Naxariista (Maqaal Xiiso badan)

Magaca cinwaanka maqaalka waxaan ka soo qaatay ereyada الرَّحْمَنِ  iyo  الرَّحِيمِ oo ka mId ah magacyada Alle iskuna asal ah kana soo wada jeeda ereyga الرَّحْمَةَ oo macnaheedu yahay naxariista.

Haddii aan idiin hor mariyo tafsiirka ay culumadu saareen waxay isku raaceen in الرَّحْمَنِ  tahay naxariista guud ee gaal iyo muslim, xoolo iyo dhir ay ifka ku haystaan iyo in الرَّحِيمِ tahay naxariista gaarka ah oo dadka muslimiinta ah aakhiro garka u ah.

Aniguna waxaan lee yahay naxariista Alle waa mid cid kasta gaadha sida ku cad aayaddan

فَإِنْ كَذَّبُوكَ فَقُلْ رَبُّكُمْ ذُو رَحْمَةٍ وَاسِعَةٍ وَلَا يُرَدُّ بَأْسُهُ عَنِ الْقَوْمِ الْمُجْرِمِينَ(147),

Haddii aan macnaheeda si kooban u sheego waa:

Haddii ay ku diidaan in ay ku rumeeyaan waxaad ku dhahdaa in kasta oo Alle naxariistiisa cid waliba ku daansha daanshooto haddana cid cadaabkiisa ka celisa dembiilayaasha ma jirto.

Waxaa aayadda ka muuqata in naxariista Alle ay tahay mid ballaaran oo cid kasta gadha. Midda wax waxay noqdaan labo aan is markii ay kala duwan yihiin marka naxariis waa naxariis ee ma jirto naxariis cad iyo mid madaw ahi.

Aayad kalena waa tan:

وَاكْتُبْ لَنَا فِي هَذِهِ الدُّنْيَا حَسَنَةً وَفِي الْآخِرَةِ إِنَّا هُدْنَا إِلَيْكَ قَالَ عَذَابِي أُصِيبُ بِهِ مَنْ أَشَاءُ وَرَحْمَتِي وَسِعَتْ كُلَّ شَيْءٍ فَسَأَكْتُبُهَا لِلَّذِينَ يَتَّقُونَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَالَّذِينَ هُمْ بِآيَاتِنَا يُؤْمِنُونَ(156).

Macnaheeduna waa sidatan:

Ilaahayaw adiga xaggaaga ayaanu u soo jahaysan nahay ee adduun iyo aakhiraba wanaag nagu sii, markaas ayuu Alle dhahay waxaan cadaabayaa ruuxii aan doono, naxariistayduna waxay wada saamaysaa dhammaan wax kasta oo jira, waxaana u waajibinayaa ruux kasta oo Alle ka dhawrsada, sakadana bixiya iyo kuwa aayadahayga rumaysan.

Marka la iskuma hayo in naxariista Alle ay hal tahay cid kastana gaadha laakiin hal nooc ma aha. Sida la wada ogsoon yahay markii uu Alle noo abuurtay in aynu caabudno وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ(56)  ayuu noo sameeyey cimri aynu ku caabudno هُوَ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ طِينٍ ثُمَّ قَضَى أَجَلًا وَأَجَلٌ مُسَمًّى عِنْدَهُ ثُمَّ أَنْتُمْ تَمْتَرُونَ(2)  markaas ayuu haddana noo sameeyey wixii aynu ku gaadhi lahayn cimrigaas si aynu u caabudno. Sidaas darteed waa dadka waxaa loo nicmeeyey ama naxariistay ee ma aha dhirta, xoolaha iyo waxyaabaha aan noolayn.

