Dhagayso:- Ra’iisul Wasaare Saacid oo Maanta la Kulmay Wafdi ka socday Maraykanka
Madaxda ugu saraysa dalka aya maanta ku qaabilay Garoonka Muqdisho Wafdi heer kiisu hooseeyo oo ka socday dowladda Maraykanka,
Kadib markii uu Madaxwayne Xasan Sheekh kulan la qaatay Wafdigii uu horkacayay Madaxa Hay’adda USAID dr shalah, ayaa waxaa sidoo kale kulan kale la qaatay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Ra’iisul Wasaare xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warfiyeennada uga warramay kulan uu la qaatay isla madaxa sare ee hay’adda horumarinta Mareykanka ee USAID Dr Shah, waxyaabihii ay isla soo qaadeen ee la xiriirray Teegeerada dowladda Soomaaliya, isagoo uga mahadcelinayaa dowladda Mareykanka dadaalka dheeriga ah ee ay Soomaaliya ku caawineyso.
Kulanka Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda uu la qaatay madaxa USAID waxaa ku goob joog ka ahaa Ra’iisul wasare ku xiggeen ahna wasiirka Arrimaha Dibedda, iyo xubo kale oo Xukuumadda ka tirsan, waxaana intiisa badan diiradda lagu saaray isbadelka Mareykanka uu la yimaaday ee uu ku garab taagan yahay Soomaaliya, waxaana madaxda dowladda oo uu ugu horeeyo madaxweynaha ay ku dadaalayaan sidii looga faa’ideysan lahaa olollaha isbadelka leh ee uu addduunka kula shaqeynayo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.








