Shabakada Warbaahinta Saadaal oo digniin u Jeedinaysa Qar kamid ah Website-yada Somalida,
Shabakada Warbaahinta Saadaal Media oo inta badan soo gudbisa Wararka ka hadlaya Xaqiiqda hadii ay tahay dhinaca Codadka iyo Qoraalka ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay si anshaxa Saxaafada ka baxsan Wararka iyo Codadkeeda Copy ugu qaadanayay qaar kamid ah Warbaahinta Somalida.
“Aniga ma doonayo inaan Sharaftiina meel oga dhaco oo halkan idin ku soo daabaco laakiin waxaan idiin sheegayaa dadka qaadanaya Wararka iyo Codadka Saadaal Media inay la socoto, Waxay Saadaal Media ogoshay Xigasho sida qaynuunku yahay iyo in Fasax la waydiisto ka hor inta aadan Bogga aad leedahay kusoo daabicin”
Ceeb ma ah in warbixin aad ka xigato website laakiin waxaa waji gabax ah in lagu tiirsanaado Wararka Saadaal oo in meel waliba oo Saadaalnews kaga qoran tahay laga bixiyo oo lagu qoro magac web kale, Waa ay is garanayaan webyada aan la hadlayo oo qaarkood aan Emailada u diray ma doonayo in aan magacina ku soo qoro webka waayo wa digniin aan idin siinayo.
Ilaalso Sharaftaada iyo Mida Warbaahintaada.
Maamulka Guud ee Saadaalnews.com








