Dhagayso:- War deg deg Qaar kamid ah Ragii ka danbeeyay dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo Laasacaanood lagu qabtay
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool Maamulka Soomaaliland ayaa Tibaaxaya halkaasi in lagu qabtay qaar kamid ah Ragii ka danbeeyay dilkii Allaha u naxariistee Marxuum Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo maalmo yar ka hor lagu dilay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.
Taliyaha CID ee Magaalada Laasaacood Cali Jaamac Aadan oo la hadlay Warbaahinta Caawa 17/Feb/2013 ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen rag ka tirsan kuwii dilay Sheekha. wuxuna sheegay mid kamid ah Raga lasoo qabtay inuu qirtay inuu gacan kulahaa dilkaasi sida uu sheegay Taliyaha.
Dhanka kale wuxuu sheegay Taliyaha CID inay gacanta kusoo dhigeen dad kale oo lala xiriirinayo inay gacan saar la leeyihiin Kooxda Al-shabaab.
Waxaa Waraystay Maxamed C/laahi
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








