Dhagayso:-Baaq Mar Kale Kasoo Baxay Jameecada Al-Ictisaam

Jameecada Wadaadada Al-Ictisaam ayaa Baaq soo saarey maanta 21 February,2013 waxana uu u ku bilowdey sidatan:.

1.Waxaan kacodsanaynaa Dhammaan Culimada iyo Ducaadda Soomaaliyeed inay Joogteeyaan siina laban laabaan wacyi-galinta iyo cadaynta marin habowga Kooxda alshabaab , iyadoo la adeegsanayo nadwooyin ,Muxaadarooyin iyo Khudbooyinka Jimcaha , islamarkaasna dal iyo dibad laysku kashashado sidii looga hortagi lahaa dabar goynta ay kooxda shabaab ku hayso madhaafaanka Soomaaliyeed , kooxdaas oo ah Cadowga dadka ,diinta iyo dalka .

2.Waxan kaloo  kacodsanaynaa imaamyada Soomaaliyeed dal iyo dibadba inay bilaabaan Qunuud lagu habaarayo Kooxdaan dhunsan ee alshabaab , looguna ducaynayo muslimiinta in ilaahay shartiida kadul qaado , intii ay galaafteena ilaahay unaxariisto , arintaan waa arin diinta boos kuleh oo nabigu (SCW) ayaa horay usameeyay kadib markii lalaayay Qurraa dadka Quraanka barayay ,sidoo kalana uducaynayay Muslimiinta lacadaadinayay .

3.Waxaan ugu yeeraynaa Dhammaan ummada Soomaaliyeed inay sameeyaan isu soo baxyo waa wayn oo looga hadlayo sidii loo xallin Mushkilada wayn ee kooxda Al-Shabaab kuhayso Shacabka Soomaaliyeed .

4.Waxaan kacodsanaynaa shacabka Soomaaliyeed meelay Joogaanba , inay usoo gudbiyaan laamaha Amniga cidkasta oo ay ku ogaadaan inay ku lug kuleedhay dilkii shiikha ama khatar ku tahay nabad galyada ummadda .

5.Ugu danbayntii waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed inay si buuxda uga qayb qaataan ololaha looga hartagayo xasuuqa iyo dabar goynta kooxda alshabaab kuhayso dadkeena , qofwalbana waxaa laga doonayaa inuu ololahaas kaga qay galao Cilmigiisa ,Caqligiisa , Khaibradiisa Xoogiisa ,Xoolihiisa iyo Sumcadiisa .

Golaha Fulinta ee Jameecada Al-Ictisaam Bilkitaab wassunah

Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Al-ictisaam :

Shiikh Axmad Cabdisamad Cabdllaahi

 

Hoos Kadhagayso Baaqa Al-ictisaam :

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Ama ku dhagayso Mobile


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

DSC_0557 Dhagayso:-Muqdisho oo laga xusay 50 Guuradii aas aaskii Midowga Africa,iyo Madaxwaynaha oo Khudbad ka jeediyay
- May 23, 2013
Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay munaasabad balaaran oo ...
Dibadbaxa-Muqdisho-374x300 Dhagayso:- Banaanbax Xukuumadda lagu Taageerayay oo Muqdisho ka dhacay.
- May 23, 2013
Banaanbax balaaran oo soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay Fagaaraha ...
RW-Shirdoon-The-New-Deal Dhagayso:- R.W Saacid oo ka hadlay, Mooshinkii Xukuumadda laga keenay, Arinta Kismaayo, Amaanka. dhaqaalaha,
- May 23, 2013
Kulan ay Maanta  ku yeesheen Magaalada Muqdisho Gollaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo shir Guddoominayay ...
Axmed Madoobe Dhagayso:- Sarkaal ka tirsan Raas-kambooni “Madaxwaynaha Jubbaland waa Axmed Madoobe, waxa kale waa Been abur”
- May 23, 2013
Deeq Mahad Cabdinuur oo kamid ah Saraakiisha Raaskambooni hadana sheegay inay ku biireen Ciidanka ...
Baydhabo27 Dhagayso:- Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Baydhabo oo Ansixiyay Miisaaniyada degmada
- May 23, 2013
Maamulka dowladda Hoose ee degmada Baydhabo ayaa markii ugu horeeysay shaaciyay habka loo Maamulayo ...
Dagaal Dhagayso:- Dagaal ay ka qayb qaateen Ciidamadda Kilil5 aad oo ka dhacay Xuduuda Ethiopia la wadaagto Hiiraan.
- May 23, 2013
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Hiiraan Coll Isaaq Cali Cabdulle ayaa faah faahin dheeraad ah ...
dagal1 Dhagayso:- Ciidamo ka socda Siriliyoon oo Taabta gaaray, iyo Mushaaraad la siiyay Ciidamadda dowladda ee Kismaayo ku sugan.
- May 23, 2013
Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala Magaalada kismaayo ayaa lasoo sheegayaa in la ...
Dagaal-Gedo Dhagayso:- Dagaal Culus oo ka dhacay Gobolka Gedo
- May 23, 2013
Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya dagaal u dhexeeya Ciidamadda ...