Dhagayso:- Shir Jaraa’id oo Kismaayo galabta ku Qabteen Macalin Maxamed iyo Cali Madoobe
Shir Jara’id oo galabta ku qabteen Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Guddoomiyaha gudiga Farsamada Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka Macalin Maxamed iyo Jeneraal Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) ayay kaga hadleen Shirkii Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka oo dib u dhac ku yimid.
Ugu horayn waxaa Shirka Jaraa’id ka hadlay Jeneraal Cali Madoobe wuxuuna sheegay u diyaar garowga Shirka inay u soconayso sidii loogu talagalay, wuxuna intaasi Raaciyay Jeneraalka cilado Farsamo oo kamid tahay imaansho la’aanta Shirka ee Dowladda in dib u dhaca uu keenay.
Guddoomiyaha guddiga Macallin Maxamed Ibraahim ayaa ka sheegay shir jaraa’id in uu shirka dib u dhacay kaddib markii casuumaddii ka soo qeybgalka aysan ka soo jawaabin madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo qorshuhu ahaa in ay shirka furaan.
Macallin Maxamed Ibraahim ma uusan sheegin waqtiga la qaban doono shirka, balse wuxuu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay furto Shirkani, wuxuuna baaqani imaanaya xili Magaalada Muqdisho ay ka soconayaan shirar looga soo horjeedo Shirka Kismaayo ka furmayo, Shirarkani oo soo qaban qaabiyeen Masuuliyiin kasoo jeeda deegaanada Jubbooyinka.
W/D Axmednuur Maxamed
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.










Waa hadal ixtiraam darro iyo jahli aad u weyn ka muuqdo hadalkaani.Waana meel ka dhac qofkii sharciga iyo nidaamka dowladnimada wax ka yaqaannaa uu fahmi karo.
“Madaxda waranka waqti kooban ayaan siinney iney uga soo qeyb galaan”kkk
Maxkamad nin naagtiis ka fasakheysa oo ninkii waqti kooban u qabataan arki jirney ,laakiin qof is qore ah oon laheyn wax sifo sharci ah oo madaxdii qaranka isagu waqti kooban u qabanaya waa arrin xiiso leh!
Dowladda ma aqoonsanin oo si kale loo yiri weeye hadalkaasi. Sababtoo ah adigoon adigu doorasho shacbna kusoo bixin, dowladna ku magacaabin inaad adigii isi siiso awood aad dowladdii waqti ugu qabato waa wax ka geddisan nidaam dowladeed.
Dowladdu iyadaa laga rabaa iney dadka iskugu yeerto oo dhex dhexaadiso oo maamulka kowda hore usameysee iyada cid marti qaadeysaa ma jirto.Iyadaa wax marti qaadeysa.
Wadaad yare Madaxda qarankaad kuwaalatay. Iyagaa ixtiraam u heyn waxii lagu soo doortay.
Su’ aal iiga jawaab. Maamulada dalka ka jira oo la og yahay iney taageero buuxda u hayaan iyo madaxda qaranka yaa horeeyay?.
Sababta in awooda dalka loo qeybshaa umada faa’iidada ku jirtaa waxay tahay in qolo aysan awooda dalka faraha u galin. waxaad jeclaan laheyd in umadda soomaaliyeed masiirkoodu ka taliso qolo ama shaqsi gooniya. waa ku saxsan yihiin inay sharaf dilaan saa iyagaan sharafnimo mudneyn.
Meeqa lahaa imaada oo talada wax ka ogaada oo dadka meeshaa isugu keena. waxaan aaminsanahay in howshii loo fududeeyay, intaa waxii ka badan waa yaan meeshu waxba ka socon.
Liibaan
Haddaad dooneyso in gabar lagugu mehriyo weli ama sheekh kugu mehriya ayaad u baahantahey. Haddaad tiraahdo weli iyo sheekh midna uma baahniye anigaa gabadha isku mehrinaya makuu mehersameysaa?
Sidoo kale dadka dowladda u hanjabaya iyagaa u baahan in marka horeba iyaga dowladdu siiso xilka rasmigaa,maadaama aysan doorasho shacab kusoo bixin.
Nimanka hadlayaa waxey la mid yihiin aniga iyo adiga. Waxba noogama geddisna. Waa fadhi ku dirir dibedaha ka yimid oo u maleeya in qabiil ahaan ay wax ku sameyn karaan!kkkk
Sameeya hadde maxaad la qeylyeysaan?
