Dowladda Federaalka oo Qaadey Talaabo soo Dhaweyn Leh ka dib markii Gaashaan u Duruurtey in Ciidamo Kenyaan ah oo Huwan Magaca Amisom ay ka Howgalaan Xeebaha Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Qaadey Talaabo soo Dhaweyn Leh ka dib markii Gaashaan u Duruurtey in Ciidamo Kenyaan ah oo Huwan Magaca Amisom  ay ka Howgalaan Xeebaha Soomaaliya

Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey oo Talaabad ay qaadey Dowlada Federaalka ku tilmaamey mid Niyad jab ah

Maanta oo Muqdisho laga Xusey Sannad Guuradaq 51 aad ee Ciidamada Bada Xili Badda Soomaaliya ay iska Maamulanayaan Ciidamo Shisheeye

Dowlada Federaalka oo ka qayb galeysa Shir ka Furmaya Adis Abab looga hadlayo Sharciyada Badda iyadoo la Og yahay in Itoobiya aysan lahayn Badda

Dowlada Kenya oo Muddooyinkaan dambe ku Howlaneyd  sidii Ciidamadeeda Badda ay uga Howlgeli lahaayeen Xeebaha Soomaaliyaa  waxaana Qorshaha Dowlada Kenya ay hordhigtey Qaramada Midoobey,hase yeeshee waxaa Qorshahaan  si weyn uga Carootey Dowladda Federaalka oo Gaashaanka u Daruurtey in Ciidamada Kenya ka Howlgalaan Xeebaha Soomaaliya iyagoo Huwan Magaca Ciidamada Amisom

Wasiiradda Arrimaha Dibada ahna Raiisul Wasaare ku Xigeen Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka soo horjeesatey Qorshaha la dooneyo in Ciidamo ka tirsan kuwa  Kenya oo huwan Magaca Amisom ay ka Howlgalaan Xeebaha Soomaaliya  , Wasiirada ayaa sheegtey in aysan marnaba ogolaa doonin in Ciidamo Amisom laga HowlgeliyoXeebaha Soomaaliya.

Fowsiya Yuusuf Xaaji

“Ma jiraan Sababo Xiligaan Khasbaya in Ciidamo Amisom ah ka howgalaan Xeebaha Soomaaliya kaasoo ka ku aadan dhinaca Amaanka iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka sidaa darteed  qorshahaasi Dowlada Fedreaalka marnaba ma ogolaan doonto , waana  Qorshe aan dhehi karo waa laga maarmi kara, waxaa Haboon haddi la doonayo in la sugu amaanka Badda Soomaaliya dib loo dhiso Ciidanka Badda Soomaaliyeed kuwaas oo ku filaan kara dhinaca Amaanka ” ayey tiri Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ka howlgala Ciidamo reer Galbeed ah kuwaa oo markii hore ku yimaadey in in ay  Xeebaha Soomaaliya ka Ilaalin doonaan waxay ugu yeereen Burcad badeed , balse gadaal laga ogaadey in ay Ciidamadaasi ku sugan Xeebaha Soomaaliya ay la baxaan Kharaadka ku jira Badda Soomaaliya iyo iyadoo weliba ku Aasa Sunta Nuyukleerka, waxayna dadka soomaaliyeed badankooda ay qabaan qarashka ku baxa Ciidamadaas haddi loo weecin lahaa Ciidamada Badda Soomaaliya ay wax badan ka qaban lahaayeen Bucad Badeedka.

Dowladda Kenya ayaa si weyn uga Carootey markii Dowlada Fedraalka ay Gaashaan u daruurtay Qorshe ay Dowlada Kenya ku dooneysey in Xeebaha Soomaaliya ka Howgalaan Ciidamada Badda Kenya oo Huwan Magaca Amisom , waxayna Dowladda Kenya ay sheegtey in ay aad uga Niyad jabtey Ishortaaga ay Dowlada Federaalka ay ku joojisey in Ciidamada Badda Kenya ay ka Howlgalaan Xeebaha Soomaaliya.

Safiirka Kenya

Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ishortaaga ay Dowlada Fedraalka ku sameysay Qaraar Qaramada Midoobey ay  ku dooneysey in Xeebaha Soomaaliya laga howgeliyo Ciidamo Amisom ah isagoo sheegey in Go’aanka ay Dowlada Federaalka ay qaatey uu yahay mid wax u dhmaya sidii looga hortagi lahaa Burcad badeedka iyo la Dagaalanka  Xarakada Alshabaab  isagoo  sheegey in Dowlada Federaalka ay ahayd in ay  ogolaato qorshahaasi oo uu sheegey in uu ku Kacayo Toban Milyan oo Doolar.

“ Dowlada Soomaaliya Awood uma laha in ay iska dhiciso Kooxaha Burcad Badeedka iyo Al Shabaab ee ka qaraabta Badda iyo Beriga, waxaana loo baahn yahay in Dowlada Federaalka ay dib isagu laabto oo ka fekerto sdii uu u meel mari lahaa Qorsha ah in Ciidamo Kenyaan ah oo Huwan Magaca Amisom ay ka howlgalaan Xeebaha Soomaaliya “ayuu yiri Safiirka oo sheegey in aysna marnab ka daali doonin sidii uu u hirgeli lahaa Qorshahaasi.

