Wixii Xuniba Sharci Qabanaya Jira (Maqaal)
Dhawanahan dhegaha dadka ku dhaqan caalamka ee daneya arimaha Puntland waxaa ku soo dhacayay wararka sheegaya in Puntland ka gudubtay nidaamka qabiliga ah ee horey ugu dhaqmi jirtay,waxaana la sheegay in ay u gudubtay habka xisbiyada badan.
Warbaahinta gudaha dalka ka soo waranta ayaa soo bandhigtay sawiro iyo muuqaalo muujinaya xisbiyo laga hirgaliyay deeganada Puntland,waxaana taasi ay farax galisay ruux kasta oo muddo dheer aan arkin xisbi iyo hanaan dimuqraadiyadeed.
Taasi oo noqon karta Dhabo cusub oo u furantay shacabka iyo dadka rajada ka leh horumarka iyo dhismaha Puntland,sido kale arintani ayaa waxaa ay soo jiidatay soomalida kale,ee ku dhaqan gobolada aan maamulada ka jirin e dalka soomaliya,kuwaasi oo u arka hab ku dayasho mudan.
Akhriste wax kasta oo horumar leh,ogow waxaa ay wataan dhaliilo guud oo qayb ahaan aan la iska indho tiri karin,waxana ka mid dhaliilaha ay soo jeedinayaan kooxaha mucaaradka ah ee ku jira gudaha Puntland,waxaan ka mid ah, Sida loo sameyn karo muddo sanad ah tiro koob bulsho,sida muddo sanad ah dadka looga dhaadhicin lahaa nidamka xisbiyada iyo sida loogu codeeyo habka shaqo hormarineed IWM.
Somaliya waxaa ay muddo dheer ku jirtay habka qabiiliga oo wax lagu soo dooran jiray,waxaana dadka somalida ku yar inta fahansan nidaaam dimuqraadi ah oo wax lagu doorto,iyadoo badankooda wali ay ku jirto qabiilka loo codeynayo iyo sida uu wax u qaban karo,taasi oo jirta ma suurtoobeyso in nidaam xisbi dalkan laga hirgaliyo,
Hadaba Maxaa loo bahan yahay ?
Waxaan is leeyahay in wax la dhiso ayaa ka adag in la dumiyo,waxaan sidaas u leeyahay markii ay socotay qaban-qaabada howshan loo yaqaano U hayaamida Hanaanka xisbiyada ayaa waxaa wafuud ka tirsan kuwa dawlada Puntalnd tageen qaybo fog oo ka mid ah dhulka miyiga ah kuwaasi oo waday sidii ay dadka u gaadhsiin lahaayen nidaamka Xisbiyada.
Dadka loogu tagay qaybo ka mid ah dhulka fog ee puntland ayaa waxaa ay xiligaasi kala hadleen kooxdii waday nidaamka Xisbiyada in ay haysato abaar iyo biyo la’aan baahsan oo ay u baahan yihiin gargaar,Calool gaajeysan Nidaam xisbi iyo siyaasad ma ka jawaabi kartaa? waxay ila tahay Maya.
Hadii ay sidaas tahay miyeeysan ku habooneen in dadka la gaajo tiro oo dawlada ay ka shaqeyso sidii dadkan loogu heli lahaa hab gar’gaar oo beesha caalamka looga dalbo,qaybtoodna waxaa ku dhacay dabeylo dhawaan ka dhacay Dhulka Bariga Fog,waxayna u baahnaayen gargaar balaraan, balse Xubnihii dawlada ayaa u geeyay Xisbiyo iyo Nidaam aanay wax badan ka ogeyn.
Arimaha Shidaalka
Magalada ganacsiga Puntland ee boosaso ayaa waxaa ka jiray maal-mihii ugu danbeyay caro ka dhalatay ka dib markii dawlada joojisay shidaalkii ka imaan jiray dalka yaman,oo dawlada ay ku muujisay sababo aan qancin in badan oo Shaqaalaha,muruq-maalha wadaniga ah aan qancin noloshoodana wax badan ka badashay.
Maalinkii wareegtada lagu joojiyay shidaalkii ka iman jiray dhinaca dalka yaman ayaa waxaa malikii labaad ka dhacay Boosaso dibad bax ay dhigayaan Xamaalatada iyo dadka dabaqadaha dhexe ee iyagu ka shaqeysta gaadiidka iyo shidaalka kuwaasi oo ka cabaneyay dhibaatada ay ku keeni karto joojinta shidaalka.
