Dhagayso:- Shir Xasaasi ah oo lagu wado inuu ka furmo Degmada Caabudwaaq
Maamulada degmada Balanbal iyo deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku mashquulsan sidii ay heshiis waara u dhex dhigi lahaayeen Beelo walalo ah oo in muddo ah ay ka dhexeeyeen dagaalo ku salaysan anooyin Qabiil.
Shirar looga hadlayo arimahaasi ayaa ka dhacay Deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana shirarkaasi ka qayb galay Masuuliyiin kasoo jeeda deegaanada Xeraale Ari-cadays Balanbal iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Guddoomiyaha degmada Balanbal Hareeri Xasan bari oo Caawa 20/Feb/2013 la hadlay Saadaal Media ayaa xoosta ka xariiqay inay heshiis dhex dhigi doonaan beelaha walaalaha ee wada daga gobolada dhexe, wuxuna Tilmaamay guddoomiyaha dhawaan inuu ka furmi doono Magaalada Caabudwaaq shir wayne ay yeeshaan beelaha wada daga deeganadaasi.
Hareeri Xasan Bari oo iminka ku sugan Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga galgaduud ayaa sheegay inay kulamo la leeyihiin Odayaasha Degmada Caabudwaaq dhawaana uu halkaasi ka furmi dono Shir looga hadlayo heshiisiinta Beelaha daga Caabudwaaq Balanbal iyo Xeraale.
wuxuna tilmaamay shirkani inuu noqon doono mid nabad waarta dhex dhiga shacabka Degmooyinka Balanbal Xeraale iyo Caabudwaaq, kuwaasoo dagaalo salka ku haya Aanooyin qabiil ay ka dhacen mudooyin badan.
Hareeri ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid qayb ka ah isku soo dhawaanshaha iyo horumarinta deegaannada gobolka.
Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay qayb ka qaadato heshiisiinta beelahaasi, wuxuna sidoo kale Jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Magaalada Caabudwaaq Balanbal iyo Xeraale inay ka qayb qaataan Horumarkashacabkooda iyo sidoo kale nabadaynta shacabka Soomaaliyeed.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