Maanta waxaa Magaalada Muqdisho laga Xusey Sannad Guurada 51 ee Aas Aaska Ciidamada Bada Soomaliyeed  , waxaana Xafladaasi ka qayb galey Madax ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral faarax Qare,waxayna dhaamntood sheegeen in baahi weyn loo qabo sdii dib loogu soo nooleyn lahaa Ciidamaddi Bada Soomaaliya ,

Addmiraalka ayaa ka war bixiyay Duruufaha ay ku sugan yihiin Ciidankaas isagoona xusay in Ciidanka badda Soomaaliyeed waagii hore uu ka mid ahaa Ciidamada ugu awoodda badan Qaaradda Afrika haatanse ay la degeen dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay.
Admiraal Qare ayaa sheegay in Ciidanku maanta Niyada ahaan uu jiro balse aysan haysan qalabkii ay ku shaqayn lahaayeen isagoona ka codsaday Dawladda Federaalka Soomaaliya in Ciidamada Badda Soomaaliyeed dib loo qalabeeyo.

Admiral Faarax Qarre

Waxayna Sannad Guuradaan ku soo beegantey Xilli Badda Soomaaliya ay iska Maamulanayaan Ciidamo         Shisheeye kuwaas oo Baddada ka wada Xaalufin iyo in ay  Badda ku Aasaan Sun Halis ah. Sidoo kale waxay Sannad Guuradaan ay ku soo beegantey Xili Boob lagu hayo Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliya oo Dhulka qaar ay Dhisanyaan Dowlado Shisheeye si ay uga dhigtaan Safaarado.

Ciidamada Badda ee

Dhinaca kale Waxaa la filayaan in Magaalada Adis-Ababa dhawaan lagu qabto kulan balaaran oo la sheegey in looga hadli doono Arrimaha Badaha , waxaana ka qaygeli doono Dowlado fara badan iyo Hayado Caalami ah ,Waxaa  la filayaa in Shirkaas Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka qayb gasho hase yeeshee waxaa is weydiin mudan halka lagu qabanyo shirkaas  ee Magaalada  Adis Ababa oo  la og yahay in dalkaasi uusan lahayn Wax Bad ah waxaana shirkaasi la sheegey in sidoo kale looga hadli doono Sharciyo la xiriira dhinaca  Badda ,waxayna Dadka qaar ay sheegeen  in shirkaasi ay wax badan ku hoos Duugan yihiin .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Sequence-06.Still007 Dhagayso+Sawiro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Maanta Muqdisho Odayaal Dhaqmeed Kulan kula qaatay
- Jun 18, 2013
Kulanka uu wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed la qaatay ...
2 (2) Dhagayso+Sawiro MCH Cusub oo maanta laga Furay Caabudwaaq
- Jun 18, 2013
Waa munaasibad maanta lagu furayay MCH-cusub Kaasi oo Loogu magacdaray Mid kamid ah xafadaha Magaaladda ...
images Dhagayso +Warbixin :-Dhaawacii Coll Yaasin Radeer Kadib Caawa waa Side Kismaayo
- Jun 18, 2013
  Kadib markii maanta ay Dhawaceen Maleshiyaad Hubaysan oo isbaaro Dhigtay Gudaha magaalada Kisamaayo Coll ...
IMG_429011-300x200 Dhagayso:-Dhamaan Khudbadihii laga Jediyeey Shirweynihii Dib u Habaynta Waxbarashada Dalka soomaliya
- Jun 18, 2013
  Warbaahinta Caalamiga ah ee Saadaal Media waxay Idiinso gudbinaysa Dhamaan Khudbadihii laga Jediyeey shirweynihii ...
muqdisho_4 Dhageyso:- Kulan looga arinsanayay amaanka Gobalka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay
- Jun 18, 2013
Kulan looga hadlayay amaanka gobalka Banaadir ayaa maanta wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ...
Baladweyne-300x199 Dhageyso:- Maxaa dhacay maanta oo kale 2009-kii
- Jun 18, 2013
18-kii June maanta oo kale sanadii 2009-kii ayay ahayd markii weerar ismiidaamin ah Al-Shabaab ...
breaking_news--300x159 DEG DEG:- Madaxda Jubaland iyo Ethiopia oo ku kulmaya magaalada Addis Ababa
- Jun 18, 2013
Magaalada Adis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia waxaa  ka socda kulamo u dhaxeeya madaxda ...
1_59 Dhageyso:- Suldaan Deeq Macalin “Jubaland waxaa ka danbaysa Kenya oo doonayso inay qabsato Soomaaliya”
- Jun 18, 2013
Suldaan Deeq Suldaan Macalin Sanbul oo ka mid ahaa hogaamiyaashii ururkii NFD ee u ...