Inksata oo dawlada Puntland ay sheegtay in ay dadkaasi ahaayen kooxo siyaasadeysan oo diidan xukumada haatan jirta,hadane ka qayb-gale ayaa warbaahinta u sheegay in uu ka shaqeysto gaadiidka dadweynaha oo Basaska yar yar ah shaqadiisana saameyn buuxda ay ku yeelatay hakinta shidaalka ka imaan jiray dalka yaman.
Puntland Oo Faah-faahisay Joojinta shidalka
Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali shirre oo lagu tiro raga ugu dhow Ee Madaxweyne faroole ku leeyahay golaha wasiirada ayaa waxaa uu wareysi siiyay radiyaha ku hadla afka dawlada ee ka jira Magalada garowe,waxaana uu sheegay in shidaalka ay u joojiyeen arimo la xiriira canshuuro la is daba-mariyay.
Waxaa uu sidoo kale markii ugu horeysay sheegay in shidaalka loo joojiyay arimo amaan,sida uu sheegay,waxaana taasi mar uu ka hadlayay uu yiri “Sababo amaan ayaan u joojinay shidaalka maxaa yeelay waxaa la ogaaday Hub lagu soo daro shidaalka” hadaba waxaa is weydiin leh dawlada Puntland oo muddo dheer jirtay miyeeysan lahayn ciidamo Ku filan baaritaanada iyo Ogaanshaha waxa ka soo dagaya dakkada Magalada boosaso oo ah midda kaliya ee ka shaqeysa deeganada Puntland.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay wasiirka in ay jiraan canshuuro lala baxsado,falkaasi oo ay sameynayaan kuwa maamula doonyaha shidaalka keena,waxaana uusan si wacan u iftiimin halka canshuurta lagala baxsado Puntland mise yaman,arimahani oo dhan ayaa kuwo laga dareemi karo habka aysan u jirin dabacsanaan maamulka u leeyahay shacabkiisa,maamulna waxaa uu meel ku gaadhaa u dabacsanaanta shacabkiisa.
Gunaanad
Magalada Boosaso waa xarunta ganacsiga Puntland waxaana ka soo baxa dhaqaalaha ugu badan ee dawlada Puntland ku shaqeyso sidoo kale waa isha kaliya ee ganacsiga Puntland,waxaana lagu tilmaama la’aanteed in ay puntland noqon lahayd meel ku tiirsanaata gobolo kale.
Boosaso waa meesha kaliya ee gaadiidka ugu badan ee ka yimaaden gobolada kale ee somaliya tagaan,sababtoo ah waxa ay ka soo qaadan qalab kala duwan raashin,iyo wixii la hal maala,waxaana la oran karaa waxaa ay quudisaa hoyna u tahay dadka barakacayaasha ah ee ugu badan ku dhaqan Puntland.
Waxaan dareensanhay in dhaqalaha canshuurta ee ka soo baxa boosaso,lagu qabto hawlo aysan mudneen,waxaan taas ku iri inyar bal jaleec sawirkan,waa wadada isku xirta Magalada ganacsiga Puntland ee boosaso iyo deeganda Kale ee somaliya.
Buundadan waxa ay ku taal duleedka magalada boosaso,waxaana ay u baahan tahay in dib u dhis lagu sameyo,burburka ka muuqda ayaa wasxaa uu yahay mid ka dhashay dayac xoogan oo ku dhacay iyo in aysan helin muddo dheer wax daryeel ah,ku darsoo madaxda dawlada Puntland ayaa ku safra mar walba iyadoo sidan u jaban,taasi oo ku tusin karta hamiga qofka siyaasiga ah in uusan ahayn Dhismo wadan iyo Horumarin bulsho.
Ugu danbeytiina Qormadan oo ay igu dhalisay markii aan arkay arimaha is-weydaarasan ee dhulka puntland ka jira ayaan is iri sixid samee,maadama wixii xuniba ay sharci qabanaya leeyihiin,hadana aysan suurta galeyn hadii qolyaha sharciga haya ee dalka hogaamiya dan weyn ka lahayn in ay saxaan
Qore:MOhamed Keenadiid
Fikirka Wuxuu gaar U Yahay qoraaga
Fikirka Wuxuu gaar U Yahay qoraaga