War wadaaadyare walaaalow dowlada aad sheegeyso waabalasharfaye oo furitaanka shirka iyo xaadirkooda aalyaaaba lasiiyaye dartoodna waaloobaajiyey e maxaadkaloo larabilaheyd? Tankale ee ah yaa ayaga soodoortay war howshaan xasan oo nairobi shaqola’aaan ku ahbaysocotay oo rag asagalamid ah wadeeen markii ladoortay miyey dhahaaan alxasanoow noo idin howsha ? Caqligaas waa caqliga afhayeenka beesha hawiye kudhahay shirka loomadhama raalina kamanihin, xasan ayadii oo suugeysan buuwadaaa ee lasocdo niman kasoodhamaaan la mugadisho looma joojinayo jubana way yeeelan maaamul markaasna muqdisho waykuqasbanaan doontaaan inay jubaland saxiiixeeda la’aantiis aysan caalamka deal kasoosameyn lol
Wadaad yare,
Waxaan ka xumahay inaad iiga jawaabin su’aasheydii. Madax qaran qiimo lahaan mayo intuu ku tumanayo axdiga u yaal Jamhuuriyada Federalka soomaali.
Dawlada awooda u ogolaaneysa maxay tahay oo xil ku siiso shaqsiyaad. Dastuurku ma u ogol yahay in Madaxweyne ama prime minister soo magacaabo gudoomiye gobol.
Dawladan waa loo howl fududeeyay oo shaqadeedii baa laqabtay ka mid ah in oday dhaqameedka meel isugu keenaan,dhulkaa xoreyntiisa iyo dhismaha dastuurka maamul goboleedka.
Waxyaaba aad ku doodeysid waxaa ka mid ah
1) Looma dhama.
2) Ciidanka xoreynta jubada hoose uma dhalan.
3) Kenyaa qabsatay ama itoobiyaa dan leh.
1) Tan hore Cida la leeyahay wey ka maqan tahay halkee jireen intaa soo sano shabaab lala dagaaley. mise Shabaabkey ahaayeen kuwa maqan. waxaan ku xasuusin Taariikhda 1991 ilaa waqtigan la joogo waxaa juba ku dirirayay oo is heystey waa sedex reerood oo isla dhashay waadna la socotaa magacaabina maayo. waxaa ku dhex jirey oo marba mid ka mid ah la socday reer ka mid ah reeraha xamar. waa munaafaqadii yuhuuda ku waday carabtii reer madiino.
2)waxaan la soconaa waaqica jira. Bay iyo Bakool waxaa ka dagaalama waa ciidan Raxanweyn ah. Hiiraana reeraha halkaas ka soo jeeda ugu horeeyaan Xawaadle. Xamar iyo hareeraheeda waan la soconaa.
Ciidankan xoreynta Juba hadaysan sinaba wax ku laheyn maxaa ku qasbay iney beegsadaan deegaankaas oo ey u abaari waayeen Bay iyo Bakool ama Hiiraan ama gobolada dhexe. ama Reer Bay maxaa ey u aadeen Bay oo oga dagaalami waayeen jubooyinka.
3) wadaad yare Kenya waxay la mid tahay Itoobiyada joogta Bay iyo Bakool ama Ugandada Joogta Xamar waxay ku joogtaa mandatekaas oo kale. mise hadaad la timid wixii reer mooryaan looga bartay oo aheyd Itoobiyaa na qabsan iyo caqli xumo aan socon.
Qofku markuu dood la yimaado hadalkiisa waa inuu logic ku saleeyaa hadii kale waxay noqon arin lagu doonayo boob.
liibaan sax hadalkaagu waa sax intii wax garad oodhana wayfahmikaraan
[...] Hadalka Siyaasigan aya kusoo Beegmaya Xili lagu wado isla markaasna lafilayo In shir Maamul logu samaynayo Jubbland uu Kafurmo magaaladda Kismaayo Iyadoo shirkaasna u Dib u dhac u Ku yimid [...]
[...] Hadalka Siyaasigan aya kusoo Beegmaya Xili lagu wado isla markaasna lafilayo In shir Maamul logu samaynayo Jubbland uu Kafurmo magaaladda Kismaayo Iyadoo shirkaasna u Dib u dhac u Ku yimid [...]