Jabuuti oo maanta ay ka billaabanayaan Doorashooyinka baarlamaanka
Waxaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay magaalooyinka dalka Jabuuti ka socday olala doorashada oo ay wadeen axsaabta ka qaybgalaya doorashada.
Saaka 7-dii aroornimo ayaa la furay goobaha codbixinta, halkaasoo ay dad badan ku qulqulayaan si ay codadkooda uga dhiibtaan doorashada baarlamaanka.
Ammaanka goobaha doorashada ay ka dhaceyso ayaa aad loo adkeeyay waxanaa la dhigay ciidamo badan.
Doorashadan maanta waxaa dusha kala socda korjoogayaal caalami ah kuwaasoo qiimayn doona qaabka ay ku dhaceyso doorashadda.
Si kastaba, waxaa markii ugu horreysay doorashada maanta ka qaybgalaya kooxaha mucaaradka muddo ka badan 10-sanno.








