Xasan Shire Shiikh “Markii hore ayaa Dacwdaan Madaxeedii Majjo loo rogey marka waxaa ku talinayaa

”Dowladda Federaalka waxay dooneysaa in uu Shaarkeeda uu u Caddaado, Hayada ku lugta leh Dacwdaan waxay Dooneysaa in ay Nadiif ka noqoto Kiiskaan, halka Booliiskuna uu doonayo in isna Shaarkiisa u Caddaado, marka waxaa meesha ku dhibaateysan waa”

 

Waxaa maanta oo Talaado ah Taariikhduna ay tahay 5-ta  Bisha February waxaa Maxakamada la horkeeni Doonaa Warye Cabdicasiis Koronto iyo Afar Xubnood oo la xiran kuwaas oo lagu haysto Fal Kufsi ah oo been abuur lagu Tilmaamey  hase yeehee waxay ku doodayaan dadkaan in aysan wax been abuur ah sameynin ee ay u Xirana yihiin si Cadaalodaro ah.

Dacwadaan oo mudooyinkaan ka soctey Maxkamada Sare ayaa waxa Dowladda Federaalka soo wajahaya Cadaadis Caalami ah oo ku aadan Dacwadaan waxaana cadaadiskaan uu ka imaanayaa Qaramada Midoobey , Hayadaha Xaquuqda Aadanaha iyo Warbaahinta Gudaha iyo Dibadda kuwaas oo Codsanaya in Dacwadda ay u dhacdo si Cadaalad ah ,waxayna Dowladda la Codsadeen in faraha kala baxdo Dacwdaasi .

Qareen Madaxbanaan oo diidey Magaciisa loo isticmaalo Saxaafada ayaa wax ka weydiiyey sida uu u arko Dacwdaan oo muddo 25 maalmood ah socotey waxaa uu yiri ”Dowladda Federaalka waxay dooneysaa in uu Shaarkeeda uu u Caddaado, Hayada ku lugta leh dacwdaan waxay dooneysaa in ay Nadiif ka noqoto Kiiskaan, halka Booliiskuna uu doponayo in isna Shaarkiisa u Caddaado, marka waxaa meesha ku dhibaateysan Wariye Cabdicasiis Koronto iyo dadka kale ee Dhibatada ku dhacdey , marka waxaan ku talin lahaa in Dacwadaan loo saaro Guddi Dhex dhexaad ah  oo si dhab ah u soo baara Dacwadaan”

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo ka hadlayey dacwdaan ayaa sheegey in  Cabdicasiis iyo Dadka kale ee la xiran aan dhihi karey in si  deg deg ah loo sii daayo balse waxaa uu sheegey in uu  dhaafi kari Waayey Cadaalada  waxaa  uu sii raaciyey “Meel aan maro ayaan waayey oo ku aadan Dacwdaan marka waxaa rajeynayaa in si wanaagsan ay ku dhamaato Dacwadaan oo mudada Dheer Soo jiitameysey” , sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Xasan Shiikh oo isna  ku baaqey in Dacwada loo haysto Wariye Cabdicasiis Koronto ay hesho Garsoor Cadaalad ah .

Xasan Shire Shiikh oo ka mid Difaacayayasha Xaquuqda aadanaha oo ka hadlayey Dacwadaan ayaa yiri  “Bilowgii Dacwdaan ayaa Madaxeedii Majo loo rogey marka waxaa u soo jeedinayaa in dacwadda loo haysto Wariye Cabdicasiis Koronto iyo dhibanayaasha kale ee la xiran in ay helaan Garsoor Cadaalad ah,anagana  waxaa dacwada noo dhageysanaya ama fadhiya dad ka tirsan Difaacayaasha Xaquuqda aadanaha “

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Maxamuud Faarax Ducaale says:

    Ninka odaga ahe Xasan Shire Shiikhow waxaan kuu sheegayaa in aadan waxba sheegin balse ad damacday inaad wax sheegto.Sababtu waxaa weeye:marka hore waxaa tiri in ra’iisul wasaaruhu yiri meel an wax ma riyaan waayey.Tan labaad waxaad tiri Madaxweynuhu wuxuu yiri arrinta sharciga ha la waafajiyo,islamar ahaantaas waxaad tiri in dawladda iyo boolisku doonayaan in shaarkoodu u cadyahay.Waxaa marka iga suaal ah:yaa haysta raga oo ay u xiranyihiin?mrXasanow warka cadde mise waad baqaysaa?




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

kismaayo Dhagayso:-Odayaasha Gal-Mudug oo Kadigay Dagaalo Kadhaca Kismaayo
- Jun 19, 2013
Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka Tirsan Nabadoona Dowlad Gobaleedka Gal-mudug Ahna Gudoomiyaha Gudiga ...
images Dhagayso:-Axmed Madoobe iyo Waftigiisi oo Kenya ku sugan lana Filayo in ay Kismaayo yimadaan Bari
- Jun 19, 2013
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe ayaa kasoo anba Baxay Dalka Itoobiya iyagoo so ...
download (2) Dhagayso:-Al-Shabaab oo Sheegatay Weeraarkii UNDP Muqdisho
- Jun 19, 2013
Xarakadda Al-Shabaab ayaa Shegtay Weeraarkii Maanta lagu qaaday Xarunta Qaramadda Midoobay ee UNDP Sheekh ...
Qaraxa (19) Daawo Sawiro kale oo Dheraad ah Qaraxii Maanta UNDP
- Jun 19, 2013
Saadaal Media waxay idiinso Gudbinaysa sawiro kale oo Dheeri ah oo ku aadan Qaraxii ...
images (2) Dhagayso:-Guddiga kormeerka doorashooyinka Puntland oo Manta lamagacaabay
- Jun 19, 2013
Hayada PDRC ayaa maanta magaalada Garowe kulan wada Tashi ah kula qaadatay uddiga doorashooyinka ...
images (1) Madaxweyne Xasan”Al-Shabaab waxey dhib ku hayaan shacabka mana naga leexin karaan howlaha nabadeynta
- Jun 19, 2013
Muqdisho, 19 June 2013 – Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ...
images Dhagayso:-Wasiirka Wasaarada Haweenka Puntland oo Maanta Garowe kulan kula qadatay Hayado Caalami ah
- Jun 19, 2013
Wasiirada Arimaha qoyska iyo Haweenka Puntland Marwo Xaliimo ayaa maanta Caasimadda Puntland ee Garowe ...
download Dhagayso:-Puntland oo Cambaraysay Weraarkii UNDP ee Muqdisho
- Jun 19, 2013
  Shir Jaraa"id u ku qabtay magaalada Garowe Wasiirka Warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir ...