Dhagayso:- Warfaa Sheekh Aadan “Shirka Kismaayo maaha mid matala Gedo”
Warfaa Sheekh Afhayeenka Dowladda Somaliya ee gobalka Gedo ayaa kasoo Horjeestay shirka 23 Bishan ka furmaya Magaaladda kismaayo ee Xarunta gobalka jubbadda Hoose Isagoo sheegay In Wakhtigan U deg deg kujiro Shirkaas.
Afhayeenka Dowladda Somaliya ee gobalka Gedo ayaa shegay Inay sodhawaynayan inu Furmo shirka maamul u samaynta jubbooyinka Balse u shirka Deg deg u kujiro Loona baahanyahy In Wakhti ku Haboon Ladhiso
Isagoo waraysi gaar ah siinayay Saadaal Media Warfaa Sheekh Aadan Afhayeenka dowladda Soomaaliya ahna madaxa howlgalinta Ciidamadda dowladda ee gobolka Gedo, ayuu sidoo kale sheegay inaysan marnaba ka qayb qaadan doonin shirka ka dhacay Kismaayo.
Warfaa Sheekh Aadan ayaa shegay In Ergayda shirka aysan u dhamayn loona bahaanyahay In la iska Daayo Deg dega Waxa u shegay In loo Bahaanyahay In Gobalada Qaar la Xoreeyo lagana Saaro degaanada al shabaab ay kaga suganyihiin Jubooyinka
“Haa Deg Degbaa Kujira 23 Bisha Ergaydii Diyaar ma ahan Gobaladda Qaarba la Haystaa Kuwii an lahaysan ergydooda Diyar ma aha marka Wakhtiga 23 cidi Tiri shirku furmaya Fashilaad ayaan u Aragna Marka anagu Wakhti ku Haboon yaan anagu rabna in ladhiso Ayuu Yiri Warfaa sheekh Aadan “
Hadalka Warfaa Sheekh Aadan ayaa kusoo Beegmaya Iyadoo 23 Bishan uu Kafurmayo magaaladda Kismaayo shir Balaaran oo Maamulka Jubbaland Lagu samaynayo Gobaladda Jubooyinka Kaas oo ay ka Qayb galayaan Ergoyin Ka kala Timid gobaladda Jubboyinka
Hoos Kadhagayso Waraysiga
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Saadaal Media
Gaalkcyo”Puntland”Somalia