Haddaba waxaa la moodaa in uusan dadka isku si u garan waxa loo yaqaan naxariista ama الرَّحْمَةَ oo ah wax alla wixii khayr ah ee qofka Alle siiyo if iyo aakhiraba. Waana tii ay aayad kale lahayd

وَقِهِمُ السَّيِّئَاتِ وَمَنْ تَقِ السَّيِّئَاتِ يَوْمَئِذٍ فَقَدْ رَحِمْتَهُ وَذَلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ(9).ghaafir

Macnaha aayaddu waa:

Kana badbaadi cadaabta ka tolma dembiyada ifka lagu gelayo ruuxii aad maalinka qiyaame cadaab ka badbaadiso waa ruux aad u naxariisatay, waana taas guusha weyni.

Aayaddan iyo labada ka horreeyaba malaa’igta ayaa dadka uga baryeysa Alle in uu naga badbaadiyo cadaabka ka toma dembiyada aan galno. Marka naxariistu waa badbaadinta qofka laga badbaadiyo dhibaatooyinka ifka iyo kuwa aakhiraba.

Haddii aan soo qaato aayadaha Alle uga hadlay naxariisaha uu dadka siiyey aad ayay u tiro badan yihiin, duunyo iyo dhirto kuma jiraan. Haddii ay jirtana Alle si ay isaga iyo abuurkiisu isu garan karaan ayuu wax ugu sheegay dhirta iyo xoolaha laakiin si uu adamigu garan karo Alle wax uguma sheegin.

  • waxaa rajo ka qabi kara naxariista Alle kuwa Alle dartiis u soo qaxay una jahaaday  [Al-Baqarah 218]
  • kuwa faraxsan maalinka abaal marinta ee wejigoodu ifayo naxariista Alle ayay haystaan  ama Janno [Aala Cimraan 107]
  • wuxuu Alle dejin doonaa naxariistiisa kuwa rumeeyey ee diintiisa qabsada [An-Nisaa 175].
  • Roobku naxariista ayuu ka mid yahay [Al-Acraaf 57].
  • Waxaa kale oo naxariisa ka mid ah in uu noo sameeyo habeen iyo maalin [Qisas 73]
  • Roobka iyo doonyaha badaha isaga gooshno ee aynu ku ganacsanayno waa naxariista [Ruum 46].
  • Jannadu waxay ka mid tahay naxariista Alle [Jaathiyah 30].

Waxay Quraanka ku soo noqnoqotaa ereyga الرَّحْمَةَ iyo ereyada ka dillaaca 339 jeer dhammaanna waxay ku saabsan yihiin naxariis dadka Alle u fidinayo.

Haddaba haddii aan intaas ku dhaafo macnaynta الرَّحْمَةَ ama naxariista waxaan u laabanayaa labada erey الرَّحْمَنِ  iyo الرَّحِيمِ oo sida aan horay u soo sheegay ay culumadu isku raaceen in ay tahay naxariista guud oo ifka abuurka oo dhammi helo iyo naxariista gaar ahaaneed oo aakhiro mu’miniinta u gaar ah. Ereyga الرَّحْمَنِ wuxuu soo noqnoqdaa 45 jeer markii aan ka reebo bisinka suuradaha dhammaanna si cad ayuu macnahiisa looga fahmayaa in Ilaah loola jeedo.

Sidaas darteed in aan الرَّحْمَنِ ku macneeyo Ilaah ama Allaah wax dembi ah ma laha, marka bisinka markii la macnaynayo waxaan ka dhigi karaa.

Waxaa ku bilaabayaa magaca Allaha Raxmaanka ah ee aan laga naxariista badnayn. Ereyga الرَّحْمَنِ qof kuma magacaabi kartid laakiin waa la dhihi karaa qofkaasi waa qof الرَّحِيمِ ah, taas oo loola jeedo waa qof naxariis bdan.

Waxay naxariistu naxariis u tahay ciddii tamadinaysa ee garan karta kuna rayn raynaysa, laakiin wax aan kala garan karin naxariis iyo naxariis la’aan, naxariisi waxba uguma fadhido umana baana, sidaas darteed hal aayad oo Ilaah lee yahay xoolaha iyo dhirta waan u naxariistay ma jirto. Xoolaha iyo dhirta annaga ayaa naloogu naxariistay.

