Dhagayso:- Shir Jaraa’di oo Magaalada Jig-jiga ku Qabteen Guddomiye Jawari iyo Madaxwaynaha DDSI C-M-C
Shir Jaraaid oo Maanta Saxaafadda ugu qabteen Magaalada Jigjiga Madaxwaynaha Dowladd deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad, kadib Safar uu Maanta ku gaaray Magaalada Jig-jiga Wafdi balaaran oo hor kacayay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Ugu horayn ayaa waxaa shirka Jaraa’id ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuna ku amaanay dowladda deegaanka Somalida Itoobiya soo dhawaynta ay u sameeyeen Wafdigii uu horkaacayay wuxuna Tibaaxay Mr Jawaari inay wax badan oo ugu Muhiimsantahay Habka Federaalka ay ka Faa’iidsaysan doonaan inta ay Joogaan Jigjiga Madaxda deegaanka Somalida.
Sidoo kale waxaa isna Shirka Jaraa’id ka hadlay Madaxwaynaha Dowladda deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cuamr, wuxuna kusoo dhaweeyay Wafdiga Magaalada Jigjiga ee deegaanka Somalida, wuxuna ku amaanay sida wanaagsan ee ay usoo booqdeen deegaanka Somalida.
Dhanka kale waxa isna Shirka jaraa’id ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa uga mahad celiyay Madaxda Kilil-ka Shanaad sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen Wafdigooda.
Hoos ka dhagayso
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.









Jawaahiri iyo waftida wey mahadsanyihiin soo dhawada ayaan leenahay weyna mahadsanyihiin markale
madaxwenahanaga cabdi.m.cumar aad ayaan usoo dhaweyneynaa talaabada fiican ee uu qaaday sidaa darteed waan soo dhaweyneynaa waana tuseynaa qaabka nolosha bulshadaanada iyo habka dawladnimo ee deegaankaanaga kajira iyo walibana sida ku dayashada wanaagsan ee aabo cabdi.,m., cumar umadiisa uu ugu adeegayo marka soo dhawaada somali oo dhana waan so dhaweyneynaa sidii hada kahorba aan ardaydii somaliland iyo puntland kasocotay ee aan jaamacad ugu deeqnay (deeq waxbarasho) marka soo dhawaada
war cabdi maxamed cumar maxaa ka qaldan
kulahaa afhayeenka dawlada somalia maxamed cismaan jawaari
sidaa ma,ahan waxaa sax ha afhayeenka baarlamaanka DFS sidaa weeye cabdaw
[...] Halkan Riix si aad u dhagaysato Shirkii Jaraa’id ee Jawaari iyo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cuma… [...]