Dhagayso:- Madaxwaynaha Kilil-5 “Waxaan rabaa inaan halkaan ka Cadeeyo Ethiopia Cusub inaysan ahayn tii Somaliya Cadowga ku ahayd”

Madaxwaynaha Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kula hadlayay Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya oo hor kacayay Guddoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  Xarunta Madaxtooyada deegaanka Somaliya ayaa ka hadlay arimo dhowra oo ku saabsan Federaalka iyo Nidaamkii ay horay ugu dhaqmi jireen Xukuumaddihii hore ee Maamuli jiray dalka Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hoosta ka xariiqay Ethiopia cusub inaysan ahayn tii Cadowga ku ahayd Somaaliya ee ay tahay mid hiil iyo hooba la garab taaga sidi Soomaaliya markale Cagaheeda iskugu taagi lahayd.

Wuxuu cadeeyay Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar dowladda Ethiopia mar walba inay diyaar la tahay sidii Soomaaliya u heli lahayd nabad waarta, wuxuna dhanka kale Tilmaamay Nabad ka dhalata Soomaaliya inay lamid tahay mid ka dhalata dalka Itoobiya.

Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka degaanka Soomaalida Itoobiya oo isna hadlay ayaa sheegay halgan dheer inay usoo gashay Ethiopia Cusub sidii ay Qowmiyad walba ku heli lahayd Xaqeeda, wuxuna tilmaamay Ethiopia inay tahay dowladda ku dhisay Nidaamka Federaalka ah, kaasoo ay Qowmiyad walba iyadu Maamulato dhulkeda.

Hoos ka dhagayso Cabdi Maxamuud Cumar oo arimahaasi ka hadlaya

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Ama ku dhagayso Mobile


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Cabdullahi Gurato says:

    Mudane Madaxweyne, Harar sidii loo qabsaday 1887, bulshada waa loo diiday nabad, horumar iyo madax-bannaani. waxaana loogu daray in xero ciidan oo Soomaaliya looga duulo laga dhigtay dhulkoodii.

    1891 Itoobiya waxaay qabsatay Jigjiga ilaa Hargeysa. 1895 Ogadenya dhammaan. 1898 waxaay qabsatay Shabeellada dhexe. Shabeelada hoose,Bay, Luuq iyo Balad weyne. 1935-6, Walwaal iyo Baladweyne.

    1954, Hawd. 1964 Luuq laa Wajaale ayeey soo weerartay. 1982 Balanbal iyo Galdogob ayeey qabsatay Jabhadii hubaysnaana waa taageertay. 1991 dowladdii Soomaaliyeed ayeey dumisay. 1996-1998 waxaay haysatay qaybo ka mid ah Gedo, Bakool, Bay, Hiiraan.

    2006, Muqdisho ayeey qabsatay. Hadda si sharci-darro ah ayeey Soomaaliya ku joogtaa waxaayna laysaa dad Soomaaliyeed.
    Intaas waxaa dheer, Itoobiya wax la taaban karo oo ay Soomaaliya la qabatay ma jirto.

    Haddaba, maxaay ku kala duwan yihiin Itoobiyadii hore iyo midda cusub haddii mar haddii ay dhulak Soomaalida oo dhan wada haysato?
    Maxaase ugu horan waydeen Soomaalida ha noo gacan-dhaafin madaama nabad la doonayo?

  2. Wali says:

    To cabdulahi guracato
    sxb salaan kadib waxaa la orankaraa wadanka wuxuu soo maray xaalado kala duduwan wax yaabaha dhacay oo dhana waxaa sal u ahaa qabqab layaashii dagaal oogayashii ahaa oo mid walba dan gaar ah lahaa joogi taanka hadana waa mid ay oogu wacantahay cadawga shabaab labaxay oo ethiopia iyo somalia midna aan dan u ahayen hadana waxaa dhalatay dawlad dhab ah oon kumelgar ahey marka hada unbaa sitoosa loo xisaabtami karaa labada dhinacba c,m,c hada waxaan filayaa in uu usoojeestay sidii uu wax ulaqaban lahaa walalihiisa reer somaliya insha alaahna kheyr ayeey noqon sida wacan ee uu umadiisa ugu horseeday horumarka ayaan rajeyneynaa in uu somalina wax ugu taro maxaa yeelay cabdi ,m,c waa hogaamiye argtidheer oo aykago antahay in uu dadka uu kadhashay ee somaliyeed uu u furo bogcusub oo hanaan sinaan iyo cadaalad ah u horseday gayiga aan joogno damaanadna u ah wada noolaansha
    salna u noqondoona horumar iyo ka tashi mustaqbal kooda dhaqan iyo dhaqaalaba marka waan so dhaweyneynaa in uu u soo jeesto arimaha dalka somaliya una istaago lashaqeenta umadiisa asagoo dhinaca fiican ka istaagaya marwalba




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Qaraxa (19) Daawo Sawiro kale oo Dheraad ah Qaraxii Maanta UNDP
- Jun 19, 2013
Saadaal Media waxay idiinso Gudbinaysa sawiro kale oo Dheeri ah oo ku aadan Qaraxii ...
images (2) Dhagayso:-Guddiga kormeerka doorashooyinka Puntland oo Manta lamagacaabay
- Jun 19, 2013
Hayada PDRC ayaa maanta magaalada Garowe kulan wada Tashi ah kula qaadatay uddiga doorashooyinka ...
images (1) Madaxweyne Xasan”Al-Shabaab waxey dhib ku hayaan shacabka mana naga leexin karaan howlaha nabadeynta
- Jun 19, 2013
Muqdisho, 19 June 2013 – Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ...
images Dhagayso:-Wasiirka Wasaarada Haweenka Puntland oo Maanta Garowe kulan kula qadatay Hayado Caalami ah
- Jun 19, 2013
Wasiirada Arimaha qoyska iyo Haweenka Puntland Marwo Xaliimo ayaa maanta Caasimadda Puntland ee Garowe ...
download Dhagayso:-Puntland oo Cambaraysay Weraarkii UNDP ee Muqdisho
- Jun 19, 2013
  Shir Jaraa"id u ku qabtay magaalada Garowe Wasiirka Warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir ...
DSC03160 Daawo Sawirada Boosaaso oo lagu qabtay Kulan kadhan ah Tahriibka
- Jun 19, 2013
Caasimadda Ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa maanta lagu qabtay kulan balaaran kaas oo ay ...
Elman-FC-2 Dhageyso:- Ciyaartoyda Soomaaliya oo guul daro kala kulmay ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika
- Jun 19, 2013
Kooxda Soomaalida ee ka qaybgalaysa ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka socda wadanka ...
ll_3 Dhagayso:-Dadweynaha Boosaaso qarkood oo Biyo La”aan ka Cabanaya
- Jun 19, 2013
Wararka ka imaanaya magaalo Ganacsiga Boosaaso ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xaafadaha magaladaas ...