Waxaa kale oo muuqata in dadku isku qaladayaan naxariista iyo sunnada Alle wax u jaan gooyey. Waxaa sunnada Alle ka mid ah in ruuxii wanaagsan uu if iyo aakhiraba ugu naxariisto oo cadaab ka ilaaliyo kii xunna uu if iyo aakhiraba cadaabo. Ruuxii uu Alle ifka ugu naxariisto ayuu aakhirana ugu naxariisanayaa ee ma aha aakhiro meel naxariis aadan horay ifka ugu soo shaqaysan lagugu siinayo, naxariistii ifkana aad ifka uga soo tagayso ma aha. Naxariista jannada waa middii ifka lagu soo shaqaystay ee ma aha mid hor leh oo aakhiro loo hawl gelayo.

 

GUNAANAD

Naxariistu waxay u gaar tahay dadka in qofka wanaagsan la janneeyo kan xunna la cadaabo waa sunnada Alle uu adduunka ku dhaqo.

Quraanka inta meelood ee الرَّحْمَنِ uga jirto macnaheedu waa Alle.

 

 

 

OMER SULEIMAN ALI (omersul04@gmail.com)                              23/02/13


Shabakada Saadaalnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. wiil jubo says:

    BAARAKA LAAH ILAAHEY HAKU BARAKEEYO WALAAL WAAN KAA FAAIDEYSTAY RUNTII WAANA WAXAAN U BAAHNAA OO IGA MAQNAA JISAAKA LAAHU KHEYRU JISAA ILAAHEY HA KAA ABAAL MARIYO




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Hilowle Dhagayso:- Hilowle Aadan oo Cadiifad Qabiil mid hawan ku Tilmaamay Mowqifka Dowladda ee Jubboyinka
- May 18, 2013
Siyaasiga Hilowle Aadan Maxamuud oo kamid ahaa ragii gacanta ku hayay Shirkii Kismaayo ee ...
Barre-Hiiraale Dhagayso:- Balanbale oo Barre Hiiraale laga taageeray
- May 18, 2013
Kadib markii Magaalada Kismaayo looga dhawaaqay Madaxwaynayaal farabadan oo yeelanayaan maamulka Jubbaland ayaa waxaa ...
UDAD-Party Dhagayso:- Ururka UDAD oo dhaliilay Maamulka Faroole
- May 18, 2013
Urur Siyaasadeedka UDAD oo kamid ah Ururada ka jira deeganada Puntland ayaa ku dhaliilay ...
Kismaayo-37 Dhagayso:- Mid kamid ah Siyaasiyiinta Jubboyinka oo Shir Jara’id Muqdisho ku qabtay, kana hadlay Iska hor imaadkii Kismaayo ka dhacay.
- May 18, 2013
Shir Jaraa'id oo Maanta ku qabtay Magaalada Kismaayo Ex Xildhibaan Maxamed Cumar Geddi ayuu ...
DSC09839 Dhagayso+Sawiro:- Baarlamaanka Somalia oo kulan la qaatay Waftigii ka socda Baarlamaanka Carabta iyo Shariif Xasan oo kasoo dhex Muuqday Xarunta gollaha Shacabka.
- May 18, 2013
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xarunta golaha shacabka kula qaatay waftiga uu hogaaminayo ...
deeqo Dhagayso:- Maamulka degmada Warta-Nabadda oo soo Gabagabeeyay Olole ay Wadaan maalmihii u danbeeyay
- May 18, 2013
Shir Jaraa'id oo Maanta ku qabateen Magaalada Muqdisho Maamulka degmada Wartanabadda ayay ku sheegeen ...
DSC00192 Dhagayso+Sawiro:- Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka hadlay Jubbooyinka, Somaliland, iyo Federaalka.
- May 18, 2013
Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad balaaran oo ...
Madaxweynaha Dhagayso:- Madaxwaynaha maamulka S/land oo Khudbad Xasaasi ah ka Jeediyay Xuska 18 Ka May
- May 18, 2013
Madaxwaynaha maamulka Soomaaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta ka qayb galay Munaasibad ...