Dhagayso+Sawiro:- Wafdigii Prof Jawaari oo Caawa Xaflad Sagootin ah loogu sameeyay Magaalada Jig-jiga
Waxaa Caawa loogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Jig-jiga ee dowladda deegaanka Somalida dalka Itoobiya xaflad sagootin ah Wafdigii ka socday Dowladda Soomaaliya ee horkacayay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Maalmihii ugu danbeeyay safaro ku marayay Ismaamulka Somalida Itoobiya.
Xaflad balaaran oo soo qaban qaabiyeen Madaxda deegaanka Somalida oo horkacayay Madaxwaynaha Kilil5-aad Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Jig-jiga, waxaana kasoo qayb galay Masuuliyiintii ka socday DFS iyo Madaxda ugu saraysa deegaanka Somalida Itoobiya.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo isagoo ku sugan Magaalada Jigjiga gaar ahan halka ay ka socotay Munaasibada Sogootinta la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in Caawa loo sameeyay Xaflad sagootin ah, wuxuna tilmaamay dib inay Faah faahin kasoo sheegi doonaan, iminkase ay ku mashquulsanyihiin Munaasibada loo sameeyay.
Madaxweyne Ku Xigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan oo isna hadlay ayaa ugu Hambalyeeyay Umadda Somaaliyeed sida wanaagsan ee ugu howlanyihiin soo celinta Karaamadii umadda Soomaaliyeed lahayd, wuxuuna ku bogaadiyay Madaxda Soomaalida inay horay u socdaan si mar kale Soomaaliya cagaheeda iskugu taagto.
Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa ku wehelinaya Safarkiisa Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Masuuliyiinta Safaarada Soomaalida ay ku leedahay Itoobiya iyo sidoo kale Safiirka Itoobiya u fadhiya Magaalada Muqdisho.
Intii ay ku sugnaayeen Magaalada Jigjiga Wafdagani ayaa soo kormeeray goobaha Muhimka ah ee Magaalada Jig-jiga sida Jaamacadda Jigjiga Universaty iyo sidoo kale Isbitalka Wayn ee loogu Magac daray Ra’iisul Wasaarihii hore geeriyooday ee Itoobiya Mudane Males Zenawi iyo qaar kamid ah goobaha Waxbarashada ee ku yaala Magaalada Jigjiga.
Ujeedka ugu Muhiimsan ee Wafdiga Guddoomiyaha uu horkacayo ayaa lagu sheegay sidii Soomaaliya maadaama ay qaadatay Nidaamka Federaalka ah dowladda Itoobiyana mudo dheer ku shaqaynayasay ay oga kororsan lahaayeen Khibradooda ku aadan Federaalka iyo Faa’iidooyinka uu leeyahay.
W/Q/ Axmednuur
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Dhinaca Sawirada Mahad Gaar ah Wariye Mahad Cali Jig-jiga















