nin diidi karaana ma jirin, waxaa loo baahan yahay inaad isugu yeertaan mucaaradka iyo dawladda oo aad wada hadalsiisaan waddo cadna kala marsiisaan, maxaa yeelay adinkaa ah maxkamadii ugu sarraysay ee ummadda, haddii uusan qalinkuunnu shaqaynayn, shacabka wel-welkiisa yaa wax qabanaya, ummaddu idinkay idinku hurudaa ee qaata kaalintiina shariifka ah ee la idiinka bartay.
Ugu dambayn talo.
Waxaan ku talinayaa in la helo koox aan xukun doon ahayn oo dalka iyo dibadaba isaga timaadda ujeedkooduna yahay (islaax beyna naas) oo u kala dabqaada dawladda iyo mucaaradka, kooxdaasi waa inay ahaadaan kuwo ay daacad ka tahay arrinta ay u istaageen ee ah bad-baadinta puntland, ogaada puntland soomaalida inteeda kale qiime weyn bay ugu fadhidaa.
Anigoo ah Xasan Bulxan Cali waxaan kusoo gunaanadayaa baaqayga gabay la yiraahdo Nabad iyo Colaad, gabaygan markaan tirinayay waxaan joogay puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, gobolada dagaaladu ka socdeen waqtigaas ayaan kula hadlayay, wuxuuna gabaygu si cad u kala qeexayaa laba calaamadood oo ay kala leeyihiin nabadda iyo colaaddu, labadaas calaamadood midna beni aadamku waa jecel yahay midna waa neceb yahay.
Gabaygiina waa kane dhagaysi wacan.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Email: bulxan105@hotmail.com








